Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Axmed Siilaanyo meets with UAE Govt officials+PICS

Recommended Posts

Wasiirkii Tacliinta Sare Maanta Qasrigiisa Ku Qaabilay Madaxweynaha Somaliland

April 17th, 2011

 

Wasiirkii Tacliinta Sare iyo Baadhista Culuumta ee Dawlada Imaaraadka Carabta Sheekh Nahyaan Bin Mubaarak Al Nahyaan Oo Maanta Qasrigiisa Ku Qaabilay Maanta Madaxweynaha Somaliland

 

5627623651_5b500c0d33_z.jpg

 

5628208180_0aab8126cb_z.jpg

 

5627624439_9569b6fddc_z.jpg

 

5628210998_ac9d4b7c59_z.jpg

 

5627624799_0aefc588bf_z.jpg

 

5628210684_385c305ba3_z.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta Oo Isla Faaqiday Iskaashi Dhex Mara Labada Dal

April 17th, 2011

 

Hargeysa(Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ee dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Nahyaan Sheekh Mubaarik Al-Nahyaan, ayaa maanta qasrigiisa ku qaabilay weftigii uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal ku maraya dalkaasi oo uu marti-qaad rasmi ah ka helay.

 

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay illaa 60 ka mid ah shirkadaha Ganacsiga ee dalka Imaaraadka Carabta iyo kuwa dalkaasi ku sugan ee caalamkaba, waxaana kulankaasi lagu faaqiday sidii Imaaraadka Carabtu uu Somaliland wax ugala qaban lahaa dhinaycada Maalgashiga, Biyaha iyo Horumarinta Waxbarashada.

Sidaasi waxa lagu sheegay war-murtiyeed caawa Madaxtooyada Somaliland ka soo saartay kulankaasi kaasi oo u dhignaa sidan :-

 

“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hogaaminaayo ee ku sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Gaar ahaan Magaalo Madaxda Abu-Dubai ayaa maanta waxa lagu Martiqaaday Qasriga Wasiirka Tacliinta ee isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Nahyaan Sheekh Mubaarik Al-Nahyaan.

 

Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay Halkaa kula Kulmeen in ka badan 60 Xubnood oo uu Wasiirku Qado Sharaftaa Casuumada ah ugu yeedhay si ay ula kulmaan Weftiga kuwaas oo ka kala Socday Shirkadaha ugu waa weyn ee Ganacsiga iyo Maal-gashiga oo ka kala yimid Caalamka oo dhan kuna Sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

 

Shirkadahaas oo ay Masuuliyiinta Ka socday Madaxweynaha ku Hambalyeeyeen sida uu dalka Somaliland u yahay Dal diyaar u ah Maal-gashi dibadeed waxaanay Madaxweynaha u balan qaadeen in ay Dalka u soo diri doonaan Wufuud kala duwan kuwaas oo dhawaan iman Doona Dalka Daraasadna ku Samayn doona Waxyaalaha ay ka Ganacsadaan ama ay ka Shaqeeyaan Kambaniyadaasi (Company)-yadaasi oo kala Duwani.

 

Sheekh Nahyaan sheekh Mubaarik Al-Nahyaan oo ah Wasiirka Wax-barashada ee Isu-tagga Imaaraadka Carabtu, oo ka mid ah Masuuliyiinta ugu waa weyn Imaaraadka Carabka Waxa uu Madaxweynaha u sheegay in ay Imaaraartu diyaar u yihiin inay Somaliland kala Shaqeeyaan dhinaca Nabad-gelyada, iyo Weliba dhinaca Ganacsiga sidoo kale ay Shirkadaha, Kambaniyada ( Company)-yada ugu Waa weyn Caalamka ay ku soo Xidhaan Dalka, Nahyaan waxa kale oo uu sheegay in uu Diyaar u yahay inuu dhinaca waxbarashada Tacliinta Sare ka Caawiyo Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna u sheegay Sheekha in uu Dalka Somaliland yahay dal dimu-quraadi ah, Nabad ah ku Kalsoon in uu Caalamka kale wax la qabsado aadna u danaynayo inuu Caalamka Islaamka ah iyo Caalamka kaleba ay yimaadaan Dalka oo ay Maal-gashi ku sameeyaan.

