Sign in to follow this  
Kamaavi

Caydiid oo loo Magacaabay Xeer illaaliyaha Qaranka

Recommended Posts

Kamaavi   

Sidoo kale golaha xukuumada waxa ay magacowdey gudiyo dhowr ah kadib kullan muhiim ah oo ay wasiirada qaateen..

 

Kobtan ka akhriso/dhagayso warka dowlada

 

 

Shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiiradu yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin marxaladda kala guurka ah iyo magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

 

Ka dib markii Wasiirka Garsoorka, caddaaladda iyo arrimaha Diinta uu soo hordhigay golaha qorshe ku saabsan dib-u-habeyn logu sameynayo Garsoorka dalka, isla markaana lagu howlgelinayo maxkamadihii dalka ayuu u soo gudbiyey taariikh nololeedka shaqsiga buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare. Dood dheer ka dib Golahu waxuu isku raacay in loo magacaabo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aw. Ceydiid Cabdullahi Ilka Xanaf.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xilligan kala guurka ah loo baahanyahay wadajir, iyo wadashaqeyn dhammaan hay’adaha dastuuriga ah iyo sidii Dowladdu ay u dardargelin laheyd howlaha muhiimka ah ee loo hayo shacabka soomaaliyeed sida sugidda amniga, iyo wadatashiga dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan maamul goboleedyada iyo Somalida Qurbo joogta ah.

 

Dood dheer ka dib golahu waxuu sidoo kale isku raacay in la sameeyo guddiyadan hoos ku xusan si loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah isla markaana si habsami leh looga gudbo marxalladan kala guurka ah. Guddiyaddaas oo kala ah:

 

  • 1. Guddiga Siyaasadda iyo la shaqeynta bulshada caalamka;
  • 2. Guddiga Difaaca Qaranka iyo sugidda amniga;
  • 3. Guddiga arrimaha Baarlamaanka;
  • 4. Guddiga ururinta dhaqaalaha Difaaca Qaranka iyo
  • 5. Guddiga Abaabulka bulshada soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo qurbojoogta soomaaliyeed.

 

-DHAMAAD-

Garad Salad Hersi

Press Officer office of the Prime Minister

Mobile: +252-615536608

+252-6-2536608

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this