Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Arrest Alleged Terrorist Somali-Eritrean Group

Recommended Posts

Hargeysa (Waaheen) Hawl galo ay sameeyeen Ciidamadda Sirdoonka Somaliland labadii maalmood ee u danbeeyay ayaa la sheegay inay ku qab qabteen koox la sheegay inay dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka qorshaynayeen hawl galo ismiidaamin ah oo ay ku bartilmaameedsanayeen inay ku qarxiyaan meelo muhiim ah.

 

Ilaa hada tirade la sheegay in hawlgaladaas lagu qab qabtay waxa ay gaadhayaan ilaa sided xubnood, kuwaasoo laga qab qabtay qaarkood huteelo ku yaala magaaladda Hargeysa oo ay in muddo ah deganayeen, halka qaarkoodna laga soo qabtay MADARKA berbera iyagoo ka sii dhoofaya.

 

Ilaa hada Xukuumadda Somaliland wax war ah kamay soo saarin hawl galka ay dadkaas ku qab qabteen hase yeeshee warar Xogogaal ah ayaa sheegaya in Kooxda Eratariyaanka ahi ay beegsanayeen Dalka Uganda oo ay doonayeen inay weeraro ismaadimin ah ka fuliyaan sidii ay hore uga fuliyeen kooxaha Xag-jirka ahi.

 

Kooxda kale ee Somalida ah ayaa la sheegay iyagu inay ahaayeen qaarkood kuwii gadhwadeenka u ahaa kooxda Eratariyaanka ah waxaana soo baxaya tuhuno laga qabo inay yihiin hawl fududeeyayaal in muddo ah ku shaqaysan jiraya arrintan, halka qaarkoodna ay u socdeen inay Somaliland gudaheeda hawl galo ka fuliyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sirdoonka Somaliland oo Baadhitaan ku Haya Niman u Dhashay Waddanka Eratariya oo Hargeysa Lagu Qabtay

Mon 04th Apr,2011

Wararka

“Ciidammada boolisku waa kuwa ugu shakiga badan, markaa inay mar walba dhegtu ku taagnaataa waa mid meesha taal”

 

Taliyaha Booliska Somaliland

 

 

Hargeysa (Jam)- Sirdoonka Somaliland ayaa baadhitaanno ku haya laba nin oo u dhashay dalka Eratariya oo toddobaadkan ciidammada ammaanku ku qabteen madaarka magaalada Hargeysa, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay maleegayeen falal argagixiso oo wax loogu dhimayo ammaanka dalka.

 

 

Sidaana waxa ku dhawaaqay taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) oo markii u horreysay shalay faahfaahin ka bixiyey rag ciidammada ammaanku Jimcihii toddobaadkan ka qabteen madaarka Hargeysa, isagoo xusay in raggaas lagu tuhunsan yahay in ay xidhiidh la leeyihiin kooxaha argagaxisada ah, isla markaana ka shakisan yihiin inay falal ammaan-darro u socdeen.

 

 

Taliyuhu waxa uu sheegay in ragga la qabtay ay yihiin laba nin oo u dhashay waddanka Eratariya oo aanay ahayn Soomaali ama reer Somaliland.

 

 

“Ciidamada boolisku waxa ay dorraad (Jimcihii] ka soo qabteen madaarka laba nin oo sheegtay in ay ka soo jeedaan Ereteriya, waxana loo gudbiyay oo ay hadda ku sugan yihiiin xarunta ciidanka dambi-baadhista CID-da, meesha ay ka yimaaddeen iyo qorshahoodii oo dhanna waxa baadhaya ciidammada sirdoonka, natiijadooduna dhawaanba way kala caddaan doontaa waxay u socdeen iyo waxa ay yihiinba… Nimankaasna shaki wayn ayaa naga haya inay dadkaa falalka kala gedisan u socda yihiin.” Sidaa waxa yidhi taliyaha booliska oo saxaafadda ugu warramayey shalay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha.

 

 

Cilmi Rooble Furre (Kabaal) waxa uu warbaahinta u sheegay in ciidanka boolisku yihiin kuwa ugu shakiga badan ee mar walba dhegtu taagan tahay, maadaama ay u xilsaaran yihiin ilaalinta ammaanka, “Sidaad ka warhaysaan ciidammada boolisku waa kuwa ugu shakiga badan, markaa inay mar walba dhegtu ku taagnaataa waa mid meesha taal, annaguna waxaannu mar walba xil naga saaran yahay sidii aannu ammaanka dalka u sugi lahayn.”

 

 

Waa markii u horreysay ee ciidammada ammaanku ka hadlaan hawlgalkii ay Jimcihii ku qabqabteen ragga la sheegay inay Eratariyaanka yihiin, kuwaasoo looga shakisan yahay inay maleegayeen falal lagu waxyeellaynayo ammaanka iyo xasilloonida Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Xaaji Xunjuf;708926 wrote:
Zanawi anaga amar nama Siiyo saaxib

Waa runtaa, goorahan Iley ayaa amar idin siiya. Degmo yar oo Daroor la dhahana wuu idiin sameeyey. Ciid Farah iyo Abdinajiib Huessein wuu dhaamaa sow ma ahan....:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Still you are right, but if you remember, after the arrival of the ONLF marines ( thanks to Awdal state) through Zeyla coast political dynamic of the horn has shifted dramatically. Dr.Gabose and co started to report to uneducated but powerful Iley. Burco to Daroor he is the bigger man. Somali patriotic songs cannot played in those cities . His ears are there. They report to him and send him gifts, some times handing woman and students to him.

 

Berbera to Daroor and Gaashamo there is no sign of resistance towards Ethiopia, and it's powerful puppet Iley. So in your views, what would be the reason to not fight the wrong doers and oppressors ... and why not today?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this