Sign in to follow this  
Wiil Cusub

Nin cadaana oo sheegay in Hargeisa lagu cunsuradeeyo

Recommended Posts

Nimcaan Brain William Thomas Bowden oo dadiisu tahay 21 jir ku nool caasimada Hargeysa ee Somaliland ayaa Aabihii Dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Ingiriiska, kaas oo Somaliland Yimid 1958-kii xiligii Somaliland ay ku hoos jirtay Mustacmaradii Ingiriiska ayaa ahaa Ingineer ka shaqaynayey dhinaca biyaha ee Somaliland.

 

Bowden ayaa 1960-gii xiligii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska kaga hadhay dalka, isla markaana ka sii hawlgalayey wasaarada Macdanta iyo Biyaha, gaar ahaan Wakaalada Biyaha ee Hargeysa, isla markaana uu ka ahaa Ingineer.

 

Brain Bowden ayaa la xididay Somaliland isagoo guursaday gabadh reer Somaliland oo caruurtiisa uu ka mid yahay Nimcaan.

 

Nimcan Brain Bowden oo hadda ku nool caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegay in xaaladiisa nololeed aanay wanaagsanayn, isla markaana uu marar badan isku dayey inuu is dilo, kaas oo wakhti sii horaysay damcay inuu qudha iska jaro kadib markii sida uu sheegay ay naftiisa la soo darseen warwar (Stress) farabadan iyo dhibaato kaga timid dhinaca bulshada maadaama uu yahay Nin Cad oo xaga midabka kaga duwan dadka Soomaalida.

 

Sidoo kale Brain Bowden ayaa ahaa ninka kaliya ee Ingiriis ah ee ka sii shaqaynayey Somalia xiligii rabshadaha ay bilowdeen Muqdusho ee lagu kacay dawladdii Maxamed Siyaad Barre, isla markaana ay icaadada BBC-du baahisay waraysi ay ka qaaday daqiiqado ka hor intii aan la dilin Brain Bowden, halka ay Radio Muqdisho-na baahisay Warka dila Bowden.

 

Nimcaan Barain Bowden ayaa sidaasi ku sheegay mar uu shalay nagu soo booqday xarunta Wargeyska Haatuf, waxaanu yidhi “Magacaygu Waa Nimcaan Brain Bowden, Aabahay Waxa uu ka shaqaynayey Wakaalada Biyaha ee Hargeysa ilaa 1958-dii intii aan lagu dilin Muqdisho oo uu u tagay hawl shaqo 1991-kii, xukuumaddiihii kala dambeeyey ee Somaliland kamaan halin wax xuquuqdii Aabahay, maadaama oo uu shaqaale dalka u ahaa, laakiin waxaan filayaa in xukuumaddan cusubi ay si degdeg ah wax iila qaban doonto. Wakaalada Biyaha Hargeysa dhawr jeer baan tahayb oo aan ka dalbaday in la iga shaqaalaysiiyo, balse cid igama shaqaalaysiin. Hal Guri oo Aabahay ka dhintayna dad kale ayaa haysta oo dagay markii ay hooyaday Dhimatay aniga oo 6 jir ah. Wakhtigana Darbiyada ayaan Seexdaa, ma awoodo in aan maxkamad tago, mana awoodo in aan hantidaydii ka qaato, Waayo Waxa aan ahay Dadka laga tirada badan yahay mid ka sii hooseeya.”

 

Mr Nimcaan ayaa sidoo kale Haatuf uga warmaay dhibaatooyinka uu kala kulmo bulshada uu ku dhex noolyahay, waxaanu yidhi “Ummadda oo dhan waan ka takooranahay midab ahaan, mar mar waxa dhacda aniga oo jidka maraya in ay maskaxdaydu baxdo oo aanay jooginba oo ay isigaan baabuurtu ina jiidhi gaadha, maanta haddii ay dhibaato igu dhacdo cid aan miciin bidaa ma jirto, waayo Qoyskii ay hooyaday ka soo jeeday waa dan yar oo wax ay haystaan ma jirto. Markii Aan Gacanta Iska gubay ee aan damcay in aan is dilo waxa igu kalifay waxa aan ahay nin ka midab duwan dadka uu la noolyahay oo haddii ay dhibaato qabsato uu dhibaatadii meel uu la tagaa aanay jirin illaahay mooyaane cid kale oo wax la qabataa jirin ayaa igu kalifay in aan ficilkaa ku dhaqaaqo. Inaad Gacan iska gubto iska daaye in aad qudhaba is dhaafiso ayaan waxba kugu ahayn. Ilaa lix jirkaygii oo hooyaday dhimatayna ilaa maanta oo aan 21 jir ahay dee nolol adag baan ku soo noolaa, Balse illaahay waxa aan ka rajaynayaa sidan si dhaanta”.

