Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Siilaanyo appoints new head of supreme court

Recommended Posts

War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Sare.

 

Hargeysa(Ramaas) July. 2, 2011- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa goordhawayd u magaacabay guddoomiyha maxkamada sare oo loo magacaabay Yuusuf Ismaaciil Cali , kaasoo si weyn loo filay magaabistii toddobaadan.

 

Masuulka loo magacaabay maxkamada sare ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Sayla oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, waxaan uu badeli doona Dr Maxamed Ismaaciil Oomane oo bishii hore Madaxweynuhu xilkii ka qaaday,ka dib markii sida uu hadalka u dhigay Mr Siilaanyo uu ku eedeeyay in uu galay qaladaad badan oo dhanka cadaaladda ah,laakiin waxa laga dhursugayo ayaa ah ansixinta labada gole oo la horgayn doono dhawaan,iyada oo maanka lagu hayo sidii ay xildhibaanada labada gole ugu kala aragtida duwanaayeen maamuus ka xayuubinta Dr Oomane.

 

Goor dhaw waxaanu akhristayaal idiin soo gudbin doono nuxurka war-saxaafdeedka magacaabista guddoomiye maxkamada sare iyo badhasaab cusub oo loo magacaabay gobolka Awdal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo oo Xil Cusub ku soo Kordhiyey Hay’adda Garsoorka Somaliland

 

Hargeysa 02 July 2011 (SNN)- Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo muddooyinkaba waday wax-ka-beddel uu ku samaynayey garsoorka, ayaa magacaabay xil ku cusub hay’adda garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo ah Garyaqaannka Guud ee Qaranka.

 

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed caawa laga soo saaray Madaxtooyada Md. Siilaanyo waxa uu garyaqaanka guud ee qaranka u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan, kaas oo uu sheegay inuu u gartay xilkaasi oo ah mid qaranka muhiim u ah.

 

Warsaxaafadeedkaas oo uu ku faahfaahiyey sababaha uu u doortay iyo shaqooyinka uu qaban doono, waxa uu u qornaa sidan;

 

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) waxa uu magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan inuu ahaado Garyaqaanka Guud ee Qaranka JSL, kaas oo buuxin doona xilkan oo muhiimad weyn u leh Qaranka.

 

Xilkan oo loo baahnaa inuu xilli hore dalku yeesho waxa maqnaanshihiisa u baahday waajibaadka uu xafiiskani fulin-doono oo dhan, oo ay ka mid tahay Faafinta Xeerar iyo Shuruucda ay ansixiyaan Golayaasha Qaranku, Madaxweynuhuna Saxeexo oo aan hore u jirin.

 

Madaxweynuhu Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:-

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Qodobka 48aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka,

Markuu Aqoonsaday: Baahida loo qabo buuxinta jagada Garyaqaanka Guud ee Qaranka,

Markuu Ka Fiirsaday: kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Ibraahim Iidle Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudooyiha Cusub ee Loo Soo Magacaabay Maxkamada Sare ee Somaliland oo Maanta Si Rasmi Ah Xilkii Ula Wareegay.

 

“Xilka aan wareejinayaa waa xilkii maxkamada xilkii garsoorka iyo xilkii waaxda,waxana aan …” Gudoomiye Oomane.

 

 

Hargeysa(GNS) Gudoomiyaha cusub ee maxkamada sarre mudane Yuusuf Ismaaciil cali ayaa maanta si rami ah xilka ugala wareegay gudoomniyihii hore ee maxkamadaasi Mudane maxamed ismaaciilXirsi (Oomana)

 

Xafladan xil wareejinta ayaa ka qabsoontay xarunta guud ee maxkamada sarre ee qaranka munaasibadan xilka lagula kala wareegayay ayaa wax ka soo qayb galay gudoomiyihii horre ee maxkamada qaranka gudoomiyaha cusub ee maxkamadaasi, garyaqaano, qareenno iyo waliba marti sharaf kale oo fara badan.

Waxana halkaasi ka hadlay gudoomiyihii hore ee maxkamada sarre Mudane Maxamed Ismaaciil Xirsi (Oomana) waxana uu sheegay in uu si toos ah ula shaqayn doono gudoomiyaha cusub ee maxkamada sarre, waxana hadaladiisii ka mid ahaa “Xilka aan wareejinayaa waa xilkii maxkamada xilkii garsoorka iyo xilkii waaxda,waxana aan xilkii maxkamada sarre ee qaranka ku wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee maxkamada sarre Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali, intii aanu soo haynay waanu soo haynay ,xilka maalinba nin baa jooga, ceeb ma leh xilku, waxa weeye in qof laga qaado qof kalena loo wareejo ,waa in uu qofba mar hayo, waa in qofkii looga maarmi waayo la saaro xilka , waxaan balan qaadayaa inaan la shaqaynayo gudoomiyaha cusub wixii tallo iyo toosin ahba diyaar ayan ula ahay”

 

Waxa isna halkaasi hadal ka soo jeediyay Gudoomiyaha cusub ee maxkamada sarre Mudane Yuusuf Ismaaciil cali, waxana uu mahadnaq balaadhan usoo jeediyay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland waxana uu sheegay in uu taageersan yahay xeerkii uu laalay madaxweynahu ee ahaa Gudidii nabadgelyada, isagoo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Waxan balan qaaadayaa inaan garsoorayaasha kula dhaqmo sida ay xeerka utoosiyaan , garsoorayaasha iyo xeerilaaliyayaasha waliba xeer ilaaliyaha guud ee uxilsaaran hawsha gudida cadaalada inaan kula xisaabtano shaqadooda uhufnaantooda iyo waliba daacadnimadooda iyo sida ay xeerka ugu dhaqmaan garsooraha is yeelyeelaya waan garanayaa iyo garsooraha sida wanaagsan ugudanay shaqadiisa labadaba waan kala garanayaa"

 

Xafladan ayaa ahayd mid ku bilaabatay jawi wanaagsan waxana ay ku soo dhamaatay waji wacan,balse waxa laga warsugayaa labada golle qaran ee soomaaliland oo maalmaha soo socda la horgeyn doono ansixinta gudoomiyaha cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Jacaylbaro;732207 wrote:
He already started his job by arresting Jamhuuriya's editor .....
:D

He did? But that is not part of his job!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this