Sign in to follow this  
Jacaylbaro

To All SOL Girls ....

Recommended Posts

Hadallo wada kulay iyo

Waa karkabad jacaylkuye

Kaalay aynu murannee

 

Xiise wada kamiin iyo

Waa kadeed Kalgacalkuye

Kaalay aan islaynee

 

Kaftan laga xanaaqiyo

Waa karaahi caashaqe

Kaalay aan ku jiidhee

 

Kolkaad ii cadhootee

Kumbudhlayso socdkaa

Laygu sii kordhaayoo

Kaama maarmi karayee

Kaalay aynu buuqnee . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . (Abwaan Faysal)

 

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Ibriiq gubtey baad tahey

Yaanyo kibirtaad tahey

Quraanjo gaajootey baad tahey

 

Hadaad joogi weydo

ood fadhiisan weydo

darbigaan kugu qaraaci

 

calooshaan kaa toogan

madaxaan kaa karbaashi

wajigaan kaa diiran

 

cirkaas intaan kuula kaco

dhulkaasna kugu lagdo

oon kugu soo dul dago

 

sidii kibileey qosleyso

caanuhuna kaa daataan

dhididkuna falalaq ka ayiraahdo

 

kolkaad bislaatood ogaato

balbashood karkartey

waxaad noqon yacycood

 

isku yaaloo kala yaalo

xiiranoo musbaaran

sidii maraq digaagoo daatey

 

anoon ordin oon haadin

taraaraxayoo kadaloobsan

ruqaansanayoo kugu mirqey

 

yaahuu dheh yaa kaafi

Ilaah amarkii . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . (Abwaan Haramcad)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

ha haha hahahaaa hahahahahaaa

Labadiinu qac baad tihiin, waali cas

Karbaash baad doonaysaan iyo dacas

Qac, dam iyo bug baa la'idinku soo qaadi

 

........................................(Abwaan Baaquli)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   
Juxa, Aaliyyah waa maxay ilka cadayska iyo lol loolka meesha idinka oo Budh weyn wata in aad gabay, geeraar ama buraanbur ku soo gashaan bay ahayd ee maxay sidani... I am soooooooooooo disappointed. Dadka iskuma diro lakiin Threadkan waxaan doonayey JB iyo Nuune in la Baacsado,,,:D Bustohooda ha ka cararaane.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Showqi loool Juxa and me were members of this site for how long? dee sifican baan u baranay in dadka qaar budh wax ka tarin..JB iyo Nuune labad wa labo ilaahay u naxaristay shekada lagama qaso!..warka wa laga dhura uun lmao

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kaalay aan ku jiidhee

Acuudu Bilaahi mina Shaydaami Rajiim. Meeshaas wax kasta malagu soo qoraaya. Xishooda, xishooda, xishoodku waa fiicanyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabbal baa u dumay naagihii geerashayn jiraye

Yuusufkaa galbeed tagay goconayaan mooyi

nafta waa lagubayaa sidii geedo xaabo ahe

girgiruu rag wada saaraya goor iyo ayaane

waar googo'a intaad haysataan Geerash ugu nuura

 

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

^^^^hedhe..bar yartaa meesha aad soo oode hanoogu hanjabin anaka :D (calashaan dumarka SOL)..bal adna hoo jacburiskaan :D

 

 

Jawaabti malagu siinin jaalle jacBaro

Jabta yar aad meesha kusoo jamacayse

Joog baa laga kari waayo,

Juugta kugu aasan baad la jareynasaaye…

Jiifsan weydoo..jaceyl bug’ ah kuugu faafisee

jin iyo jareerteeda jeel kugu xidhee..

jihadkiina qalbigey kuu jilcisee

Jar beey ka tuudhe, jiraanka haku joogsanee..

jidkii baadan aqoonine..adaa jeel isku ridee…

waa jamacidiyaan inantuyee, loox kugu jiide

jacdu iska jir…jug baa kaa muqataaye…

mandhow..ooda ha jabin, joog baa laga waaye..

 

 

as for nuunka...mandhow taada ma geli karo..sxb..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this