Sign in to follow this  
Akash

Wadanka Swizerland oo Lagaga Dhawaaqay Maamul Gobaleedka Awdalstate ee Somalia.

Recommended Posts

Akash   

Breaking News | Wadanka Swizerland oo Lagaga Dhawaaqay Maamul Gobaleedka Awdalstate, Waxaana Xafladasi ku dhawaaqista maamul Goboleedka AwdalState Goob Joog ka ahaa oo lagu marti qaaday Xubo ka tirsan maamulka SSC ee waqooqiyga Somalia.... .. Guul iyo Gobonimo!

Qaybaha kale ee sawirada iyo waliba videos naga filo sacaadaha soo socda insha allah ha ka tagin shabakada Awdalstate.com

 

P1050741-500x375.jpg

P1050740-500x375.jpg

P1050736-500x375.jpg

P1050734-500x375.jpg

P1050732-500x375.jpg

P1050730-500x375.jpg

P1050725-500x375.jpg

P1050709-500x375.jpg

P1050719-500x375.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

?p=4911

02/04/11-Borama-(Bnn) Waxaa Saaka Arootii Hore ay dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Borama ku soo baraarugeen Waraaqo iyo Calamo ka Turjumaya Maamul Goboleedka Awdal State ee Laga hadal hayo ku dhawaaqistiisi wadanka Dibadiisa.

 

Waraaqahan ayaa waxaa Ku qornaa Ereyo ay ka mid yihiin Hanbalyo waxaan hanbalyo u diraynaa ku dhawaaqista Maamul Goboleedka Awdal State oo lagaga dhawaaqayo maanta Dalka Maraykanka, waxa kale oo ay dadwaynaha Reer Borama ugu baaqayeen in ay iskugu soo baxaan Banaanbaxa lagu taageerayo Maamul Goboleedkan ay sheegeen Maanta in lagaga dhawaaqayo wadanka Maraykanka.

Awdal_State_2.jpg

 

Dhanka kale waxaa isna ku jiray Calanka Awdal/State ay Astaanta uga dhigeen oo lagu daadiyay Meelaha Muhiimka ah , Sida meelaha la iskugu yimaado ee maqaaxiyaha, Dugsiyada iyo Xaafada Hortooda, taas oo in badan oo Reer Borama ah ay ku noqotay mid ku soo boodo ah, oo ay kala garan waayeen waxa xiligan soo dhigay dariiqyada iyo Xaafadaha hortooda.

 

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee Arimahan dhacaya ayaa waxa ay daba socdaan maalmihii u danbeeyay oo laga dareemayay Magaalooyinka waawayn ee Gobolada Awdal/Salal hadalhaynta ku dhawaaqista Maamul Goboleed la magacbaxay Awdal State , kaas oo lagu sheegay in uu yeelan doono Gobolkani awdal, Su'aashu se waxa ay tahay Reer Awdal Gude iyo Dibad Raali ma ka wada Yihiin Maamulkan?Waa Su'aal inta badan dadka ka dhex guuxaysa oo Jawaabteedu wali Laalan tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Because America said we are dealing with states, than every unemployed diaspora politics starts his own state and waiting invitation for next shir beeled in kenya

 

list is growing: just new way to get attention

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

I am sure our Xidigo is big part of this, Great news for the people of Awdal....This is the way to go

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Kacdoonka shacabka wax isku duwa oo habeeya, oo gadh wada ayey u baahantahay...

 

Waxba kuma aha in geeska Afrika suu u dhan yahay hal mar kaco...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Canbarayn ku socota jabhada Snm oo ku xidhay Arday iyo dad rayid ah Borama

card2-297x300.png

April3,20011(Awdalstate)Guddiga Dhexe ee Qabanqaabada AWDAL STATE wuxuu warar lagu kalsoon yahay ku helay in taariikhdu markay ahayd Abril 02, 2011 magaalada weyn ee Borama si sharci darro ah loogu xidhxidhay weriyayaal u warrama website-yada u adeega bulshada caalamka ee ku hadasha Afka Soomaliga, arday iyo qaar ka mid ah dadweynaha Awdal State.

 

Suxufiyiintaas, ardaydaas iyo xubnahaas bulshadu ma garanayaan sababta loo xidhay ee sharaftoodii gaar ahaaneed meel loogaga dhacay.

 

Guddiga Dhexe ee Qabanqaabada Awdal State wuxuu halkan uga caddaynayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Aduunweynahaba in Guddigu ka xun yahay xadhiga weriyayaashaas, ardaydaas iyo xubnahaas bulshada.

 

Guddiga Dhexe ee Qabanqaabada Awdal State wuxuu cambaarayn laxaad leh dusha uga tuurayaa xubnaha ka tirsan maamulka naafada ah ee haatan ka jira Awdal State, daba-******kana u ah maamul isku-sheega cunsuriga ah ee jabhada SNM ee Burco.

 

Guddiga Dhexe ee Qabanqaabada Awdal State wuxuu aad uga xun yahay cabudhinta, cadaadiska iyo cagajugleynta hadh iyo habeen lagu hayo bulsho weynta Awdal State.

 

Xeerka xuquuqul-islaamka caalamiga ah ayaa si cad u qeexaya in qof walba xaq u leeyahay:

 

1. fikirkiisa gaarka ah, kuna dhawaaqi karo, qorina karo.

 

2. la xidhiidhka, la shirida iyo la socoshada qofka iyo kooxduu doono.

 

3. tegida iyo u safridda meeshuu doono ee wadankiisa.

 

4. degida, ku noolaanshaha iyo ka shaqaysiga meel kasta ee wadankiisa.

 

5. in aan sabab la aan looga qadi karin xoriyadiisa.

 

Waxaan ogsoonahay in bulsho weynta Awdal state deganaan lu laayiin dhulkoodii iyo ciidoodii, kana shaqaysan laayiin dad yar oo u adeegaya xukunka fadhiidka ah ee SNM ee Burco.

 

Hadaba, Guddiga Dhexe ee qabanbaabada Awdal State wuxuu digniin siinayaa dadkaas yar ee aan kor ku soo sheegay, wuxuunu Guddigu leeyahay Awdal State waabaa u beryey, geedi-socodkeeda xalaasha ahna cid joojin kartaa ma jirto.

 

Sidaa awgeed, wuxuu Guddigu la socodsiinayaa shakhsiyaadkaas xaaraanta u adeegayain la idinla socdo, talaabadaad qaadaana berri qof walba si gaar ah loola xisaabtami doono. Xoogaga Awdal Stateway ku sugan yihiin gudaha iyo dibedda Awdal State.

 

Gebogebo ahaan, wuxuu Guddiga Dhexe ee Qabanqaabada Awdal State ku talinayaa:

 

1. In si degdeg ah oo shuruud la aan ah loo sii daayo dhammaan dadka Borama lagu xidhxidhay shalay.

 

2. In laga waantooboku tacadiga bulshada Awdal State.

 

Col. Xasan Rirash

 

Guggiga Dhexe ee Qabanqaabada Awdal State

 

Canada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this