Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The governor of badhan thanks Somaliland education Minister

Recommended Posts

mamulka gobolka badhan/jsl oo u mahadceliyay xukuumadda jsl.

 

 

Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Badhan oo ay weheliyaan Badhasaabka gobolkaas iyo Maayorka degmada Xingalool ayaa iyagoo ku sugan magaalada Badhan (Sanaag-bari) waxay halkaas guud ahaan mahadnaq ballaadhan uga soo jeediyeen xukuumadda JSL.

 

 

Maammulka Gobolka Badhan Oo U Mahad-celiyey Wasiirka Waxbarashada Somaliland.

 

 

Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Badhan Faa’iza Xuseen Mire oo ay weheliyaan Badhasaabka gobolkaas C/xakiin Wahaabi iyo Maayorka degmada Xingalool ayaa iyagoo ku sugan magaalada Badhan (Sanaag-bari) waxay halkaas guud ahaan mahadnaq ballaadhan uga soo jeediyeen xukuumadda Somaliland oo ay uga mahad celiyeen dardar gelinta iyo fidinta maammulka degaannada Sanaag-bari ee gobolka Badhan.

 

 

Gaar ahaan Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Badhan Faa’izo Xuseen Mire ayaa waxay si gaar ah ugu mahad celisey Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo-Samsam Cabdi Aadan oo dhowaan guddoomiyahan usoo magcawday waxbarashada gobolka Badhan islamarkaasna guddoonsiisey hal baabuur L/cruiser ah iyo shaqaale waxbarashada gobolkan oo loo kordhiyey.

 

 

Sidoo kalena waxay Agaasimaha guud ee W/Waxbarashada Somaliland Cali-Caliyowiyo weliba Madaxa gaadiidka ee wasaaraddan Cabdi-dheere oo iyaguna si hagar la’aan ah ugala shaqeeyey fulinta hawlaha dhowaan guddoomiyahani ku tagtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo baabuurkan cusub iyo kordhinta shaqaalaha waxbarashada ee gobolkeeda ay ka mid yihiin.

 

 

Waxyaabahaas oo ay guddoomiyahani sheegtay in ay dar-dar gelin iyo dhiirii gelinba u yihiin bulshada gobolkeeda ku dhaqn.Badhasaabka gobolka Badhan C/xakiin Wahaabi iyo Maayorkan degmd Xingalool ayaa iyaguna dhinacooda Wasiirka Waxbarashada uga mahad celiyey guddoomiyahan waxbarashada loogu soo magcaabay oo sida ay sheegeen ah mid ay ku kalsoon yihiin kuna qanacsan yihiin in ay tahay mid hawshan ku habboon oo ka midho dhalin karta iyo weliba deeqdaas iyo shaqaalahaas waxbarashada gobolkan Badhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Taleexi;695088 wrote:
Marqaan land waxba kama xishoonayaan.

 

and Pudh-Layn is running away from eastern sanaag too.....

 

 

indeed faroole was right to worry about somaliland cashing in on the galgala issue....

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

Xaaji Xunjuf;695051 wrote:
mamulka gobolka badhan/jsl oo u mahadceliyay xukuumadda jsl.

Well said. waa kuwa daka xalaasha ahi. SSC saado cali dhulkooday gubayaan dakaanina dhulkooday dhisanayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hales   

indeed faroole was right to worry about somaliland cashing in on the galgala issue....

Any evidence that Faroole was worried about Somaliland taking advantage of the galgala issue.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this