Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SSC Rebels Attack Somaliland Military Base at Kalshaale

Recommended Posts

Thankful;693468 wrote:
So I guess "we are not out of this"

Your guess is wrong then ,,,,, as i said YOU ARE OUT OF THIS

 

 

Officials in Puntland government said Puntland is not involved in the fighting.

 

Garowe Online

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maamulada Puntland iyo Somaliland oo isku khilaafsan dagaallada Kalshaale iyo labada dhinac oo is eedeeyay

 

Talaado, 8, Feberaayo, 2011 (HOL)-Wasiirka kalluumaysiga Puntland Inj. Maxamed Saalax Aadan oo maanta la hadlay BBC-da ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaalladii shalay ka dhacay deegaanka Kalshaale, isaga oo ku sugan degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

 

"Khasaaraha ka dhashay dagaalka waxa uu ahaa mid badan ,balse waxaa jira dad la dawaynayo oo ciidamada Somaliland ay xasuuqeen "ayuu yiri wasiirka oo dhinacyo badan ka hadlay.

 

Wasiirka ayaa sheegay in Puntland ay difaacayso gobolkeeda hadii aysan Somaliland fara galinta ka dayn ,isagoo oo wax laga xumaado ku tilmaamay odayaal uu sheegay in deegaanada dagaalladu ay ka dhaceen lagu laayay.

 

"Waxaa muqadas ah in Puntland ay difaacdo dhulkeeda ,balse kuuma sheegi karo in aan dagaal galayno "ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed Saalax Aadan. Wasiirka ayaa sheegay in booqashada ay ku yimaadeen Buuhoodle ay tahay mid ay ku qiimnaynaan khasaaraha ka dhashay dagaalladii Kalshaale iyo abaaraha si biyo dhaamin loo sameeyo.

 

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta Somaliland oo maanta isna la hadlay BBC-da ayaa ugu baaqay Puntland in ay fara galinta ka joojiso dagaallada ka soconaya Kalshaale.

 

"Puntland hadii aysan faragalinta joojin uma dulqaadan doono oo waan iska dhicin doonaa "ayuu yiri wasiirka oo ay ka muuqatay caro aad u daran oo la xiriirta dagaallada halkaasi ka dhacay.

 

Ugu danbayntii maaamulada Puntland iyo Somaliland ayaa iminka qarka u saaran in ay ku dagaalamaan halkaasi,waxaana isa soo taraya cabsida dagaallo mar kale ka qarxa goobihii shalay lagu dagaallamay.

 

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Boosaaso, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Jacaylbaro;693530 wrote:
Yaa u sheegaya dee dhiigyacabka dadka qabyaalada la dhex ordaya ee kolba dabka shidaya ..................

:rolleyes::rolleyes: Iska bilow adiga and stop this madness project and keep you malitia in your homes.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dibadbax looga soo horjeedo dagaalka Kalshaale oo ka dhacay.....

 

2821-full-so.jpg

 

Caabudwaaq: (Sh. M. Network) Banaanbax looga soo horjeeday dagaalada maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday deegaanka Kalshaale ee degmada Buuhoodle ayaa maanta boqolaal qof waxaa ay ka dhigeen degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

 

Banaanbaxaani oo ay soo qaban qaabiyeen haweenka ku nool degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa looga soo horjeeday dagaalada Kalshaale, waxaana lagu dalbanayay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalkaasi islamarkaana loo turo shacabka lagu dul dagaalamayo.

 

Qaar ka mid ah dadka banaanbaxa dhigayay oo markii uu soo gaba gaboobay banaanbaxaasi la hadlay Idaacada Shabelle ayaa sheegay in ay doonayaan in si walaaltinimo ah loo joojiyo dagaalada ka socda Kalshaale, iyagoo si gooni ah ugu maaqay Madaxweyne Siilaanyo in uu ka joojiyo ciidamada uu ku sii hurinayo dagaalada halkaasi ka socda.

 

Haweenkaani ayaa ka dalbaday haweenka kale ee ku nool deegaanada Puntland iyo Somaliland in ay sameeyaan banaanbaxyo la mid ah midka ay maanta ka dhigeen degmada Caabudwaaq ee ay ku diidanyihiin dagaalka ka socda Kalshaale si ay uga qeyb qaataan daminta xiisadaha ka taagan deegaankaasi.

 

Banaanbaxa maanta ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca gobolada dalka Soomaaliya oo lagu dalbanayo in la joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday Kalshaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra’iisul wasaare Farmaajo oo ku baaqay joojinta dagaalka Kalshaale

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray waxaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka soconaya deegaanka Kalshaale

 

WARSAXAAFADEED

Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxay aad uga xuntahay dagaalada ay dhiiga badani ku daadateen ee ka dhacayay maalmihii la soo dhaafay degaanka lagu magacaabo Kalshaale kuwaasoo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac iyo weliba barokac.

 

Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed waxay ugu baaqeysaa dhinacyada ku dagaalamaya degaankaasi Kalshaale inay si deg deg ah u joojiyaan gacan ka hadalka aan macnaha ku fadhiyin isla markaana ay wadahadal iyo wadaxaajood ku xalistaan khilaafaadkooda, sida looga bartay.

 

Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, haweenka iyo dhalinyarada degaanadaasi waxaa loogu baaqayaa inay u istaagaan sidii loo joojin lahaa xiisada dhalisay gacan ka hadalka, xukuumada Federaalka ah waxay damaanad qaadeysaa dhankeeda inay qaado dedaal kasta oo lagu daminayo xiisada.

 

“Goboladaasi waxay ka mid yihiin gobolada xasiloon ee dalka Soomaaliya, xukuumaduna wey ka walaacsan tahay in gobolo hor leh oo dalka ah ay dagaalo iyo xasilooni darri ka dhacaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

 

 

 

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

 

media@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   
May Allah bring peace and harmony in between the two groups. Because of the S/L militias’ aggression, Buhodle people have no choice but to defend themselves from Silanyo, the man who made a career out of spilling human blood, and his militias. Silanyo knows nothing but to order mass killings. That is what he was doing for the last 30+ years. Wuu bahaloobay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Taleexi, Hadaan baranayaa X. Xudhuf and JB waaba kuwo cabaysan oo hal dheg leh tiina dowlad weeye qabiilkiinu baa lagu shubay oo wax kale mari maayaan. Allow miyir nagu sug.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Jacaylbaro;693363 wrote:
thanksful meesha kuma jiro ,,,, sadexdiisii tuulo ayuu ku xidhan yahay. Inta kele waa is fahmi kartaa
:D

It has been almost a year, ....

 

Jabhadii Kalshaale ayaa dhisatay Ismaamul gobaleed,... Khatumo state, ..is fahan intee le'eg ayaad rajaynaysaa in uu idin dhexmaro? .//........si aad oogu birtaan bahweynta jecel midnimada iyo wada jirka, mawqifkaaga ma ka tanaasuli kartaa...???

 

..........midmida aad diidantahay ma laga yabaa in ay ka macaantahay gooni goosad ma dhalays ah...,? ,...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ respect them...what part of they ran away did you not understand....hahahaah....what respect..:cool: i have taught them to respect my bullet...hence why they run..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this