Sign in to follow this  
Br. Nur

Kaalaya ila arka Jannada!

Recommended Posts

Br. Nur   

e-Nuri Somali Language service

 

Presents:

 

 

Kaalaya ila arag Jannada.

 

 

Sidaan wada maqallay, Jannadu waa meel aad u cajiib ah, oo Allah iyo Nabiggiisu ay aad noogo sifeeyeen, maanta bal isla fiirinno, Jannada sifaadkeeda iyo quruxdeeda:

 

Waxaan meeshaan ku soo koobeynaa macnaha xadiithyaal iyo aayad ka hadlay Jannada, Allaha naga yeelo ahalkeedee. amin

 

 

Furaha ( miftaaxa) Jannada

 

 

Furaha Jannada waa ( user name) " Laa ilaaha ilal Allah, Muxammadun Rasuulullah"

 

Furaha Jannada ( Password) waa " camalka saalixa ah oo la sameeyo, qofkaan camal saalixa ah sameysan, muftaaxa jannada uma furo.

 

 

Qofka ugu hor galaya Jannada

 

Rasuulka Allah , Muxammad SAWS, kadib markuu us shafeeco muminiinta.

 

 

Albaabyada Jannada

 

 

Waa siddeed

 

 

Albaabka Muxammad SAWS, oo la yidhaah albaabka tawbada

 

Albaabka Soonka, oo la yidhaah, albaabka Rayaan

 

Albaabka Sakada

 

Albaabka Sadaqada

 

Albaabka Xajka iyo Cumrada

 

Albaabka Jihaadka

 

Albaabka xidhiidhinta ( waalidka, qaraabada iyo wuxuu Allah faray in la xadhiidhsho )

 

 

Darajooyinka Jannada, iyo qolalkeeda

 

 

Jannadu waa darajooyin, waxaa ugu sarreeysa, Al Firdows Al Aclaa . wexeyna ku hoostaalla carshiga Raxmaanka Caza wa Jalla, oo ay ka soo burqadaan wabiyaasha jannada ee afarta waaweyn ah.

 

1. Wabiga Caanaha

 

2. Wabiga Malabka

 

3. Wabiga Khamriga

 

4. Wabiga Biyaha

 

 

Maqaamyada Jannada Firdowska

 

Firdouwska dhexdeeda waxaa ugu sarreysa Maqaamka la yidhaah ( Al Wasiilah) oo ah maqaamka Rasuulka SAWS, qofkii u barya Allah Rasuulka SAWS in maqaamkaas la gaadhsiiyo, wuxuu xaq u yeeshaa in Rasuulku SAWS uu u shafaaco qaado maalinka qiyaamaha.

 

 

Waxaa ku xiga qolalka ahlul Cilliyiin, oo ah daaro isdulsaaran, oo ka sameysan jawahirta qurxan oo qaaliga ah iyo dhagaxda ( Gems) oy hoostooda wabiyaashu durdurayaan. Maqaamkanna waxaa leh Nabiyaasha, Shuhadada, kuwa Dhibka iy cudurrada ku sabra, iyo kuwa isku jecel Allah dartiis.

 

 

Waxaa kaloo ku yaalla Jannada qolal ka sameysan jawaahir sida quraaradaha ( dhaloodhinka/ hiiraan accent smile.gif ) ( Transparent) oo la iska dhex arko. Jannadaas waxaa leh

 

1. Qofkii hadal qurxan ku hadla

 

2. Masaakiinta cunnada ku sadaqeysta

 

3. Saqbadhkiina, markey dadka seexdaanna, u istaaga cibaabada Allah jeceyl awgiis.

 

 

Waxaa markaas soo hadhay darajooyinka boqolka ah oo dadka inta soo hadhay loo kala qaybiyo, qofwalba iyo wuxuu shaqeystay intuu noolaa. Waxaana ugu liita darajada qof leh hantida iyo maalka tobanka boqorrada aduunka ugu taajirsan ( Ten times the GNP of USA, Real Estate and Assets put together)

