Sign in to follow this  
Kamaavi

Farmaajo oo Dalka ka Mabnuucay Saraakiil UN-ka ah

Recommended Posts

Kamaavi   

Warsaxaafadeed ka soo baxay DKMG ayaa lagu sheegay inay wadanka ka mamnuuceen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa;

 

WARSAXAAFADEED

 

Anigoo ah wasiirudowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha isla markaana ah u qaybsanaha xukuumadda Soomaaliya arrimaha xuquuqda aadanaha, waxaan halkaan ku xusayaa in ay lagama maarmaan tahay in wadankeena uu yeesho awoodii uu ku ilaalin lahaa xuquuqda aadanaha si aan u dhowrno dhamaan xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

 

 

Waxaan halkan uga mahadcelinayaa dadka nagu caawinayaa sidii aan guul uga gaari laheyn arrimaaha dhowrista xaquuqda aadanaha, hase ahaatee waxaa jiraa shaqsiyaad doonaya in ay is hortaagaan sidii aan oga guul gaari laheyn dadaalkeena ku wajahan dhowrista xaquuqda aadanaha.

 

Caqbadaha na hortaagan waxaa ka mid ah in guddiga caalamiga ee xuquuqda aadanaha in uu san fulinin balan qaadyadii ku aadanaa xoojinta iyo dib-udhiska hay’adaha dhowra xaquuqda aadanaha iyo kuwa sharciga qaabilsan sida maxkamadaha, sharci dijiyaaasha, Nabadsugida, waxbarashada iyo wacyigalinta dadwaynaynaha.

 

Sidaasi owgeed, waxaan halkan ku taageerayaa go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda “Persona Non Grata”, kaasoo ay kaga mamnuuceen inay soo galaan gudaha dalka Soomaaliya isla markaana aysan wax shaqo ah fulin karin Mr. Scott Cambell oo ah madaxa Afrikada bari iyo koofurta ee xafiiska sarre xaquuqda aadanaha ee Qaramada midoobay (Office High Commissioner for Human Rights –OHCHR-) iyo Mrs. Sandara Beidas oo iyadana ah wakiilka Qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha isla markaan ah madaxa qaybta xaquuqul insaanka ee xafiiska siyaasadda Q/midoobay ee Soomaaliya (UNPOS) laguna wargaliyay dhamaan hay’adaha ku shaqada leh socdaalka “Persona non Grata” sidaa darteed ayaa wasaaradda arimaha dibadda ay “Note Verabal” ugu dirtay hay’adaha Q/midoobay oo ay ka wakiil tahay UNPOS.

 

Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa xafiiska sarre ee xaquuqda aadanaha ee Q/midoobay in ay ka fiirsadaaan shaqsiyaadka ay usoo wakiilanayaan arimaha dhowrista xaquuqul aadanaha dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

 

media@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waxaan baa waalli la dhahaa!...Farmaajo waxaan uga baqayaa in isaga iyo 17 kale ee dibedaha ka timid ee wasiirrada ah travel ban la geliyo oo ay carruurahooda soo arki waayaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this