Sign in to follow this  
oba hiloowlow

War-Deg deg ah: Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo geeriyooday

Recommended Posts

Allaha u naxariistee waxaa galabta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Imaam Maxamuud Imaam Cumar.Danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddanka Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay geerida Imaamka oo uu tilmaamay in isagoo xanuunsanaya caafimaad ahaan loo geeyay dalka Kenya.

 

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Oba, Imaamka Ilaah ha u naxariisto title-ka loogu yeeraayo ma aragtey? soo cajiib maaha?

http://www.calanka.com/warka/article1896.htm

-------

Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa caan ka ahaa gayiga Soomaaliyeed, waxaana uu ka soo qeyb qaatay xalinta khlaafyo badan oo qabaa`ilada soomaalida qaarkood dhex maray.

 

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Imaamka ayaa tacsi u dirtay qoyska iyo ehelkii uu ka geeriyooday marxuumka, waxaana ay Alaah uga baryeen in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa isagoo ku sugan Magaalada Kampala ee dalka Uganda tacsi qaran u diray geeridii ku timid Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi.

 

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Imaamka lagu xusuusan doono dadaalkiisa dhanka nabada, isagoo xusay in kaalintiisii dib u heshiisiin ee uu ka qaatay dalka intii colaadaha ay jireen, waxaana qoyskii iyo qaraabadii uu ka dhintay Alle u weydiiyay inuu samir iyo imaan ka siiyo.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna Imaamka uga baryay inuu janadii Fardowso eebe ka waraabiyo, waxaana uu tilmaamay in mudadii uu joogay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha uu ahaa nin in badan ka qeyb qaatay dadaalada nabada.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna waxaa uu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Imaam Maxamuud, isagoo sheegay in Imaamka uu ahaa Hogaamiye dhaqan aad looga qadarin jiray dalka oo dhan.

 

Meydka Allaha u raxmadee Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa lagu wadaa in dhowaan la keeno Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si loogu aaso, iyadoo la filayo aas qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Khamiis, Muqdisho, May 12, 2011--------Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ku hadlay magaca Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray caawa qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar oo galabta ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna Alle uga baryay inuu Janatul Firdowso ku abaal mariyo.

 

“Alle ha u naxariistee Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar wuxuu ahaa hogaamiye bulsho oo ku caanbaxay Nabad raadinta Soomaalida dhexdeeda, wuxuuna had iyo jeer ku howlanaa sidii loo heli lahaa Nabad waarta, Xassilooni iyo Dowladnimo” ayuu yiri Mudane C/xakiin oo ummadda Soomaaliyeed xasuusiyay in naf waliba ay dhadhamin doonto geerida.

 

Sidoo kale Ku simaha Ra'iisul Wasaaraha C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa ku tilmaamay Imaamka inuu ahaa Hogaamiye Bulsho, isla markaana shacabka Soomaaliya uu ka baxay nin qiimo badan, oo aad loo qadarin jiray.

 

Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda loo soo duuliyo Magaalada Muqdisho si loogu aaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this