 

 

Magacyada Webiyaasha Jannada

 

Jannadu wexey leedahay webiyaal iyo ilo ( lakes) oo ka soo wada burqada afarta webi ee ka yimaada Firdows Al aclaa, waxaana ku soo arooray magacyadooda Quraanka waxaana ka mid ah:

 

1. Webiga Al Kawthar, waana webiga Jannada oo la siiyey Rasuulka Allah SAWS oo ay ka cabayaan Muslimiintu, maalinka xisaabta qiyaamaha, ooy kabban doonaan, kabbasho ayan dabadeed oomi doonin mahada Allah darteed, waxuuna Rasuulku SAWS ku shhegay webigaas in xeebtiisa ay ka sameysan tahay luulka qolofkiisa, ( Pearl Shells), carradiisuna ay tahay Misk, biyahiisana ay ka ka cadyihiin barafka ( snow), kana macaan yihiin sokorta, weealashiisana ay yihiin dahab iyo qalin.

 

 

2. Webiga Al Baydakh

 

Waa wabiga lagu kudo ( la dhex geliyo) shahiidiinta oo ay ka soo baxaan ayagoo u qurxan sida bisha habeenka caddaha ah, ayagoo ka bogsaday dhibkii adduunka ksu soo gaadhay Allah dartiis.

 

 

3. Webiga Baariq

 

Waa webi ku yaal albaabka Jannada, oo ay fadhiistaan shahiidiinta, oo loogu keeno risqigooda jannada, habeen iyo maalin walba

 

 

Ilaha Jannnada ( Lakes)

 

 

1. Isha Tasniim

 

Waa wax ay cabaan reer jannada waxa ugu sharafka badan jannada oo ka sameysan raxiiq al makhtum ( Ubaxa carfaya) ooy cabaan kuwa Allah uu soo dhoweeyey, waxaana loogo daraa Misk kuwa loo yaqaan asxaabul yamiin, waana meesha Allah dadka faray iney u baratammaan

 

 

2. Isha Salsabiil

 

Waxaan leh ahlul Yamiin, waana cabitaan lagu daray Zanjabiil.

 

 

3. Isha, Mizaajkeedu yahay Kaafuur

 

 

Waxaan leh Abraarta, waan cabitaan aan lagu sakhraamin, oon lagu madax wareerin ( Hang Over) oon caqliga qaadin, oo qofka caba ka farxisa farax badan ( Natural High) oonan ayadoo kale dunida oollin. Waxaana jooga wiilal mukhalladuun oo u eg luul la daadiyay, oo ku la wareegaya koobab dahab iyo qalin ah.

 

 

Cunnada Ahlul Jannada

 

1. Hilib, hilib shimbiraha, faakihada, iyo wax walboy naftoodu tabto.

 

 

Geedaha Jannada

 

Waa geedo tiirkoodu ( stem) ka sameysan yahay dahab, caleentooduna dhagaxda Zummurrudka qaaliga ah oo cagaaran, iyo jawahir.

 

 

1. Geedka Tuubaa

 

Wuxuu sheegay Rasuulku SAWS inuu geedkaas u egyahay geedka qumbaha, aadna u ballaadhan yahay, oo ay midhihiisu ka soo dhex baxaan dharka reer Jannada ay xidhaan, midho walbana ay ka sameysmato todobaatan dhar la xidho, mdabo qurxan ooayan arkin rer adduunka

 

2. Sidratul Muntahaa

 

Waa geed weyn oo ku hoos yaal carshiga Raxmaanka hoostiisa, oo xidikiisu ka soo burqadaan afata webi, waxaan ku dheehan Nuurka Allah SWT iyo malaaigta farabadan. waana maqaamka Sayyidinaa Ibraahim, CS, ooy la joogaan carruurta muslimiinta oo saqiirtay, oo ku dhgintay fitradii lagu uumay, asagoo u ah sidii aabbahood. Caleenta geedkaas waxaa ku yaal cilmiga uunka oo dhan, iyo wuxuusan ogeyn Allah mooyee SWT,

