Sign in to follow this  
Mooge

It is a war between minister Abdikarim from SSC and Farmajo from Gedo.

Recommended Posts

gooni   

out of the four in 4.5, Two clans compete for the presidency, which ever wins appoints the other as prime minister.

sir naxar

labadan reer waa koonfur hal boos waa inay qaataan mar hadaan buradii iska goynay dad diin fiican isku raaci waayay qabiil isku raaci maayaan taas looma fadhiyo

Waxay iigu muuqataa si dadka wanaagsan ee reer waqooyigu dhabankooda ciidda uga tiraan in loo magacaabo pm ugana kaaftoono in ugandha waardiye u noqoto

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

OR It is a war between Minister Abdikarim from SSC and Faroole from Puntland [Nugaal, Bare, &Mudug]

 

 

DHAGEYSO: C/raxmaan Faroole "Sadexda Wasiir Midka Beesha SSDF Waana Matela laakiin Kuwa SSC & Galdogob Waa Billiliqo, SSC waxaa Ku Qayliyey Malakul Jibriil, Argagaxisadu Galgala Waxay galeen Laascaanood iyo Ceerigaabo, Maamulka Siilaanyo ee Somaliland Waxaanu Leenahay Naga Raali Noqda, Nabadana Nagala Shaqeeya http://www.golkhatumo.com/Fucole.rm

 

 

 

Faroole OO Ka Jeedisay Hadalo oo u Badnaa Cabasho iyo Calaacal Salaadii Ciida ee Garowe

 

“ Waxaa la Yiri sadax Wasiir ayad ku leedihin taasi Waa been,Hal wasiir ayaa nala siiyay” ayuu si jilicsan u Yiri faroole.

 

“Anaga Kuwaas Nama matalaan hadaad wax u dhiibateen iyo hadii kale” ayuu markale asaga oo Cabanaya Yiri faroole.

 

“Aanagu Waan ka Baxnay Dowlada federaalka hadan la helayn waxaan hore u heli jiray”

 

C/raxmaan faroole oo ka hadlay salaada ciid ka dib ayaa halkaas ka cadeeyey in Laascaanood Iyo Ceerigaabo joogaan Argagaxiso, Maamulka Siilaanyo ee Hargaysa xaruntiisu tahay raali gelin ka siiyey haddalo hore uu saxaafadda ka sheegay kana codsaday in ay nabada kala shaqeeyaan.

 

 

 

 

 

C/raxmaan faroole ayaa waxuu sheegay in maamulka Puntland uu matalo Wasiirka Dr. C/Wali Maxamed , laakiin C/kariin Xasan Jaamac iyo C/rashiid Khaliif Xaashi aysan matalin ayna yihiina rag colaad u haya puntland kuna sheegay wasiiro laga billiliqaystay maamulkiisa. faroole ayaa ku tilmaamay Dr. C/kariim xasan Jaamac nin burburinaya puntland.

 

 

 

Faroole ayaa ku nuuxnuuxsaday in maamulka SSC yahay cadow in lala dagaalamo ay waajib tahay uuna la kaashanayo maamulka somaliland maadaama uu ka dalbaday in nabada laga shaqeeyo taas oo macnaheedu tahay kalmad siyaasiyiintu isticmaasho oo ah kalmad colaadeed, Faroole ayaa hadalkiisa ku cel celiyey " SSC ka soo degi maayaan garoomadayyada iyo degaankayaga Hadday wax xoraynayaan dee xamar baa u baahan xorayne xamar ha iska joogaan"

 

 

 

---------------------------------------------------------

 

 

Faroole waxaa uu ka dhimayaa kana xunyahay, Madaxweynaha Somalia qaabilo Wafdiga SSC heerka Qaran ee booqasho ku jooga caasimada Somalia Mogadishu

 

 

Ta kale ee layaab leh, waxa weeye Faroole waxa uu aaminsanyahay in wasiiro laga bililiqeystay Beesha Bariga/Puntland

 

 

Waa kuwan Nimanka bililiqeystay Wasiiradii Beesha Faroole ee Maamulka Puntland iska leh

 

1. PM Farmaajo [Gedo] oo jagada Ra'isul Wasaaraha bililiqeystay

 

 

2. Wasiir C/kariin Xasan Jaamac( SSC) oo jagada Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta bililiqeystay

 

 

