Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Not Ready for Dialogue Cooperation with Somalia - Foreign Minister

Recommended Posts

Somalina   

Shirkii Somalida ee London oo dhamaaday iyo ceebta ka raacday Somaliland

 

 

Written by Qaran news

Feb 09, 2011 at 06:39 PM

Barnaamajkii iyo sidii shirku u dhacay oo faah-faahsan hoos ka akhriso

London,(Qaran news)- Waxa maanta soo afjarmay shirkii ay isugu yimaadeen maamulada ka jira Somaliya sida Puntland Galmudug, dawlada Sh.Shariif iyo Somaliland oo markii ugu horaysay lagu arkay shirarka Somalida taasi oo ay dalka hore ugu taalay in aan dawlada Somaliland sinaba wax shirar ah ula qaadan karin maamulada ku hirdamaaya dalka Somaliya waxa ay ahayd in Somaliland ay la kulanto koonfurta oo midaysan oo isku hal meel ah sidii lixdankiiba ay ahaayeen markii la israacay.

 

Hadaba waxa ay fadeexadi ka raacday shirkii maanta wasiirka arimaha dibada oo shalay sheegay in kulanka ay iman doonaan dawladaha Itoobiya iyo Sweden kuwaasi oo ahaa been cad oo uu umada Somaliland u sheegay, shirkan maanta waxa ka hadlay wasiirka arimaha dibada ee Somaliya isaga oo kula taliyay maamul goboleedyaduna in ay hoos u wada hadlaan oo ay ka sheekaystaan sidii ay nabada u sii adkayn lahaayeen xagan hoose waxa aad ka akhrisataa sidii uu kalankii maanta uu ahaa anaga oo dhawaana soo turjumi doona.

 

Sida la sheegay ama cad Wasiirka Arrimaha Debeda ee Somaliland waxa uu shirka kaga qayb galay ergo ka timi gobol Somaliya ah ee kuma iman magaca Somaliland ee xilka intaa le'eg loogu dhiibay. Sida aad ku aragtaan qorshaha shirku wuxu ahaa sidii Somali meel la isugu keeni lahaa taas oo macnaheedu yahay waa in la helo aakhirka waddan keliya ama Somaliweyn.

 

Somaliland maanta si cad bay ugu badheedhay in ay Somaliya ka mid tahay sidaa darteed xukuumada la doortay ee Siilaanyo ayaa sharax laga rabaa haddii kale waxa su'aali ka iman doontaa maxaa halgankii SNM dadku ugu dhimanayey? Maxaa dagaaladii sokeeye dadku ugu dhimanayeen mar haddii sidaa fudud dadka iyo dalka dib loogu celinaayo Soomaaliweyn. Shicibka iyo Siyaasiga reer Somaliland ayaa laga rabaa inay arrintaas go'aan ka gaadhaan.

 

Isha ayaa macallin ah, Dr Maxamed Cumar waa ninkii shirkii Maraykan ee xukuumadii Riyaale diiday inay ka qayb gasho isaga oo ordaya tegey aakhirkiina Siilaanyo ku qanciyey inuu isaguna la kulmo Senatorkii Maraykanka ahaa. Maxaa laga faa'iiday ilaa maalintaa waxa Somaliland loo ictiraafay maamul goboleed ka mid ah Somaliya oo la maqaam ah Galmudug iyo Puntland. Labadaa maamul waa Somaliya iyo TFG markaa waa maxay sababta keentay inuu maanta halkaas maro waana waddo furantay waxa xiga oo hadhay shirka dambena Siilaanyo ayaa tegaya haddii kale waa inuu Madaxeyne Siilaanyo wasiirka xilka ka qaado isaga oo eegaya danta qaranka haddii kale wixii Somaliland ka soo gaadha isaga ayaa ka masuul ah.

 

Shirarkan waxa loo qabanayaa waxa la rabaa in Somaliland ku milanto arrimaha Somaliya oo looga jeediyo indhaha caalamka qaddiyada Somaliland aakhirkana Somaliland ka mid noqoto Somaliya oo dhibaatada ka taagan koonfurta in Somaliland qoorta loogu geliyo. Beesha caalamka ayaa hore ilaa 1991 ugu fashilantay inay Somaliya xasiliyaan maantana waxa la rabaa in Somaliland dhibtaas qoorta loogu geliyo si ay iyana ula burburto. Waa xaajo fog oo u baahan intii wax fahmaysaa inay il dheer ku eegto. Guntii iyo gebagebadii dadka reer Somaliland bay u taallaa siday yeelayaan waana xaajo cusub oo siyaasadii Somaliland loogu bedelay in lala shaqeeyo Somaliya iyo Jabuuti!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is no dialogue and cooperation between Somaliland and Somalia, yet we will talk about Somalia wartorn situation and perhaps it's future since its a neighbour

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

BORAME, HARGEYSA, LAS-ANOOD, GARAWE, BALADWEYN, BAYDAWO, KISMAYO All this towns belong one nation and that is Republic of Somalia, caasimaduna waa Mogadisho. And the president of Somalia is Sheikh sharif Ahmed, the rest are professinal directors.

siilaanyo, faroole,xaglatoosiye are same do you have anything else?