 

 

Midhaha Jannada

 

 

1. Al Tiin

 

2. canabka

 

3. Timirta

 

4. Gobka

 

iyo wax walboo Allah ku uumay dunida oo midha ah iyo waxan la oqoon oo cusub

 

 

Reer Jannaadka Xaalkooda

 

 

1. Ragga Ree Jannadka

 

Waxaa Alla soo saardi doonaa ragga reee jannadka ah ayagoo u eg aabbahaood Adam, ayafgoo qaawan, oo qurxoon oo indho kuulan oo cumrigoodana yahay 33 sano jir. Ayagoo leh quruxda Nabi Yusuf, qalbiga Ayyuub, iyo carrabka Nabi Muxammad SAWS. Ayagoo allah u dhameystiray, qurux iyo dhallinyaranimo, oonan dhimanin, oonan hurdin.

 

 

2. Haweenka Ree Jannaadka

 

 

Haweenka Jannada waa labo nooc

 

a. Xuurul Cayn

 

Waan uun Allah uu ku uumay jannada, oo loo uumay ree jannadka oo Allah uu ku mataalay Yaaquut wal marjaan, ama lul maknuun.

 

waa haween aad u qurqurxoon, carfoon, kor jilcan, hadii mid ayaga ka mid ahi ay soo qooraansato reer adduunka, wexey iftiimin laheyd adduunkoo dhan iyo wax dul jooga, muminkana waxaa sugaya kuwa aan la tirin karin oo ayaga ah.

 

b. Haweenka Ree Adduunka ee muminatka ah.

 

Kuwass waa boqorrada Jannada, waana ka sharaf badan yihiin, oo ka fadli badan yihiin, oona ka qurux badan yihiin Xuurul Ceynka

 

c. Wilasha

 

 

Waa uunka jannada oo ka adeega jannada oo da yar, oo u adeega reer jannadka, ayagoo la wareega cunnada iyo cabitaanka , mar walbana heegan u ah iney u adeegaan ahlul Jannada. Araggooda aad buu u qurxoon yahay taasoo farax gelisa reervjannadka markey ka qaadanayaan cuunada iyo cabitaanka

 

d. Dhasha Jannada Ku dhalata.

 

Dhashaani waa naxariista Allah siiyo dadka muslimiinta ah oo adduunka ku dhali waayey acrruur , haddey doonaan dhallan, Allah ayaa siiya carruur ahlul Jannah ah ooy ku farxaan, raxmaddiisa awgeed.

 

 

Allow naga yeel kuwa dhaxla Jannadaada, oo istaahila nicmadaada.

 

 

Allow naxariistaada nagu daji daaraheeda

 

Allow nagu arzaaq fardowska sare adigoo noo naxarisanaya haddanan ku sitaahilin camalkeenna, maxaa yeelay ma heyno camal na gaadhsiin kara Fardowka sare marka laga reebo jaceylka aan u qabno aragtida wajigaaga kariimka ah, iyo jaceylka Rasuulka SAWS na soo gaadhsiiyey hagar la'aan fartiintaadii oo kaamil ah

 

Mahad oo dhanna waxaa mudan Allah SWT.

 

 

Walaal, haddad u dirto dhambaalkan qof aad jeceshahay, wuxuu kuu noqon shafeec maalinka qiyaamaha.

 

 

Nur

 

2003 e-Nuri Softwaano Somali Edition

Hard Facts for Soft Hearts

 

[ November 15, 2006, 01:03 AM: Message edited by: Nur ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Salaamu Calaykum walaalayaal

 

 

Meeye dadka u xiiso qaba Jannada? Mise dadka badankiis Somalia iney ku noqdaan bey uga xiiso weyn yihiin?