 

 

 

 

Xigasho: Haatuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cawaanimo iyo tuugnimo (corruption) qofna kama badbaado dhankaa;

xiitaa dadka la yaqaano waa inay maxkamad musuq maasuq lagu maareeyo, laaluush iyo kharaj badan booskooda iyo xuquuqdooda kale ku difaacaan.

 

Waxaa dhici lahaa is bedel hore loo arag hadii loogu dadaalayo balwad la dagaalanka, daacadnimada iyo naxariista sida "ictiraaf" iyo khiyaali ay dhibkeedu ka badan karto anfacaadeeda loogu dadaalayo, khaasatan dhanka qowmiyadaha laga tirada badan yahey iyo dadka danyarta...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Nimcaan Brain William Thomas Bowden, ...maxaa loo qaban karaa,, hadduusan muruqiisa iyo maskaxdiisa ku ciil bixin...?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Titleka ayaaba Cunsurinimo ah. Nin cadaana ah ku lahaa, yarka hooyadii waa reer Hargeysa, isaguna wuxuu ku dhashay Hargeysa. Markaa waa maxay Nin cadaan ah iyo Futuushtani. Ma yidhaahdaan Nin Somaliland ah oo la Cunsuriyey!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

“Magacaygu Waa Nimcaan Brain Bowden, Aabahay Waxa uu ka shaqaynayey Wakaalada Biyaha ee Hargeysa ilaa 1958-dii intii aan lagu dilin Muqdisho oo uu u tagay hawl shaqo 1991-kii, xukuumaddiihii kala dambeeyey ee Somaliland kamaan halin wax xuquuqdii Aabahay, maadaama oo uu shaqaale dalka u ahaa, laakiin waxaan filayaa in xukuumaddan cusubi ay si degdeg ah wax iila qaban doonto. Wakaalada Biyaha Hargeysa dhawr jeer baan tahayb oo aan ka dalbaday in la iga shaqaalaysiiyo, balse cid igama shaqaalaysiin. Hal Guri oo Aabahay ka dhintayna dad kale ayaa haysta oo dagay markii ay hooyaday Dhimatay aniga oo 6 jir ah. Wakhtigana Darbiyada ayaan Seexdaa, ma awoodo in aan maxkamad tago, mana awoodo in aan hantidaydii ka qaato, Waayo Waxa aan ahay Dadka laga tirada badan yahay mid ka sii hooseeya.”

aww that is so sad. He should look for his relatives from his dad's side..who knows they might do something for this kid :)....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^^ That is what it says on the last paragraph of the article...

waayo Qoyskii ay hooyaday ka soo jeeday waa dan yar oo wax ay haystaan ma jirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Titleka ayaaba Cunsurinimo ah. Nin cadaana ah ku lahaa, yarka hooyadii waa reer Hargeysa, isaguna wuxuu ku dhashay Hargeysa. Markaa waa maxay Nin cadaan ah iyo Futuushtani. Ma yidhaahdaan Nin Somaliland ah oo la Cunsuriyey!!!

Showqi you can be half Somali and still be white man.

 

Somalida iska dhalka ahi badiyaa waxay raacan midabka waalidka ajaanibka ah, waayo midabka Somalida ayan marka horeba ahyn dominant.

 

to understand watch this video Why Ethiopians & East africans have Caucasian features & why Their caucasian mixed look un-

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

nin cad oo ingriis kasoo jeeda baa hargeysa lagu midab takooray!!!!!,,,sheekadaa dib haloogu noqdo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiil Cusub;711609 wrote:
Showqi you can be half Somali and still be white man.

 

Somalida iska dhalka ahi badiyaa waxay raacan midabka waalidka ajaanibka ah, waayo midabka Somalida ayan marka horeba ahyn dominant.

 

to understand watch this video

This is just silly,

 

N how do even know those are Somalis and Ethiopian?

 

 

LoooL@gooni

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this