Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Former president of Somaliland daahir rayaale kahin returns back home +PICS

Recommended Posts

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahim Oo Soo Gaadhay Dalka Iyo Dadwayne Tiro badan oo Soo dhaweeyay

 

 

Dadkan ka hor tagay madaxweynihii hore ee somaliland Daawo Sawiradda

 

Hargeysa(GNS)Madaxexweynihii hore ee somaliland MD Daahir Riyaale Kaahim ayaa maanta si rasmi ah uga soo degay gagida diyaarada ee Egal airport international ee magaalada Hargeysa.

 

Waxana madaxweynaha soo dhoweyay oo ka hortagay wufuud aad ubaaladhan ooay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland hadana ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada, wasiirkii hore ee cadaalada ,wasiirkii hore ee duliista iyo hawada, wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryaynta afhayeenka xisbiga udub iyo waliba wufuud aad usaraysa oo isugu jira wasiiro hore iyo xubno muhim ah oo ka socda xisbiga udub waxa sidoo kale soo dhowentan ka soo qayb galay wufuud ka socda xisbiga UCID oo uu hor kacayo gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi mudane Aadan Maxamed Mirre Waqaf iyo xubno kale oo xisbiga ucid ah waxa isla madashaas ku sugnaa bulsho weyn aad ufara badan oo ah taageerayaasha xisbiga udub.

 

Dadkan ka hor tagay madaxweynihii hore ee somaliland ayaa sitay boodhadh ,caleemo iyo waliba calamaan kuwaasoo muujinayay shucuurtooda soo dhoweenayd , waxana ay ku dhawaaqayeen eryo ay ku taageersan yihiin madaxweynihii hore ee somalialnd Mudane Daahir Riyaale Kaahim

 

Dhanka kale waxa jiray oo loo diiday in loo ogolaado madaxda sarre ee mucaaradka UDUB in ay galaan gudaha madaarka taasina waxa ay sababtay in laysku dhagxiyo isla markaasna ay raasaas lays weydaarasado , Rasaasta ayaa waxa ridayay ciidanka amaanka halka shacabkuna ay tuurayeen dhagax isla markaasna ay ku qaylinayay ciidanka amaanka ,Wallow aanay wax khasaara ahi ka dhalan arintan, balse waxa ay noqotay meel foodo iyo rabashad kicisay ,balse waxa lagu daddalay isla markaana lagu guuleysat in la dajiyo arintan.

 

Kadib soo degitaankii madaxweynaha ayaa loo galbiyay xarunta guud ee xisbiga UDUB isaga oo Gudoomiyaha xisbiga UDUB Mudane Riyaale uu umahadnaqay dhamaan shacab weynaha somaliland isla markaasna hambalayo iyo mahadnaq usoo jeediyay cid kasta oo soo dhoweysay.

 

Si kastaba ha ahaatee soo dhoweynatan ayaa si weyn looga dareemay gabi ahaanba caasimada somaliland waxana ay noqonaysaa markii ugu horeysay ee intuu xilka wareejiyay Mudane Daahir Riyaale Kaahim uu ku soo noqdo dalka.

 

 

Reported By

Ali-Mahdi Osman Ahmed

Khadar Cabdi Muuse

Gabiley news Reporters

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qorax   

lol@Somaliand wtf is that? how come now spotted it . Beautiful colour choice though(Green background and red/white writings )

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this