 

Waa dood u furan in looga hadlo Jannada, iyo dadkeeda, allah naga dhigee. Ha hagran rayigaaga, waxaa suuro gal ah in qof aad u faaideyso.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Iffah   

Maasha Allah!! Jizakallahu khayran Nur. That was one of greatest topics I've read here...very informative indeed.

 

I think most people skipped this thread, because it is lenghty and it's written in Somali. But it's definitely worth the read...Thanks again. I'm gonna pass it on.

 

 

btw, have you written one about the "Naar"...please do share with us, if you have it.

 

 

Salaams

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

ilhaam sis

 

Have I written about Naar?

 

No, I have not, but I should brave myself to do it, it is a fact to face here and now before we face it there and later, because everyone will arrive at Naar, but few will be blessed enough to depart from it safely. Allah SWT says:

 

" Wa in minkum illaa waariduhaa, kaan calaa Rabika Xatman maqdiyaa" There is no one who is not bound to arive at hell" because the Siraat Super Highway on which all humans will walk, passes over Naar, so like Police Radars on Highways, it's sensors pick up signals of passersby with violations to their record, to identify Naar bound people, and allow Good people to pass thorugh, as a filteration process, because in this life, we are all mixed up in a melting bowl, good and bad are all together everywhere, but, in the next life, they will be separated and filtered apart, that is why one of the names of the day of Judjement is called " Yawmul Fasl" The day of Filteration and Separation.

 

Pray for me to be one of those Allah SWT said to their credit " Laa yasmacuuna xasiisahaa, wa hum fiimaa ashtahat anfusuhum khaaliduun" They will not hear it's burning sounds, (instead) they are enjoying all they desire eternally. Amin, amin, amin.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
LuCkY   

SaLaaMz,

 

JazakaALLah Khayr Nur for enLightening us.May ALLah bLess you for your good deeds.May ALLah shieLd us from the heLLfire and guide to paradise...AmIIn.

 

Ramadan Kariim to aLL.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Gel jire yaal

 

Wa is xasuusin in aan la illaawin afkeenna hooyo.

 

Doodda afSomaliga ha muuqato

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nur walaal, ilaahay hakaal abaal mariyo qoraaladaan fardowsana hakuu badalo. ilaahay dartiis ayaan kugu jeclanahay allana hannagu daro kuwii gala jannada kollaytahayba tan ugu hoosaysaba.I cried walaahi and I pictured myself in there oh if I only could be gatekeeper, I wouldn't mind.it is not easy lakin samada wayfurantahay...ALLOW SAHAL AMUURAHA OO NAGA YEEL KUWII NAXARIISTAADA KUGALA KOLLAY ANIGU WAXAAN SHAQAYSTAY UMA MALAYNAYO IN AAN KUGALIDOONEE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Asalamu Alaykum Wr Wb

MashAllah...Although my somali reading capabilities are near none, I somehow made it all out. A great and informative piece Akhi. May Allah(swt)answer our prayers and increase our Iman..Amin

Nur walal inshAllah with Allah's mercy we will be people of Jannah, Amin.

smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Asbaabta lagu galo Jannada.

 

 

 

Waxaa laga soo wariyey Anas, Allaha raalli ka noqqdayee, wuxuu yidhi :

 

" waxaan la fadhinnay rasuulka Allah SAWS markaasu yidhi waxaa idiinka soo bixi doona waddadan (dariiqaan) nin reer Jannah ah"

 

 

 

Wuxuu yidhi " waxaa soo baxay nin Ansaarta ka mid ah oo biyuhu ka dhibcayaan gadhkiisa, oo kabahiisa ku sita gantiisa bidixeed, markaasuu na salaamay.

 

Maalinkii labaad, sidii oo kale ayuu haddana Rasuulkii SAWS yidhi, haddana waxaa soo baxay isla ninkii.