3. Wasiir C/rashiid Khaliif Xaashi [Goldogob] oo jagada Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska bililiqeystay

 

Faroole waxa uu sheegay in halka nin ee kasoo jeeda beesha Bariga (ama Puntland) C/weli Maxamed Cali oo ah Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga oo matalo Puntland

 

Lakiin Wasiirada kale ee kasoo jeeda Gedo,Goldogob, SSC, iyo Gobolada kale Cidna Ma Matalaan

 

 

-----------------------------------

 

 

 

BAAQ CANBAAREYN: Shacabka SSC "C/Kariim Xassan Jaamac, Wuxuu Metelaa Shacabka SSC Anagaa Dirsanay”.

 

 

Waxaa maanta hadal qoraal ah ka soo saaray magaalada Nairobi Jaaliyadda SSC ee ku dhaqan dalka Kenya. Qoraalkan oo uu ku saxeexnaaye gudida Jaaliyadda SSC ee barriga Afrika ayaa u qornaa sidan.

 

 

 

Baaq Canbaareyn ah.

 

Anooga ah gudida Shacabka SSC ee ku dhaqan Bartahamaha iyo Bariga Afrika, waxaanu canbaareynaynaa, kana soo horjeednaa hadalkii gefka ahaa ee ka soo yeedhay Madaxweynaha maamul goboleedka Putland C/Raxmaan Faroole, kaasoo uu ku daadifeeyey kuna dafiray Jiritaanka beelweynta Dhulabahante.

 

Waxaana si weyn u diidanahay hadalka nuxurkiisu ahaa yasitaanka, ee uu talada Shacabka SSC si siiyey, asagoo is iloowsiinaya in beeshani ay aayaheeda ka tashatay una madaxbanaan tahay.

 

Waxaanu cadeynaynaa anagoo ah aqooyankii, gudid iyo guud ahaan Shacabka SSC ee ku abtirsada deegaanada SSC, waxaanu u sheegaynaa umadda Soomaaliyeed, madaxda iyo Barlamaanka Soomaaliyaba in aanu igmanayn isla markaana uu na matelo Dr: C/Kariim Xassan Jaamac, kuna raacsanahay magacaabistiisa oo ahayd mid ku timid rabitaanka, talada iyo soo jeedinta beesha iyo deeganada uu ka dhashay.

 

Waxaanu markale ku celinaynaa in uu metelo mudane C/kariim Xassan Jaamac beeshiisa iyo deegaanadiisa, isla markaana ay Gef tahay in Faroole uu soo farageliyo danaha deegaanada kale ee aan hoos imaan, waxaana u sheegeynaa markale in C/Kariim aanu u dooranay inuu noo metelo Siyaasada dawladda Soomaaliya anagoo tixgelineyna, Aqoontiisa, kartidiisa iyo weliba wadaniyadiisa shakhsiyadeed. Taasoo uu ugu adeeg karo umadda Soomaaliyeed guud ahaantoodba,

 

Dalka Soomaaliya maanta waxaa wax lagu qaybsadaa qabiil, dawladuna waxay ku dhisan tahay Nidaamka 4.5ka, mana jirto sabab uu Faroole u soo faragelin karo xaqa ay beeshani u lee dahay Booskeeda iyo cida ay u dhiibatay toona.

 

Waxaana ku waanineynaa Mr: Faroole inuu joojiyo cadawaada uu ka dhex beerayo dadka walalaha ah ee uu magacooda huwan yahay, waxaana wax laga xumaado ah inuu gaar u barbartilmaamaydsado labada wasiir ee aan ka soo jeedin beeshiisa, halka uu taageeray kii ka soo jeedey beeshooda.

 

Waxayna arintani dhalin kartaa kala shaki soo kala dhexgala dadka Hilbuhu ka dhexeeyaan, waxaadna moodaa in Faroole uu noqday mas’uul loo soo diray kala irdheynta beelaha walalaha ah , asagoo amrkastaba muujiyana maxabo uu u hayo dadyawga kale halka uu shacabka iyo deegaanada SSC-na uu geeska ku feedhayo.

 

Ugu danbeyntii waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan dawladda Federaalka ah, oo abid hada ka horoow aan loo dhisin gole wasaaradeed oo sidan tayo iy aqoon u leh, taasoo ka turjumaysa salka xukuumada oo ah Ra’iisal wasaaraha oo noqday nin aqoon iyo karti Hibo loo siiyey, taasoo dhaxal siisay inuu soo dhiso xukuumadan loo hanweyn yahay isla markaana kooban.