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

Jacaylbaro;694083 wrote:
That is what Siad Barre said ,,,,,, wax kele ma haysaa ??
:D

anigu koleyba waxan kahadlayaa Somalia, somaliyana cidwalba way oktahay in ay tahay Halwadan. ee adugu xageed ilaga qaadey sxb.

jacaylbaro ethiopian ma tahay mise kenyan? anigu somali ayaan ahayee

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Somalina

I'm disappointed in you. First of all; Faisal is leader of SL's Shah Party and I wouldn't be surprised if he claimed President Mj. Xaaji Axmed was born in Kenya. :DI know you chaps from across the pond are easily gullible, but I thought you were smarter.:)

 

Midda kale, for twenty years we've waited for Somalia to be ready for dialogue. The whole world has been asking SL to help our brothers. The new SL admin IS doing just that; helping our Somalians and Somalinas get back on their feet again. Nothing more nothing less. Taleexi knows it, otherwise he wouldn't be up in arms would he?;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

caydarus;694089 wrote:
anigu koleyba waxan kahadlayaa Somalia, somaliyana cidwalba way oktahay in ay tahay Halwadan. ee adugu xageed ilaga qaadey sxb.

jacaylbaro ethiopian ma tahay mise kenyan? anigu somali ayaan ahayee

Ma adaa Soomaali sheeganaya ?? ,,,,,,,,,,,,,,,,,,, Soomaali baa iska ba'day :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ok. Mr Ayoub. Lets say Mr Wolf is the leader of the Shah Party. Is that what we are discussing here though? the answer is no.

Adigu bal enlighten us a bit. Explain to us why SL was at that meeting. Why now after 20 yrs? and why was the meeting not advertised to the folks in Hargeysa (usually there is a red carpet at the airport and lots of halagaa sheego articles, JB knows what i'm talking about since he is in Hargeysa... :P)?

 

Let us enjoy Qarannews for now...err eh...I meant while we wait for you to get back to us... :D (the gullible bunch need entertainment :P )

------------

 

Somalia: "Building Stability, Accepting reality"

Written by Maxamud Cawale

Feb 14, 2011 at 07:49 PM

 

AYAAN BADANAA DHULKEYGU AQOON DARANA DHASHIISU!

 

Waxaan dhamaan war baahinta u howlan jiritaanka iyo sharafta Somaliland,maanta war baahintu waa ka masuul iney ilaaliso qaranimadda iyo qaynuunka Somaliland,una sheegto wixii xaqiiqa ee xukumadda Somaliland wado ee sax ah ama qalad ku ah

jiritaanka iyo sharaftaba.

 

Waxaana socda arin Shirka London iyo Somaliland sidey u khuseyso,horta arintu maaha mucaarad iyo muxaafad ee waa wadniyad kuwa dowladda ku jira iyo kuwa taagersan iyo kuwa diidan intaba waxaan leeyahay arintu waa arin khuseysa jiritaanka Somaliland

 

Shirkan London ka dhacay Somaliland wax aan khasaaro iyo dib u dhac ahayn oo ugu jiraa ma jiro. sababtuna waa tan

1-Shirku wuxuu ahaa sidii mustaqbalka Somalia dowlad adag loogu dhisi lahaa sida ka muuqata cin waank shirka.

 

" Somalia: Building Stability, Accepting reality"

Horta waa kasi arinta shirka lagaga hadlayey kolka adigu yaad tahay, Somalia ayaa lagu arkaa inaad tahay oo caalamka iyo dowladahan shirka ka soo qayb galey kuma aqoonsana dal gaara dhismahan iyo daganaashan Somalia loo sameynayana ka mid ayaad tahay u jeedadda shirku waa sidii Somalind,Bugland iyo Galmudugland iyo Juboland loogu soo dabaali lahaa dowladda mustaqbalka loo dhisayo Somalia,kolka iska daah wax aad ka faa'idee waxaad ku khasaartey 100%.

 

2-Waxaa aad GUD-MADOW ku ridey wixii aad 20 Sano aad soo wadey dib ayaad ugu noqotey kolku CALI MAHDI somali xukumayey ee lagu lahaa shirka ka soo qab gal.