 

Maalinkii seddexaad ayuu Rasuulka SAWS yidhi hadalkiisii hore, haddana, sidii markii hore ayuu ninkii soo baxay.

 

Markuu rasuulka SAWS kacay, ( oo laka la tagay) ayaa waxaa ninkii daba kacay Cabdullah ibn Cumar ibn Caas. markaasuu ku yidhi ninkii:

 

" waxaan isa soo dirirray aniga iyo aabbahay, waxaanan ku dhaartay inaan u laaban seddex maalmood, hadaba ma kula seexan karaa muddadaas seddexda ah?

 

Ninkii wuxuu yidhi haa.

 

Anas wuxuu yidhi : Cabdallah ibn Cumar wuxuu ka sheekeyn jiray inuusan ku arag (ninkaas) qiyaamulleil, ama wax dhaafsan in markuu is rogo ( geddiyo) habeenkii inuu Allah xuso, oo Allahu akbar-sado ilaa uu u soo kaco fajarka. Haseyeeshee, waxaan wanaag aheyn kuma hadlo.

 

Markii ay seddexda casho dhamaatay, ooy ila yaraatay cibaadadiisa, ayaan waxaan ku idhi:

 

" Cabdullahi yow, Aniga iyo aabahay ismaannan diririn, waxaan se maqlay Rasuulka Allah SAWS oo leh ; " waxaa hadda idiin soo bixi doona nin reer Jannada ah, markaa baad adiga soo baxday seddexdii marba, markaabaa doonay inaan kula seexdo si aan u ogaado waxaad sameyso. Haseyeeshee kuguma aan arag cibaado badan, hadaba maxaa ku gaadhsiiyey wuxuu Rasuulku SAWS kugu sheegay.

 

Markaasuu yidhi: " Intaada aragtay wax dhaafsiisan ma jiraan"

 

Wuxuu yidhi " waan ka dhaqaaqay, markaan sii jeestay ayuu ii yeedhay, wuxuu igu yidhi:

 

" Intaada aragtay wax dhaafsiisan ma jiraan, marka laga reebo, IN AANAN QOF MUSLIM AH AAN KHAYAANIN, OONAN KU XASDIN KHAYR ALLAH" SIIYAY

 

Markasuu Cabdullahi Ib Cumar yidhi: " TAAS AYAA KU GAADHSIISAY ( JANNADA) WAANA LOOO TAAG LA" YAHAY"

 

 

 

Xadiithkan waxaa ku oo wariyey Axmed Masnadka, 166/3. Waana xadiith saxiix ku ah labada imaam shardigooda.

 

 

 

Waxaa Tarjumay

 

Al Faqiir ilaa Raxmati Rabbih

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Asalamu Aleikum Wr Wb.

 

Indeed Bro Nur, when Allah s.w. says "waayubashirul muminiina inaalahu ajran xasanan, makithiina fiha abadaan"-verily He [Allah s.w.]will give good news to the believers-a fair reward(paradise)and they shall live there in forever" (Suratul-Kahf). {excuse my disorderly quotation}.

 

Insha-allahu-May Allah s.w.grant us Jannah- Amin.

 

W/s.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Raula sis

 

Amin, May Allah accept our prayers. I am impressed by your Swahili and ability to read Somali, maashaAllah.

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aslamu alikum brother nur.thank that was agreat topic and very usuful for all of us.

smile.gif

i just would like to tell u that there is no ( Male Xuurul Ceyn) for Muslim women in paradise i think.becouse i never heard about it.belive a read alot about jannah.i think u liked to call them that name.our partners will be from the dunya brother,it's true there will be beautiful small boys in the jannah but they r servants for both males and females.may allah grant us to go there.

thank you

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaam,

 

Nur walaal is it possible to get a translation?The topic sounds very interesting...If you cannot it aint a problem. Thanks all the same.

 

Jazaakallahu khairan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nomads

 

Need help to translate this article to English, or Dua that Allah grants me time to do it.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this