Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Axmed Siilaanyo meets with UAE Govt officials+PICS

Recommended Posts

Thankful - this is really sad man lol. Really strong jealousy.

 

LOL@ dude recycling the same pics over and over and over again. You're not proving anything.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Silanyo looks Presidential...My president is black and my money light green..Get that Arab money homie!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

LOL!! I think the pictures are great, I am just saying if they saw him as a president or a leader, they would have let him meet with someone higher then the "United Arab Emirates Minister of Higher Education and Scientific Research".

 

My only point is that this is further proof that the NW Somali so-called president is the equivalent to a minister!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Kulamadoodii Maanta ee Dalka Imaaraadka Carabta

 

April 18th, 2011

 

Dubia (Somaliland.Org)- Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka mid ah weftiga uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland ee socdaalka ku maraya Imaaraadka Carabta ayaa ka xog waramay kulamadii ay la yeesheen masuuliyiinta dalkaasi.

 

Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu sheegay in maalintii shalay ay qasrigiisa kulan balaadhan kula yeesheen Wasiirka Tacliinta ee dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Nahyaan Bin Mubaarak Al Nahyaan, isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland u bandhigay waxyaabaha ay ka dalbanayaan dalka Imaaraadku inuu ka taageero Somaliland waxaanu tilmaamay in qodobadii ay ka dalbadeen ay ka mid ahaayeen sidii shirkadaha dalkaasi u maal gashan lahaayeen Somaliland iyo sidii ay dawlad Imaaraadku ay dalka uga saacidi lahayd dhinacyada waxbarashada, Biyaha iyo shaqo abuurka.

 

Chief of Cabinet-ku waxa kale oo uu sheegay inay caawa kulan la yeesheen mid ka mid ah shuyuukhda ka arrimisa Madaxtooyada Imaaraadka oo ay ka wada hadleen sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen arrimo badan isla markaana u sii xoojin lahaayeen cilaaqaadka labada wadan.

 

Md. Xirsi Cali X. Xasan oo caawa u waramayay BBC-da waxa kale oo wax laga weydiiyay inuu tafaasiil ka bixiyo shirweyne lagaga hadlayo la dagaalanka Budhcad badeedka oo lagu qabtay dalka Imaaraadka oo ay ka qeyb galeen xubno ka mid ah weftigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

“Shirkaasi Madaxweynuhu kama uu qeyb galin ee waxa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadada waxaana lagu casuumay Wasiirradda arrimaha dibada ee Konton wadan oo caalamka ah, shirkaasi wali muu dhamaan ee wuu socdaa, tafaasiishiisana waxaad ka weydiin kartaan Wasiirka Arrimaha Dibadda,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali X. Xasan.

 

Chief of Cabinet-ku, waxa kale oo uu sheegay inay socdaalkoodan Imaaraadka Carabta uga sii gudbi doonaan dalka Kuwayt oo ay ka haystaan martiqaad rasmi ah, waxase uu xusay inay jiraan dalal kale oo khaliijka ah oo ay qalqaalinayaan inay socdaal ku tagaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland President meets UAE Minister of Higher Education

 

ABU DHABI — President Ahmed Silanyo met the UAE Minister of Higher Education and Scientific Research, Sheikh Nahyan Bin Mubarak Al Nahyan at his palace in Abu Dhabi on Sunday.

 

Sheikh Nahyan facilitated a meeting between the Somaliland delegation and over 60 local and multinational business leaders based in the Gulf nation. The businesses, some of the largest in the region, congratulated President Silanyo for creating open and optimal investment environment and for maintaining stability in the country. They promise to send a business delegation to Somaliland to study the country and investment opportunities in the coming weeks.

 

 

Abu Dhabi - President Silanyo warmly received by Sheikh Nahyan Bin Mubarak Al Nahyan

Sheikh Nahyan said the UAE was ready to help Somaliland in the areas of security, economy and development. He promised to connect local and international companies in the UAE to Somaliland to increase the volume of capital investment, while continuing to assist Somaliland with its humanitarian needs. He added his department will help structure and lift the education standards in the country.

 

The President thanked Sheikh Nahyan and the other delegates for their warm hospitality. He briefed them of the country’s achievements, investment and business opportunities. He also told them a new investment law will ensure that his government creates good conditions for foreign investment. The president equally highlighted the challenges in the country including the high unemployment, ongoing drought and the enormous water scarcity and water quality problems. He requested the help of UAE since its the leading foreign direct investment destination in the Middle East and is home to major water companies and desalination plants.

 

Abu Dhabi, the seat of the government of UAE, consumes 550 liters of water per person per day while in Somaliland on average less than 30 liters of water per person per day are consumed.

 

The Somaliland delegation, UAE officials and the 60 or so business leaders later had lunch at Sheikh Nahyan’s palace.

