Somalina

Somalia: May 15th celebrating Somali Youth League (SYL) Day

Recommended Posts

xiimaaya   

one of the reasons why i register with somaliaonline was somalina, She brought unity and somalinimo to this fourm.

 

 

Who ever banned her did her no justice..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

General Duke;719873 wrote:
The Future is Bright, the Future is Blue & White...

Shoow nationalism only increases with age. :D Good change nevertheless.

 

Nice thread.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Showqi;830394 wrote:
ilaahay ha u naxariisto Aabayaashi SYL iyo intii u soo halgantay xoriyada wadankeena

Ameen yaa Rab..

 

Happy SYL day :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Farmaajo oo xalay ka qeyb-galay munaasabad lagu maamuusayay xuska 15 May

BE2I1029.jpg?w=660&ssl=1

BE2I1003.jpg?w=660&ssl=1

BE2I0934.jpg?w=660&ssl=1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweynaha ayaa intaas kaddib waxa uu kala qayb galay boqollaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid guud ahaan deegaannada dalka munaasabad lagu qabtay Taliska Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo ay ugu dabaal degayeen 76-aad guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madasha ka jeediyey kalmad uu ku dhiirri-gelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoona dib u xasuusiyey doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku lahaayeen xornimo doonkii, qaran-dhiskii iyo horumarintii dalka.

“Dadaalkii ay bixiyeen dhallinyaradeennii SYL ayaa horseeday in dalkeennu uu safka hore ka galo dalalkii xornimada ka qaatay gumeystihii. Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa sida ay qabyaaladda uga fogaayeen, una aaminsanaayeen midnimada, waddaniyadda iyo wadajirka dadkeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey naxariis iyo in uu jannadiisa ku abaal mariyo 13-kii dhallinyarada ahaa ee SYL oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Hobollada Kooxaha Qaranka ayaa munaasabadda ka sameeyey bandhig suugaaneed ay ku muujinayeen dadaallada dhallinyaradeennu ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, rajada lagu qabo iyo caqabadaha ku xeeran ee dhanka fursadaha shaqada, qabyaaladda iyo fikirka gurracan ee argagixisanimada.

Munaasabaddan waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye-Gaas Daahir Aadan Cilmi, Booliska Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamad Jaamac, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan Urrurada Bulshada Rayidka ah.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray Farriin ku saabsan Sannad-guurada 77-aad ee Aasaaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka ayaa dul istaagay tilmaamaha furaha u ah guusha ay gaarsiiyeen dalka 13-kaas dhallinyarada ahaa oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MADAXWEYNE FARMAAJO OO DHALLINYARADA SOOMAALIYEED U DIRAY FARRIIN KU SAABSAN XUSKA SANNAD-GUURADA 77-AAD EE AAS-AASKII SYL

Muqdisho, May 15, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray Farriin ku saabsan Sannad-guurada 77-aad ee Aas-aaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka ayaa dul istaagay tilmaamaha furaha u ah guusha ay gaarsiiyeen dalka 13-kaas dhallinyarada ahaa oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida.

“Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dadkeenna Soomaaliyeed, jiil walba oo inaga mid ah waxaa waajib ku ah in uu dhaxalsiiyo jiilka xiga xusuustooda, halgankooda, taariikhdooda iyo diiwaanka maamuuskooda.”

Madaxweynaha ayaa muujiyey caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa riyada Dhallinyarada SYL kuwaas oo ay ka mid ahayd qorshihii Gumeystaha ee ku dhisnaa hab qabiileysan in uu u kala qeybiyo Umaddan walaalaha ah, arrinkaas oo u adeegayey danaha cadawga, iyada oo jahli lagu hayo ummadda, aqoontana loo diido, dhaqaalahana lagala dagaalo, koox yar oo fikirka shisheeye u adeegtana laga dhex sameeyey dadka Soomaaliyeed.

“SYL kuma muteysan maamuuskaas kaliya in ay dadka Soomaaliyeed ka dulqaadeen heeryada gumeystaha, una horseedeen gobanimo buuxda, balse waxa ay ku muteysteen in caqabadaha waaweyn iyo jilaafooyinka ay ka soo gudbiyaan halganka dheeraa ee gobanimo-doonka”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladihii adkaa ee ay dhaxashay Dowladda uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahayd hannaankii dhaqaale ee aadka u hooseeyey, daymo tiro badan oo culeys ku hayey horumarka dalkeenna, xaalad adag oo ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa soo bandhigay guulaha taariikhiga ah ee Dowladdu ay ku wajahday caqabadahaas iyo ifafaalaha maanta muuqda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda iyo noloshoodaba u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tusaaleeyey casharka taariikhiga ah ee ku jira midnimada iyo wada jirka ay lahaayeen Xisbiyada ama ururrada Dhallinyaro ee ka kala dhisnaa Gobolada Koonfurta iyo Gobolada Waqooyi ee dalka, kuwaas oo wadaniyad iyo walaaltinimo ku fashiliyey qorshihii Gumeystaha ee kala qeybinta dalkeenna iyo dadkeenna.

DHAMMAAD

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay munaasabbada 15-ka May ayaa hambalyo u diray dhallinyarada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay munaasabadda xusnka 77 sano guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ururkii gobanima-doonka ahaa ee SYL ee sababta u ahaa xoriyadda iyo madaxbanaanida Soomalaiya ayaa dhallinyarada Soomaalyeed ku booriyay in tusaale ka dhigtaan tilmaamayaashii wanaagsanaa ee dhallintaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradii ku midoowday ururka SYL ee sababta u noqday xaqiijinta rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in dadka Soomaalyeed laga dulqaado heeryadii Gumeysiga ay ahaayeen dhallinyaro ku sifoobay isku Duubni, waddaniyad iyo weliba in ay ka fogaadeen qabyaalad.

“Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dadkeenna Soomaaliyeed, jiil walba oo inaga mid ah waxaa waajib ku ah in uu dhaxalsiiyo jiilka xiga xusuustooda, halgankooda, taariikhdooda iyo diiwaanka maamuuskooda.”

Waxa uu intaa ku daray in dhallinyarada SYL ay wajaheen caqabado waaweyn ee hortaagnaa ka miradhalinta halgankooda oo ay kamid ahaayeen qorshayaashii gumeysteyaasha ee ku dhisnaa in hab qabiileeysan uu kala qeeybiyay shacabka Soomaalyeed ee walaalaha ah, in bulshada Soomaalyeed lagala dagaalo dhanka waxbarashada iyo dhaqaalaha, islamarkaana la abuuro koox yar oo ku shaqeeysa rabitaanka shisheeyaha.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay marxalidihii ay sii martay dowladd uu hogaamiyo, isagoo ka sheekeeyay caqabado ka jiray hannaankii dhaqalaaha dalka, deeymo tiro badan oo lagu lahaa dalka iyo xaalado adag oo uu sheegay in ay ku noolaayeen dhallinyaro badan oo Soomaalyee oo qaarkood ku xirxirnaa dalal shisheeye ayaa sheegay in dowladda uu hogaamiyo ay waxbadan ka qabatay arrimahaasi.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda iyo noloshoodaba u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19.

Xuska sanadkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhallinyarada Soomaaliyeed ay haystaan dhibaatooyin ay kamid yihiin shaqo la'aan iyo weliba in ay dhibaato kala kulmaan dhinacyada hubeeysan ee Soomaaliya kuwaa oo dhallinyarada u adeegsada dano siyaasadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.