Sign in to follow this  
Jacaylbaro

EXCLUSIVE THREAD: 18th of May, The 20th Anniversary of Somaliland

Recommended Posts

Thankful;718868 wrote:
This guy is going to be hosting the best party!

 

835_jpg.jpg

:D :D Ninkaasi waa laba xiniinyood - bal adigu car la tag baluugley 'their exclusive' party!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masuuliyiinta Xukuumada oo Ku Sii Qulqulaya Dalka Dibadiisa Si Ay Uga Qeyb galaan Xuska 18 May

 

May 13th, 2011

 

Hargeysa(Somaliland.Org)- La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maal gashiga Md. Axmed Xasan Carwo, ayaa maalinta bari ee Sabtida dalka ka dhoofaya waxaanu u kicitimayaa socdaal shaqo oo uu ku tagayo dalalka Imaaraadka Carabta iyo UK, si uu u sii xoojiyo damaashaadka sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii madax banaanida Somaliland.

 

La Taliyuhu waxa uu dalalkaasi kulamo kula yeelan doonaa Jaaliyada Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan wadanka UK oo uu kala hadli doono sii xoojinta xidhiidhka iskaashi iyo wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Ingiriiska iyo Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu caawa soo saaray La Taliyaha ee arrimaha ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga Md. Axmed Xasan Carwo, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sedan:-

 

“Si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada Somaliland leyskuna xidho dibad iyo gudaba, waxaynu goosanay inaynu damaashadka 18 May ee sanadkan lagu qabto si heer sare ah meel kasta oo ay joogaan jaaliyadda Somaliland. Waxa iyana barbar socota tallo-ururin iyo wadatashi laga yeesho dhismaha dhaqaale iyo horumarinta bulshada. Waxa hubaal ah in iskaashiga bulshada gudaha iyo dibaddu yahay mid lagu dhisi karo joogtaynta xidhiidhkooda, taasina ay ku imanayso wado-tashiga ay wadaan mas’uuliinta xilalka kala duwan inoo haysa. Taas oo lagaga midho dhalin karo aqoonta, iyo hantida dadakeena ee daafaha dunida ku kala baahsan.

Iyadoo taas laga duulaayo, waxaan maalinta Sabtida ah ee 14 May 2011 u ambobaxayaa dalka Imaaradka Carabta Haddii ILAAHAY yidhaahdo, waxaanan ka qayb galayaa damaashadka sanadguurada 20-naad ee xorriyadda Somaliland. Waxa muddada aan joogo aan la yeelan doonaa Jaaliyadda shirar wado-tashi iyo xogwaran ku saabsan arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga. Waxaan iyana uu u gudbi doonaa dawladda Qadar iyo dalka UK. isagoo meel kastaba ka geli doona shirar uu qurbajooga iyo ciddii danaynaysa arrimaha maalgashiga dalkeena la kulmi doonaa. Ugu dambaynta waxaan u gudbi doonaa U.K. La-kulanka Jaaliyadaha magaalooyinka U.K, waxa u wehelisa qorshe aan kula kulmi doono masúuliyiin ka tirsan dawladda U.K iyo tan Wales oo aan kala hadli doona xoojinta

 

Dhinaca kale, waxa masuuliyiin badan oo ka mid ah xukuumadda Somaliland ayaa u kala kicitimay dalalka adduunka si ay jaaliyada Somaliland kala qeyb galaan munaasibada sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland.

 

La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Inctiraaf raadinta Md. Maxamed/rashiid Sh. Xasan, Afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Faysal Cali Sheekh, ayaa maalmo ka hor u kicitimay dalka Ingiriiska si ay ugala qeyb galaan jaaliyada Somaliland banaan baxyo waaweyn oo lagu taageerayo qaranimada Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this