Sign in to follow this  
Som@li

Mahiga: Raiisul Wasaaraha raali ayuu ka ahaa heshiiska

Recommended Posts

Som@li   

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Augastine Mahiga, oo u warramay BBC ayaa sheegay in Raiisul Wasaaraha uu raali ka ahaa heshiiskii ka dhacay Kampala.

Mahiga waxa uu sheegay in inkastoo aanu Raiisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi saxiixin heshiiska haddana inuu raali ka ahaa inuu is casilo laba toddobaad gudahood.

Wakiilka ayaa waxa uu sheegay in ay maanta telefonka ku wada hadleen isaga iyo Raiisul Wasaaraha, isla markaana uusan u sheegin wax dhibaato ah.

Raiisul Wasaaraha, Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa shalay shir jaraa'id uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in aanu is casileyn ilaa iyo inta baarlamaanka Soomaaliya uu go'aan ka gaarayo arrinta.

Maxamed Cabdullahi, waxa uu intaa raaciyay inuu tixgelinayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isla mar ahaantaana ay go'aanka kalsoonida leeyihiin baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Laakiin Danjire Mahiga, ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay taageersan tahay heshiiskii Kampala.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this