 

The President and his delegation which includes Mohamed Abdullahi Omar, Minister of Foreign Affairs, Abdirisaq Khalif Ahmed, Minister of Trade, Industrialization and Tourism, Abdullahi Mohamed Dahir, Presidential spokesman, Hersi Ali H. Hassan, Chief of Cabinet and first lady Amina Sheik Mohamoud will be in the Gulf nation until Thursday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulamay Wasiirka Madaxtooyada ee Imaaraadka Carabta

April 19th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ee socdaalka ku jooga imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Madaxtooyada ee dalkaasi iyo saraakiil kale.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed caawa laga soo saaray xarunta madaxtooyada Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hogaaminayo oo weli ku jira Booqashada ay ku joogaan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kuna Sugan Magaalo Madaxda Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Abu-Dabai ayaa weli waxay ku jiraan kulamada ay la yeelanayaan Madaxda Kala Duwan ee wadankaa ka taliya.

 

Madaxweynaha oo Xooga Saaray in ay Somaliland wadanka Imaaraadka Carabta iska Kaashadaan dhinaca dhaqaalaha Isla markaana ay Ganacsatada waaweyn iyo Shirkadaha wadanka ku sugan Maal-gelin ka sameeyaan Wadanka Somaliland sidoo kalena madaxweynaha oo ku dedaalaya inay Is-Afgarad ka gaadhaan Madaxda wadanka Imaaraadka Carabta si ay gacan uga Gaystaan Dhinaca Mashariicda Horumarineed, ee Caafimaadka, Biyaha iyo Waxbarashada ayaa Shalay (18/04/2011) waxa uu qado Sharaf Gurigiisa ugu Sameeyey Wasiirka Madaxtooyada ee Wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta SHEEKH MANSUUR BIN ZAYID? waxaanu Madaxweynuhu uga Waramay Baahida ay Somaliland u qabto in ay lagu gargaaro Dhinaca Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha.

 

waxa kale oo uu u sheegay Madaxweynuhu sida ay Somaliland ugu guulaysatay in ay noqoto laambad ka Iftiimaysa Mandaqada ay ku taalo, marka la eego dhinaca Nabad-gelyada iyo dhinaca yuhuunta ay shacbiga Somaliland la yimaadeen sidii ay u noqon lahaayeen qaran jira.

Waxaanu Sheegay madaxweynaha Somaliland in ay Taariikh ahaan Wadanka isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland weligoodba lahaayeen Xidhiidh soo Jireen ah.

 

Wasiirka Madaxtooyada ee Wadanka Imaaraadka Carabta SHEEKH MANSUUR BIN ZAYID ayaa isaguna waxa uu ka waramay sida uu uga war hayo in ay Somaliland tahay meesha Keliya ee caan ah wadankii laysku odhan jiray Somaliya u qalantana in ay Ganacsatadu Maal-gashi ku sameeyaan, waxa uu sheegay in ay ka war-hayaan Somaliland Nabad-gelyada taala iyo kala danbaynta ka jirta.

Waxa uu sheegay in uu ogyahay in ay tahay Jamhuuriyad ku guulaysatay inay dadkeeda gaadhsiiso xasilooni, dawladnimo iyo kala danbayn.

 

Sidaa si la mida waxa Caawa (19/04/2011) Madaxweynaha iyo Weftigiisa Casuumad ugu Sameeyey Magaalada Abu-Dabai Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha oo horena u ahaa Taliyihii Ciidamada ee Wadanka Al-baxaari AL-Daahiri oo ay Wehelinayeen Cali Bin Axmed AL-Daahiri oo ah Xog-hayaha sh eekh Khayb Bin Faa’id AALA Nahyaan oo ah Amiirka Wadanka Isu-taga Imaaraadka Carabta iyo Axmed Sa’iid Al-faa’id Al-Daahiri oo ah Ganacsade weyn.

 

waxa kale oo Cashada Madaxweynaha loo sameyey ku wehelinayey Suldaan Siciid Al-faa’id Al-Daahiri oo ah Kaaliyaha Wasiirka Cadaalada ee Imaaraadka Carabta.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale Masuuliyiinta kala Duwan ee ka Talisa Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kala hadlay siduu uu Madaxdii ka horaysayba u sheegay in ay Somaliland Baahi weyn u qabto in wax lagala qabto dhinaca Dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha, Weftiga Madaxweynaha oo weli ku Guda Jira kulamada ay la yeelanayaan Madaxda Wadamada isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa ay Maalinta beri ah la kulmayaan madaxda Imaarada Raasul Khayba markaa ka dibna waxa ay la kulmayaan kuwa Imaarada Kuwait ka dibna waxa sugaya oo diyaar u ah Madaxweynaha iyo Weftigiisa inay kulan la yeeshaan Amiirka ka taliya Wadanka Imaaraadka Carabta.

 

Kulamadaa kala Duwan ka dib marka uu madaxweynaha iyo Weftigiisu dhamaystaan waxay u sii Gudbayaan Wadanka Kuwait, Booqashada uu Madaxweynuhu wadanka Imaaraadka ku joogo oo ay Xukuumadu u aragto inay Muhiimad weyn u leedahay Somaliland ayaana Sababtay in uu Madaxweynuhu doorbido kulamo kala duwan oo uu la yeesho Amiirada Imaaradaha Wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Ganacsatada Waa wayn, Shirkadaha si ay Dhamaantood mid walba inta uu danaynayo gacan uu ka gaysto dhismaha Qaranka Somaliland iyo Baahiyihiisa kala Duwan ee uu qabo .”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this