Waxaad la socoto in caalamku lahaa hadaad doorashadda ka baxdaan in leydun aqoonsado ayaa la arkii,tii waad weydey oo dowladdii

 

Ayaaba la ogaadey in ayna rabin gooni isku taaga Somalia,taasina waxay dhalisey in Ithoipia wasiirkii arimaha dibadda uu yidhaa oo isla goobta.waa in ay Galmudug,Bugland iyo Somalind ay distoorka la sameynayo bisha sideedad ka soo qayb gala,waa dowladii ugu cusleyd.

Dawlada Itoobiya wasiirka khaarajigu ka dhawaajiyay ee u ila hada leeyahay ama la soo taagan yahay waa in Somaliland qeyb ka qaadata sida loo dajinayo dastoorka dawlada Somaliya ee mustaqbalka taasi macnaheeda soo maaha waar imikaba arimaha distoorka qeybtiina ka dajiya is aydaan hadhow u odhan waa nala khiyaameya iwm. :D

 

Waa inoo iyo qaybta la tabaad

Maxamud Cawale

mccawale@hotmail.com

--------

 

Looking forward to part 2... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maybe one more wouldn't hurt...don't you agree! :D

---------

 

Guddoomiyaha Arrimaha Dibada Wakiilada Oo Sheegay In Ay La Balansanyihiin Wasiirka Arimaha Dibada SL

 

Written by Qaran news

Feb 14, 2011 at 10:44 AM

Waa Xaaraan In S/land Ka Qayb Gasho Shirarka Lagu Midaynayo Somalia, Marka Uu Wasiirka Khaarajigu U Baxayo Dibadaha Waa Inay Sii Raacaan Xubno Baarlamaan"

Guddoomiyaha Arrimaha Dibada Wakiilada Xuseen Maxamed Cigge

 

Hargeysa,(Qaran news)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibabada iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha Wakiilada Somaliland Xuseen Maxamed Cige ayaa sheegay in ka qayb galka shirarka lagu midaynayo Somalia ay yihiin arin xaaraan ah, isla markaana ka hor imanaya Xeerkii labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ay 12-kii October 2003-dii ay ku xaaraantimeeyeen ka qayb galka shirarka loo qabto kooxaha Somalia.

 

Guddoomiyaha arrimaha dibada Wakiilada Xuseen Maxamed Cige waxa kale oo uu sheegay in shirkii dhawaan lagaga hadlayay arrimaha Somalia ee lagu qabtay dalka Ingiriiska ee uu ka qayb galay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/laahi Cumar, haddii lagaga hadlayay dib u heshiisiinta arrimaha Somalia, isla markaana lagu marti qaaday Somaliland gobol ka tirsan Somalia ay ahayd arin xaaraan ah, isagoo intaa ku daray inaanay xukuumadda Siillaanyo aanay isku koobin dadaalada siyaasada khaarajiga iyo hawlaha Ictiraaf raadinta, balse ay ka wada qayb qaataan Baarlamaanka iyo xukuumaddu marka uu Wasiirka Arrimaha dibada socdaalada dibada u baxayana aanu kaligii u bixin, balse ay sii raacaan xubno ka tirsan guddidooda arrimaha dibada ee Wakiiladu, taas oo uu ku tilmaamay arin lagama maar maan u ah aqoonsiga Somaliland, isla markaana miisaan u yeeli karta qadiyada gooni isku taaga Somaliland, waxaanu sheegay in Wasiirka Arrimaha dibada golahoodu u yeedhay si ay wax uga weydiiyaan qaabkii u uga qayb galay shirkaasi ay ka soo qayb galeen maamulada Somalia ee TFG, Puntland iyo Gal-mudug.

 

Guddoomiyaha guddida arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ee golaha Wakiilada Xuseen Maxamed Cige oo Haatuf uga xogwaramayay aragtida guddidooda iyo doorka uga banaan siyaasada arrimaha dibada iyo aqoonsi raadinta, waxa uu yidhi "Halkii uun baanu ka taagan nahay , haddii dawlad iyo Baarlamaan Ictiraafka Somaliland la doonayo in Baarlamaanka iyo xukuumaddaba ay ka wada hawl galaan oo Wufud dibadaha la isku raaco oo marka Wasiirka Arrimaha Dibadu socdaalada dibada u baxayana ay xubno guddida arrimaha dibada ee goluhu ay sii raacaan, arintaasi oo aan u arko in wax badan ay ku soo kordhinayso, dadaalada qadiyadaa-na soona dhaweynayso aqoonsi aynu ka helno caalamka, maxaa yeelay, marka Wasiirku la shirayo masuuliyiinta dawladaha uu booqdo xildhibaanaduna wixii la kulmi karaan, xildhibaanada dhigooda ah oo ay ka dhaadhicinayaan qadiyadeena gooni isku taagana miisaankuna waxa uu ku jiraa, golayaasha Baarlamaanka oo kala qayb qaata xukuumadda siyaasada dibada, waxaan u arkaa in arintaasi si weyn u dheyelsaday, waanan kala hadlay Wasiirka arintaasi"

