Sign in to follow this  
Kamaavi

Xiddig oo Loo Magacaabay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga

Recommended Posts

Kamaavi   

Muqdisho. (Afdheer) Isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiiradda dalka Soomaaliya waxaa kamid ah Mudane Cabsdirashiid Xiddig oo ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya iyadoo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga dalka Soomaaliya.

 

Mudane maxamed Cabdi xayir Maareeye ayaa sidoo kale loo magacaabay wasiir dowlada xiriirka arrimaha baarlamaanka iyo xubno kale, magacaabista xubnaha cusub iyo isku dhaandheyntan ayaa ah mid lagu saleeyey khibrad iyo karti.

 

Dhanka kale guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay inay magacaabeen 3 guddi oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya C/Qaadir Cali Diini oo la hadlay mid ka mid ah Idacadaha magaalada Muqdisho ayaa faafaahin kooban ka bixiyey qaabka uu u wajaho xaalada dalka Soomaaliyee gaar ahaan Al Shabaab.

 

Taliyaha Cusub ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab ay yihiin dhalinyaro soomaaliyeed loona baahan yahay in tubta toosan lagu soo rido si buu yiri loo badbaadiyo dhalinyarada Soomaaliyeed .

 

Waxa uu sheegay taliyaha in Al Shabaab ay yihiin mirihii mustaqbalka dalka Soomaaliya, wax uuna sheegay in Dowladda KMG ay ka shaqeeyn doonto sidii loo badbaadin lahaa islamarkaana mustaqbal wanaagsan loogu sameeyn lahaa dhalinyarada Al Shabaab ka tirsan.

 

"Al Shabaab waa mirihii Soomaaliya, waxaana ka shaqeeyneeynaa mustaqbalkooda, waxaana leeyahay qoriga dhiga oo qalinka qaata maadama aad dhalinyaradii dalka tihiin oo imaada miiska wadahadalka"Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xooka dalka Soomaaliyeed" ayuu yiri Taliyaha cusub ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

 

C/qaadir Cali Diini ayaa maalin ka hor waxaa taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya u magacaabay Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya, waxaana shalay xarunta Madaxtooyada ku dhaariyey isaga iyo taliyaha Ciidamada Boliiska Madaxweyne Shariif.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Kamavi, Adeer Xidig shouldn't accept a "vice" minister post even it is for the Gaashaandhiga! Go for wasiirnimo ama meesha ka soco dheh :D

 

Jokes aside, the whole TFG thing is not stable these days, August is just around the corner and nobody is sure what is going to happen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^Mar aan u safray wadankii ayaan isoogu galnay diyaarad uu saarnaa salaan ka dib waxaan idhi yaa kula shaqeeya oo dooni walba ku saara, inttuu indhaha isku qabtay ayuu riri "Sheekh dhoore iyo bidaar weyne". Xidig waa ma dhinte ma samre sadkiisa bursade ismagabe fariid for dhoore and bidaar weyne. :)

 

Zack, ciyaartu way bislaatay welina waa la is garab socdaa sida Himilo qortay wasiirka maaliyada iyo kan gaadhandhiga waxay gaadheen Nairobi.

 

Barnaamujkani waa mid qabiil ka weyn oo siyaasiinta geeska Afrika iyo beesha caalamku ku kala qaybsanyihiin. Intaasi haday kuu baxday kobtay ku biyo shubato iiga soo waran.

 

Calankii ONLF maxaad u dajisay, ma Azania ayaad usoo faras qaadatay? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Kamaavi;708261 wrote:

Calankii ONLF maxaad u dajisay, ma Azania ayaad usoo faras qaadatay?
:D

LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL Kamavi. Haaheey Kanna siib kanna saar baa ka dhacday. No, I am kidding, you know I bleed ONLF and I breath ONLF, everything else comes after that. Faraskii Saydka baan wataa ma aragtid miyaa?.

Anyways, Xidig visited us in my town when he was Wasiirka Gudaha or something., he is a typical Somali Wasiir..(Xil buu dooni yacni, he doesn't care anything else). No principles what so over.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi balaaran oo labada Gole ee dowladda ka tirsan ayaa gaaray magaalada Balad xaawo ee Gobolka Gedo si ay halkaasi kulamo ula qaataan saraakiisha ciidamada qalabka sida Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi.

 

Wafdigaan gaaray magaalada balad xaawo ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo lacagta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Xaaji Deerow, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane C/rashiid Max’ed Xidig, xildhibaano, iyo saraakiil, waxaana u jeedada socdaalkooda uu la xiriiiraa sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladaha ammaan goobihii ay ciidamada dowladdu la wareegeen.

 

C/rashiid Max’ed Xidig oo ah Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ah wafdigaasi Balad Xaawo maanta gaaray ayaa radio muqdhiso u sheegay in haatan ay ku howlan yihiin kulamo ay la qaadanayaan saraakiisha ciidamada dowladda, isagoo intaa ku daray in wixii kulamadaasi ka soo baxa ay shacabka Soomaaliyeed u soo gudbin doonaan.

 

Booqashada wafdigaan ayaa ku soo aadaysa xilli dhawaan ay ciidamada dowladda Soomaaliya la wareegeen degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^Laga yaaba inuu isku maray..

 

Zack, mayee ina adeertii Bilan ayaa wadata.

 

Intuusan faraska gabadha kugu qabsan iska dhig. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   

LOL@Zack calling xidig "adeer" this Xidig guy is a sheep, naftuu ka dhacsanyahay.

 

Chess move by Sharif who opposes "Azania" he is collecting his cronies to try and destablise the Jubbaland Government.

 

Ethiopia/Sharif/Clan bigots are all out to spoil Prof.Gandi's long awaited state building programme.Its bewildering to see a president who cannot even stabilise his own capital play politics with an issue he shouldn't occupy himself with, If Gandi succeeds in dethroning Shabab from Kismayo whats left of this group? this president is a simpleton, his only logic is Gandi does not belong to my "crew" in the TFG.What he also forgets is this "Maamul" is been built within the TFG framework sanctioned by the old A/Y government and continued under Sharif, the only thing he can do is sit and hope his executioners can do the dirtywork for him.Somalia is doomed with men like Sharif.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Faafan, that is the whole point. Sharif iyo Mellez ma rabaan in Shabaab dhinac laga maro. Somaliya inay degto dad baan rabin ooy mashruuc u tahay.

 

Bal muxuu ku diidi haddii goboladan la mideeyo?

 

Ma masruufka yar ayaa wax walba ooga weyni?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   

Wuxuu leeyahay adigu Gaandi waan is heynaa isku koox ma nihin ee anigu kuwa aan meesha dhigtay ha kala walaaqaan arintan ee isaga tag meesha isagu siyaasad kale ma leh hada wuxuu ku mashquulsanyahay tuutaduu xidhan lahaa bari iyo siduu sharif xasan oga takhalusi lahaa ninkan farmajo baa arimahan kale kala wada.Zenawi waa nin siyasadiisa la yaqaano oo somaliya burburkeeda markasta raba oo hadu Gandi la dirirsanyahay la afgaran karo, laakiin kan muxuu meesha ku hayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sharif iyo Gaandi haday fikir ku kala duwanyihiin waa wax la gartay. Balse waxan suuro gal ahayn in Shariif iska aamusnaado Mellez siduu yeel dhaho mooye arin iyo talo wax ku ool ah keenin.

 

Shirka Nairobi looga yeedhay garabyada kale duwan ee Somaliya waxaa sal u ah karti la'aanta Shariif.

 

Bal aan eegno meejay ku biyo shubato.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this