Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ardayda Jaamacadda Hargeisa oo Soo Bandhigtay Software Qaamuus Af Soomaali ah

Recommended Posts

Hargeysa(Waaheen) Xafladan oo lagu qabtay jaamacada hargeisa waxa ka soo qayb galay dad aad u tiro badan oo ku xeeldheer afka soomaaliga, maamulka jaamacada hargeisa, abwaano iyo martisharaf kale oo badan.

 

Sotware kani oo ah mid u samaysan si casriyaysan ayna suuro galiyeen dhalinyaro dhigata jaamacada hargeisa gaar ahaan kuuliyada ICT gu waxa uu yahay mid si sahlan loo isticmaali karaayo eray walba oo aad u baahato adigoo aan dhibtoon kana caawinaaya eray walba oo aad u baahan tahay.

 

Furitaankii xafladaasi waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha jaamacada Hargeisa Pr Muuse Cabdi Cilmi oo faafaahin ka bixiyay sida uu afka hooyo hiil ugu baahan yahay, cid wal oo afka ku xeeldheerina ay wanaagsan tahay inay ka qayb qataan lagana ilaaliyo afkeenu inuu dabar go’o waxaanu ku soo dhaweyay abwaan Maxamed ibraahim warsame Hadraawi oo isaguna halkaasi ka hadlay dhalinyaradana u mahad naqay isagoo aad ugu dheeraaday sida ay aqoontu dadka u badasho ee maalin walba wax cusub loo soo kordhinaayo iyo muhiimada uu leyahay afkeena hooyo isagoo kudaray inuu afka soomaaligu yahay hodan waxa isaguna halkaasi ka hadlay Mukhtaar cabdi sheekh (bulshaawi) oo ku hadlayay afka dhalinyarada samaysay Software kani kana waramay sidii uu ku suuro galay iyo waxyabihii ka soo maray intii ay ku gudo jireen samaynta Software kani waxa uu yidhi “ Marka kowaad waxa aan mahad aan la soo koobi Karin, dadaalkii iyo wakhtigiisii qaaliga ahaa ee uu noo huray u dirayaa macalinkayagii na baray aqoonta iyo cilmiga aanu ku awoodnay inaanu samayn karno software kani waa Macalin C/fataax Dayib oo aanu la’aantiis suro galeen Software kani waxanan leyahay marna ma ilaawi doono abaalkaaga macalin, run ahaantii waxa uu qof waliba dareemi karaa in dhalinyaro aan baahiyihii asaasiga ahaa haysani doonaysana inay wax cusub soo kordhiyaan dhibka ay la mari karaan, afkeenu waa hodan lakiin cid u hiilisa oo ka ilaalisa inuu dabar go’o ayuu u baahan yahay, dhalinyarada Jamacadda Hargeisa waxa aan leyahay inagu hormood aynu ka noqon arinkaasi, waxa iyakuna gabay oo dayacay hiilkii uu uga bahnaa afkooda hooyo shirkadaha isgaadhsiinta dalka oo hadii ay afkooda u adegi lahayeen la heli lahaa kalmado badan oo lumaaya iyo eray bixin ka badan inta manta la hayo, si hadaba aanu afkeenu u dabar go’in waxa aanu manta iyo baritooleba aanu diyaar u nahay inaanu aqoonta iyo cilmiga aanu baranay ugu hiilino afkayaga, waxa aan hadalkayga kaga baxayaa mahad naq aan u jeedinaayo maamulka jaamacada Hargeisa gaar ahaan maamulka kuuliyada ICT ga Mustafe Elabe Iyo Abdirashid Ibraahim sh A/rahmaan”.

 

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay abwaanka wayn ee Maxamed xaashi dhamac gaariye oo ka warbixiyay sida uu muhiim u yahay cilmiga ICT ga oo ay maalin dhawayd uun ahayd markii ICT gu soo baxay, waxa iyakuna halkaasi ka hadlay Marwo Amina Mxamuud Diriye (Amina Kulmiye) iyo Sacdiya oo ka socotay ururka qalinlayda ee PEN gabagadiina waxa ka hadashay Marwo Faadumo Siciid oo sheegtay sida uu muhiim u yahay Software kani una anfacaayo dhalinyarada dibada iyo dhamaan dadkeena dibadaha ku maqan isla goobtaasina waxa ay shahaadi sharayo ku gudoon siisay dhalinyaradii soo samaysay Software kani.

 

Dhalinyarada Samaysay Software Kani Magacyadooda

 

Sacad Xasan Siciid Diriye

 

Mukhtaar Maxamed Cali (Hakaale)

 

C/kariim Axmed Xuseen( cikrama)

 

Farxaan Nuur Cali

 

Saleebaan Cismaan Handule

 

Maxamed Deeq Axmed Cali

 

C/risaaq Maxamed Cumar

 

Maxamed C/rahmaan C/laahi

 

Ismaacil Xasan Ibraahim

 

Sakariye Maxamuud Xaashi

 

Mukhtaar Cabdi Sheekh (bulshaawi)

 

C/rahmaan maxamed c/laahi (ganey)

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

That's great Maasha Allah...waa loo baahanyahay qaamuuska.

 

 

 

 

 

 

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this