 

Allaah ayaa mahadleh,

 

Waxaa na soo gaadhsiiyey Gudida Jaaliyadda SSC ee Bartamaha iyo Bariga Afrika.

jidbaale

 

 

-----------------------------------------------------------

 

Faroole: Wasiirradii puntland waxaa bililiqeystay Sheekh Shariif

 

 

Madaxwaynaha dawlada Puntland waxa uu eed dusha uga tuurey Madaxwaynaha KMG ah Shariif Shiikh Axmed oo uu sheegay in wasiirada Puntland la siiyey ee saddexda ah in labo ka mid ah uu isagu keensadey ayna xafiisyadiisa uga shaqeyn jireen.

 

 

Anaga Puntland ahaan 3 wasiir ayaa nagu magacaaban xukuumada labo ka mid ah Ninka Madaxwaynaha ah ayaa bililiqaystey oo keensadey wax lala yaabo weeye wasiiro laka bililiqaysanayo anagu arintaas yeeli mayno nama matalaan” ayuu yiri Madaxwayne Faroole.

 

Madaxwaynaha Puntland waxa kale oo uu sheegay in labada wasiir ee Madaxwayne Shariif ku darsadey liiska ee Puntland kasoo jeeda inay yihiin kuwo nabada iyo danaha Puntland kasoo jeeda kana shaqeynaya fawdo iyo la shaqeyn kooxda SSC la baxdey ee hada ku sugan magaalada Muqdisho.

 

 

--------------------------------------------

 

Galdogob:Nabadoon Cambaareeyay Hadalkii Faroole EE Ahaa Wasiirada Galdogob & SSC Nama Matalan, Lakiin C/weli Maxamed Cali Waa uu Namatalaa Waayo Waxuu Kasoo Jeeda Beesha Bariga/Puntland

 

Goldogob

 

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Galdogob ayaa sheegaya in Nabadoon la yiraahdo Cali Salaad Cilmi oo kasoo jeeda Goldogob ayaa cambaareeyay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Wasiirada cusub nama matalaan ee waxaa magacawday Sh.Shariif (Laba wasiir oo ka soo kala jeeda Goldogob iyo Buuhoodle SSC nama matalaan),arritaas oo uu nabadoonku waraysi uu VOA siiyay ku sheegay in Wasiirada uu magacaabay Raysal Wasaaraha ay shaqada Raysal Wasaaraha tahay,Faroolana ay shaqadiisa tahay Puntland.

 

 

Wuxuuna sheegay hadalka Faroole inaysan taageersanayn,waana wax laga xumaado.

 

 

Waxaana loo arkaya Madaxweynaha Puntland inuusan doonayn in qabiiladaa loo magacaabo Wasiir.

 

 

Waxaa kale oo uu Nabadoonku xusay haddii aan Wasiirada oo lagu bixiyay qaabkii 4.5,aysan matalin Puntland,Waxaa su’aal ka imanaysaa cidda uu faroole matalaayo.

 

Labadan Wasiir ayaa Maamulka Puntland ay si ba’an uga soo hor jeestay,una ku dhawaaqay diidmadaa Mr. Faroole.

 

Labadan Wasiir ee la diidan yahay ayaa waxay kasoo kala jeedaan Goldogob iyo SSC.

 

Arrintan haddaan Maamulka Faroole uusan ka noqon waxay keenaysaa kala fogaansho tolnimadii ay awalba duntu isku haysay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Lol, are people really serious, cannot Abdikarim want to be PM and reer Buuhoodle support Farmaajo at the same time, maxaa isku xiray labada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Probably the best way to have this resolved is to start an online petition. Have Mr. Cheese keep his post, let the Sharifs depart and maybe hope for Somalis. I think Faroole would actually benefit if he comes to Farmaajo's rescue, some will probably accuse him of qabiil-motivated move but who cares really.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shallot   

Mooge;728218 wrote:
doubledecker, qorax, put your Gedo biases aside for one minute.

Walaal its good to practice what you preach...why don't you, as well, put your Puntland biases aside for a sec. I read everything you wrote N that is my conclusion! Wa'Salaam :)

 

 

P.s. Its now over...he is gone, just felt like replying LOL :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this