Sign in to follow this  
Somalina

Hargeysa: Xaflad Lagu Xusayay Labaatan Guurada ka soo wareegtay markii La Riday Mingiste

Recommended Posts

Somalina   

May 29th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xaflad lagu maamuusayay sanad guuradii labaatanaad ee ka soo wareegtay xiligii awooda laga tuuray sanadkii 1991-kii Madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mingistu Hayla Mayran, ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

 

Xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada wadanka Itoobiya ee ku dhaqan Somaliland iyo safaarada Itoobiya ku leedahay Magaalada Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibada, Shirgudoonka Golaha Wakiilada, masuuliyiinta sadexda xisbi qaran iyo jaaliyada Itoobiya ee ku dhaqan Hargeysa.

 

Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland oo furitaankii xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay munaasibada labaatan guurada ka soo wareegtay markii tallada dalka Itoobiya laga tuuray kaligii Taliye Mingistu, waxaanu tilmaamay in shacbiga wadanka Itoobiya ay halgan dheer u soo galeen.

 

Wakiilka Itoobiya waxa uu sheegay in tan iyo markii dawlada uu hoggaamiyo Rasyal Wasaare Malas Zanawi la wareegtay talada dalka ay gobolka u horseeday nabadgelyo iyo horumar, waxaanu xusay in xidhiidhka dublamaasiyadeed ee ka dhaxeeya Somaliland uu marayo meel wanaagsan.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya uu yahay xidhiidh adag oo ku dhisan iskaashi dhinacyo badan leh. Waxaanu tilmaamay in dawlada Itoobiya ay iska kaashadaan dhinacyada nabadgelyada, ganacsiga iyo ladaagalanka Argagixisada.

 

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in shacbiga Somaliland ay Itoobiya abaal weyn ugu hayaan sidii ay u soo dhaweeyeen xiligii taliskii Siyaad barre uu duqaynayay dadka rayidka ah eek u dhaqan magaalooyinka Somaliland.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) oo uu weheliyay Safiirka dawlada Itoobiya si wada jir ah u jaray Keeg ay ku sawiran yihiin calammadda Somaliland iyo Itoobiya oo loogu tallo galay munaasibada sanad guurada labaatanaad ee ka soo wareegtay xiligii dawlada Raysal wasaare Males Zanawi ay la wareegtay tallada dalka.

 

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Che sidii somali iskala hanwayneed xabashi una necbeed iyo sida maanta dabada loga dhunkanayo! ..I need tissues to cry a river :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^History will not look back on those celebrating this day while just across the border Somali girls are raped everyday.

Well said Che.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

big deal Somaliland Independence day and the day Siad bare was ousted is also celebrated by Ethnic Somalilander's in Addis Ababa. Why can't the Ethiopian community living in Sland also celebrate the day they ousted Minigste in a hotel?

 

Somalina; wrote:

Xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada wadanka Itoobiya ee ku dhaqan Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;724824 wrote:
^History will not look back on those celebrating this day while just across the border Somali girls are raped everyday.

Crocodile tears. War waaweynaa ilmada yaxaasku. Stories are told by the victors saaxiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this