 

Mar aanu weydiinay guddoomiyaha arrimah dibada Wakiilada sida uu u arko in wakhtigan xaadirka ah oo aan Somaliland wax aqoonsiya caalamku siinin, haddii Somalia beesha caalamku ku marti qaado shir ay fadhiyaan maamulada dawlada TFG ee Somalia, Puntland iyo Gal-mudug, waxa uu yidhi "Hadii aynu ka hadlayno dan guud oo Somaliland lagu casuumay, dawlad madaxbanaan oo aan lagaga wada hadlayn arrimaha dib u heshiisiinta Somalia, waxay ku xidhan tahay, hadba mawduuca la inoo casuumay iyo wax lagaga wada hadlayaa waxa uu yahay, hadii lagaga wada hadlay Somalia oo dib loo midaynayo, oo Puntland, Gal-mudug iyo Somaliland la yidhi ka soo qayb gala Somalia oo la midaynayo, anigu waxaan u arkaa inay xaaraan tahay oo qalad weyn ay ku tahay Somaliland, haddii se la leeyahay Somaliland ha ka soo qayb qaadato, ariminta mushkiladaha ka taagan Somalia, taasina waxaan u arkaa inay daw tahay, Wasiirka Arrimaha Dibada-na waanu la balan sanahay gole ahaan inuu na hor yimaado".

 

Mar aanu weydiinay sida uu arko Xeerkii labada gole ee Baarlamaanku ku xaaraantimeeyeen, ka qab galka shirarka lagaga wada hadlayo hidisayaasha Somalia, waxa uu yidhi "Haddii shirkaasi ahaa wada hadal siin Somalia oo dhan oo inaguna aynu ka mid nahay waa xaaraan, sharcigaasina waa kii laga soo saaray, Wasiirka Khaarajiga ee dawlada TFG ee Somalia ee yidhi Somaliland waxay shirkaasi kaga soo qayb gashay maamul goboleed Somalia ka mid ahna, waxaan qabaa inay tahay gef uu ku muto ciqaab adag, waxaan qabaa inuu dambigaasi ku mutaystay dil, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland waxay ahayd inuu ka jawaabo hadalkii quudhsiga ahaa ee ka soo yeedhay Wasiirka Khaarajiga Somalia, oo uu yidhaahdo kama mid nihin Somalia ee qaran madaxbanaan baanu nahay, aniguna kama iman gobol Somalia ka tirsan, ee waxaan ka imid dal madaxbanaan oo Somaliland la yidhaahdo".

 

 

Haatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Somalina;695073 wrote:
Lets say Mr Wolf is the leader of the Shah Party. Is that what we are discussing here though? the answer is no.

Adigu bal enlighten us a bit. Explain to us why SL was at that meeting. Why now after 20 yrs? and why was the meeting not advertised to the folks in Hargeysa (usually there is a red carpet at the airport and lots of halagaa sheego articles, JB knows what i'm talking about since he is in Hargeysa...
:P
)?

 

Let us enjoy Qarannews for now...err eh...I meant while we wait for you to get back to us...
:D
(the gullible bunch need entertainment
:P
)

:) Well enjoy this then >>> http://ogaalnews.net/?p=5702

 

I'm sure even the gullible ones should be aware there is some pro-opposition media in SL.:)

Share this post


Link to post
Share on other sites

AYOUB;694090 wrote:
Midda kale, for twenty years we've waited for Somalia to be ready for dialogue. The whole world has been asking SL to help our brothers. The new SL admin IS doing just that; helping our Somalians and Somalinas get back on their feet again. Nothing more nothing less. Taleexi knows it, otherwise he wouldn't be up in arms would he?
;)

I doubt if this is true but if it is, it is excellent development. May be Silaanyo should hold a peace conference in Hargaysa to bring all Somalis together.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

lol@Ayoub...look at my signature and then read the following...

 

“Waxaanu diyaar u nahay in sida Jabuuti iyo wadamada kaleba uga qeybqaadano dhexdhexaadinta kooxaha Soomaaliya oo Hargeisa shir aanu ugu qabano”

Wasiirka arrimaha dibada ee maamul goboleedka SL

 

Source: Waaheen

------

 

Bal lets hear it from Bellingham.

http://www.bbc.co.uk/somali/war/2011/02/110214_bellingham_wareysi.shtml

 

----------

Confused landers

http://www.voanews.com/somali/news/Faaqidaadda-Kaalinta-Somaliland-ee-Shirarka-Soomaalida.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this