Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Axmed Siilaanyo meets with UAE Govt officials+PICS

Recommended Posts

Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Sheekha Maamula Imaaradda Raasul Khayma

 

April 24th, 2011

 

Imaaraadda Raasul Khayma Oo Somaliland U Ogolaatay Inay Xafiis Ka Furato Imaaradaas

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa kulan la yeeshay Sheekha xukuma Imaaradda Raasul khayma ee dalka Imaaraadka carabta Sheekh Sucuud Binu Saqar Al-Qaasimi.

Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa imaarada Raasul khayma loogu soo dhaweeyay si heer sare ah waxaana ka qeyb galay afartan mooto.

Sidoo kale, waxa imaarada Raasul khayma ay Somaliland u ogolaatay inay imaaradaasi ka furato xafiis, sidaasna waxa lagu sheegay war murtiyeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada, waxaanu u dhignaa sidan:-

 

“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hoggaaminaayo ee ku sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa la kulmay Sheekha Xukuma Imaarada Raasul khayma, Sheekh Sucuud Binu Saqar Al-Qaasimi ee Wadanka Isu-tagga Imaraadka Carabta.

Sheekha ayaa ogolaaday in ay Somaliland Imaaradiisa ka furato Xafiis ka dib markii uu kulan qado sharaf ah la yeeshay weftiga uu hoggaaminaayo Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maal-mahanba ku sugnaa Wadanka isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo uu sheekhu ku soo Dhaweeyey 40 Mooto iyo Baabuurta u khaaska ah Martida kuwaas oo weftiga kaga horyimid Duleedka Raasul Khayma.

waxa ay labada dhinac ka wada hadleen qodobo ay ugu muhiim-sanaayeen Wax-wada qabsiga dhinaca ganacsiga iyo dhinaca isu-socodka labada dal.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen Maal-gashi shirkado uu sheekhu Abbaan ka yahay ama Oday ka yahay, ay Maal-gashi ka samayn donaan Dalka gudihiisa oo ay u soo diranayaan aqoon yahano daraasad ka soo sameeya Xadiga ama Mugga Maal-gashiga ee ay shirkadahaasi ka samayn karaan Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidii uu u sheegay Madaxda kale ama Shuyuukhda kale ee Imaaradaha kale ee uu ka kooban yahay wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxa uu sheekha u sheegay in ay Somaliland soo dhawaynayso wax-wada qabsiga dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca maal-gashiga oo ay la yeelato wadanka isu-tagga imaaraadka carabta, Shirkadaha waa weyn ee ku sugan wadanka iyo Ganacsatada waa-weyn ee Awood dhaqaale u leh in ay maal-gashato Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu u faah-faahiyey in ay Xukuumada Somaliland u fudaydinayso Xeerarka iyo Shuruucda la xidhiidha maal-gashiga ay samaynayaan iyo Shacbiga Somaliland oo baahi wayn u qaba in ay fududaato isu socodka ama Xidhiidhka Ganacsi ee shacbi ahaan iyo Ganacsato ahaanba ee ay la leeyihiin wadanka isu-tagga imaaraadka Carabta, ayaa weftiga Somaliland waxa uu dedaal weyn ugu jiraa sidii ay Imaaradaasi u Aqbali-lahaayeen Baasaaboorka Somaliland ( Somaliland Passport ) waxaanay imaaradu noqotay Imaaradii u horaysay ee toos u ogolaatay in ay Somaliland Xafiis-yada ay ku leedahay Wadamada kale ay si toosa uga furato Imaarada Raasul-khayba oo ka mid ah Wadanka isu taga Imaaraadka Carabta.

Weftiga uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maalinta Salaasada ah ka Am-babixidoona Magaalada Abu-Dabai iyaga oo u kicitimi-doona Wadanka Kuwait, iyaga oo ka haysta Marti-qaad Rasmiya waxaanay Magaalada Abu-Dabai ka raacidonaan Diyaarad Khaasa oo uu u soo diray Amiirka Wadanka Kuwait.

Dhinaca kale Xubno uu hoggaaminaayo Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa isla shalay waxay kulan la yeesheen Ganacsato waa weyn oo ka mid ah Shuyuukhda ka talisa Wadanka isu-tagga Imaaraadka Carabta kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Sheskh Saiid binu Xashari Al-magtuum oo ah ganacsade wayn oo ka mid ah Ganacsatada Dubai ugu waa weyn iyo Sheekh Maxamed Al-qaasimi oo ah isna Ganacsade weyn oo ka socday Shariqa kuwaas oo ay kala hadleen ujeeddo la mid ah tii hore ee ay kulamadii dhigooda ahaa la soo yeesheen oo ah mid la xidhiidha maal-gashiga iyo kaalinta Dhaqaale ee ay ka gaysan karaan Somaliland.

Waxa uu weftigu u sharaxay ganacsatada sida ay suurta galnimada ugu tahay in ay maalkooda ku Aaminaan Somaliland iyo inay door weyn ka ciyaaraan Maal-gashiga Somaliland iyo sida ay faa’iido weyn ugu leedahay shacbiga somaliland.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this