Madaxweynuhu waxa uu u sheegay Sheekha in ay Somaliland dooratay Shuruucda iyo maal-gashiga Dalka Somaliland gudihiisa haatana uu dalku u baahan yahay oo keliya in wax lagala qabto dhinaca dhaqaalaha, Wax-barashada, Caafimaadka iyo wax-yaalaha kale ee la xidhiidha Adeeg-yada Bulshada ee Magaalooyinka iyo shaqo la’aanta ku Habsatay dhalin yaro aad iyo aad u badan kuwaas oo doonaya markay Wax-barashada dhamasytaan Shaqo tagaan sidaa Awgeed waxa uu xusay madaama oo uu Dalkeenu yahay dal aanu imika uun Abuurnay, Yab-yabnay oo ku guulaystay inuu noqdo Laambad (Lamp)-ka iftiimaysa Geeska Mandaqada uu ku yaalo waxa aanu doonaynaa oo aanu walaalahayaga aad ka midka tihiin ka Codsanaynaa in aad wax nagala Qabataan si aanu Dhalin yaradaas Shaqo ugu Abuuri karno, si ay taasi suurta gal u noqotana shirkadihiina tirada badan ee halkan fadhiya waxa aanu idinka Codsanaynaa sida aad balan qaadeen inaad Dalkayaga Soo gaadhaan oo qiimaysaan meeshii Maal-gashigiina ku haboon shirkad walba gaarkeeda waxa aanu diyaar u nahay in aanu anaguna idiin fudaydino oo ay suura gal-noqoto dhinaca wixii idiin dan ah oo anagaba noo dan ah kana wadda hadalno,

 

Waxa aanu Abuurnay Sharciyo, Shuruuc maal-gashiga Fudaydinaysa,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo la hadlaayey Sheekh Nahyaan sheekh Mubaarik Al-nahyaan wasiirka wax-barashada ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo martiqaaday Weftiga Madaxweynaha iyo in ka badan 60 Shirkadood ama Company oo kulankaa goob-joog ka ahaa.

 

Madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday oo uu ku nuux-nuuxsaday Mushkilada Somaliland, Magaalooyinka iyo kuwa Baadiyahaba ka haysata Biyo la’aanta ku habsatay sidaa awgeedna madaama uu yahay dalka Imaaraadka Carabtu, Dal door balaadhan kaga jira dhinaca ganacsiga iyo xidhidhka Caalamkaba Company-yo badan oo biyaha ka Shaqeeyaana uu leeyahay in ay suurto gal-tahay inuu wax nagala qabto dhinaca biyaha.

 

Sheekh Nahyaan Sheekh Mubaarik Al- Nahyaan ayaa isaguna waxa uu dhinaciisa balan qaaday inay isu-tagga Imaaraadka Carabtu inay Somaliland wax kala qabtaan Dhismaha iyo Dedaalka ay ugu jirto inay noqoto qaran ku guulaysta in Mushtamaceedu mahadiyo, waxa kale oo uu sheegay in Walaaltinimada iyo Wada dhalashada iyo Muslin-nimada ka dhaxaysa labada Wadan khasbayso in ay iyaguna kaalin weyn ka Ciyaaraan oo ay wax taraan Somaliland.

 

waxa kale oo uu balan qaaday Sheekh Nahyaan in uu wax badan kala qaban doono Somaliland dhanka wax-barashada oo uu xil weyn iska Saari doono Balan-qaadkiisa kuwajahan Wax-barashada.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

5627624439_9569b6fddc_z.jpg

 

siilaanyo1.jpg&sa=X&ei=X3WrTbidHYiXOra8u

 

 

Ilayn madaxnimadu dadka way da yaraysaa mansha allaa sowkan odaygii dib u soo yaraday

 

Isku eeg markuu mucaaradka ahaa iyo imika Kursigu waa cajiib

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Somaliland
president
Axmed Siilaanyo meets with
UAE Govt officials

I guess a so-called "president" meeting gov't officials is something to be proud of.

Share this post


Link to post
Share on other sites

thanful

Sheekh Nahyaan sheekh Mubaarik Al-nahyaan wasiirka wax-barashada ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo martiqaaday Weftiga Madaxweynaha iyo in ka badan 60 Shirkadood ama Company oo kulankaa goob-joog ka ahaa.

If this is not a good development to meet 60 companies + one of the biggest sheikhs in that country in one occasion, specially when you know where Arab counties was about SL

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

real 'Presidents" meet Presidents not just government officials. A foreign minister will receive a bigger reception then this.

 

slide_2906_41065_large.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

A foreign minister will receive a bigger reception then this.

A foreign minister who can't walk streets of his capital that is real shame not president who meets minster

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Lol, Djibouti Ethiopia and Kenya have probably benefitted the most out of Somalia's current state. The number of foreign nations in these three countries aiding them because of Somalia is enormous. They absolutely love secessionism, that is why they meet with Puntland Leaders and NW Somalia's. What they want is a very weak Somalia, they will not accept any independent nations forming but for Somalia to remain weak. The best way in doing this is breaking us up!

 

The Presidents you showed are no where even close to the President of the U.S!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this