Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SSC Rebels Attack Somaliland Military Base at Kalshaale

Recommended Posts

The militia attacked a Somaliland Military base in Kalshaale. The Somaliland forces responded the attack and counter attacked the militia.

 

The militia then ran away back to their hideout around Buuhoodle town.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha weerar gaadmo oo ay SSC ku soo qaaday ciidamada jiida hore ee somaliland

 

Hargeysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in ciidamada Jiida hore ee Somaliland ay iska waabiyeen maleeshiyada SSC oo saaka weerar gaadmo ah ku soo qaaday.

 

Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa uu tilmaamay in mar walba ay ciidamada Somaliland heegan buuxa ugu jiraan sidii ay iskaga waabin lahaayeen cadawgooda, waxaanu ugu baaqay in ay heegan buuxa galaan isla markaana ka feejignaadaan wax kasta oo ku yimaada.

 

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu goor dhaweyd ka hadlayay xarunta Baarlamaanka Somaliland, ka dib markii uu ka soo qayb galay hadal uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u jeedinayay labada gole ee wakiilada iyo Guurtida.

 

“Saaka lixdii aroornimo ayay falaagada SSC weerar ku soo qaaday ciidamada Somaliland, waxaanan idiin sheegi karaa in ay iska waabiyeen isla markaana dhirbaaxo kulul ku dhufteen” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaanu intaasi ku daray isla markaana uu baaq u diray dhamaanba ciidamada Somaliland ee sugan jiida Hore “Waxa aan u soo jeedinayaa ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida hore in ay ka feejignaadaan wax kasta oo dibada kaga iman, kara waxaanan aad ugu kalsoonahay in ay cadawgooda iska dhicin karaan” ayuu yidhi.

 

Wasiirka ayaa tilmaamay in aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay ciidamada Somaliland, balse ay jabiyeen isla markaana khasaare laxaad leh gaadhsiiyeen ciidamadii weerarka ku soo qaaday.

 

Qaar ka mid ah maleeshiyada SSC oo iyadu ka soo horjeeda Somaliland ayaa saaka la sheegay in ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan deegaanka Kalshaale, halkaas oo ay wararku cadaynayaan in ciidamada Somaliland ay dib isaga waabiyeen.

 

Tiroba laba jeer ayay isku dhaceen ciidamada Somaliland iyo kuwa maleeshiyada SSC, waxaana markii ugu dambaysay ay ahayd todobaadkan bilawgiisii, markaas oo ay wararku cadeeyeen in ciidamada Somaliland ay gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah saaraakiishii hubka culus ku soo hagayay, kaas oo gacanta ku Somaliland ku jira.

 

 

Hadhwanaag News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burco(HWN)Wararka ka Soo baxaya Jiida Deeganada Kalshaale Iyo Maygaagle Ayaa sheegaya In Dagaal Culus Saaka Ka qarxay Aaagaasi kaasi oo laysu Adeegsanayo Hubka Noocyadiisa Culus oo Deryankiisa laga maqlayo meelo aad uga Fog halka uu Dagaalku ka dhacayo

 

Dagaalkan Saaka Ayaa la sheegayaa inuu aad uga Duwanyahay Dagaaladii Hore Isagoona Ah Dagaal Sida La tbaaxayo ka xoogwayn Kuwii hore Siduu ka bilowday

 

Balse Waxaa Adag ilaa hadda In la helo warar Sugan Ama Xog ku saabsan dagaalkan Saaka Bilowday mana jiraan ilaa iyo hadda Cid Sheegi karta Khasaare Dhaawac iyo Dhimasho Wuxuu Gaystay Dagaalkan Saaka,Dgaalkuna Ilaa hadda wuu Socdaa .

 

 

kala Soco wixii warar ah ee kasoo kordha Dagaalkan Hadhwanaag

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kalshaale:(Sh. M. Network) Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Maamulka Somaliland iyo Maleeshiyaad la sheegay inay ka tirsan yihiin Jabhadda SSC ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Kalshaale ee gobolka Sool.

 

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanka Kalshaale ee gobolka Sool, dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland ee gacanta ku haya deegaankaasi iyo Maleeshiyaad hubaysan oo la sheegay inay xiriir la leeyiyhiin Jabahadda SSC ayaa barqonimadii maanta ka qarxay deegaankaasi.

 

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii Maleeshiyaadka hubaysan ay weeraro ku qaadeen Saldhig ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana wararka ay sheegayaan in dagaalka la’isu adeegsaday hub culus iyo mid fudud.

 

Inta la’ogyahay 2-qof oo dhinacyadii dagaalamayay ahaa ayaa ku dhintay 4-kalana way ku dhaawacmeen dagaalka dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyaadka la sheegay inay xiriir laleeyihiin Jabahadda SSC.

 

Majiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada dagaalamaya hase ahaatee waxaa jira qaylo dhaan kasooyeeraysa Culumaa’udiinka iyo Odayasha deegankaasi, kuwaasi oo dalbanaya in la joojiyo dagaalka maadama lagu jiro abaar saamaysay dadka iyo duunyada ku nool Kalshaaale.

 

Deegaanka Kalshaale oo qiyaas ahaan dhianca Woqooyi 21-KM kaga beegan degmada Buuhoodle ee gobolka Sool ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday dagaalo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland kuwaasi oo isku haya gacan ku haynta Kalashaale, inkastoo deegaankasi ay gacan ku haynta ku hayan ciidamo ka tirsan Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Saaka Ka Qarxay Deegaanada Kalshaale, Hagoogane, Buuhoodle iyo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Ka Hadlay.

 

Hargeysa(Ramaas) Feb.07, 2011 - wararka ka soo baxaya deegaanka Kalshaale iyo Hagoogane, ayaa sheegaya in ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanadaas ay saaka weerar ku soo qaadeen ciidan beeleedyo hubaysan oo ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle.

 

Dagaalkan oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha labada dhinaca soo kala gaadhay, ayaa hada wararku sheegayaan in ciidanka qaranku dhirbaaxo laxaadle ku dhufteen ciidankii soo weeraray fadhiisimadooda.

 

Dagaalkan ka qarxay deegaankaas, ayaa waxa ka hadlay Wasiirka gaashaandhiga ee Somaliland Md Axmed X Cali Cadami oo sheegay inuu dagaalku saaka dhacay, isla markaana aanu faahfaahin rasmi ah ka hayn khasaaraha dhabta ah ee kala gaadhay ciidanka, isagoo arintaas ka hadlaya waxa “dagaalku waxa uu bilaabmay saaka, ilaa hada si rasmi ah uma ogin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay halkaas, laakiin dib ayaanu ka soo sheegi doonaa”.

 

Md Cadami, isagoo sii wataa hadalkiisa waxa uu yidhi “ciidanka waxa soo weeraray waa ciidan beeleedyo iskaashanaya iyo kooxdii hubaysnayd ee SSC, ciidanka qaranku wuu is dufaacay waayo meel madaafiici kaaga soo dhacayso dee eegan mayside waa iska dufaaci”.

 

Ugu dambayntii waxa wararku sheegayaan in ciidanka Somaliland jabiyey kooxdii soo weerartay, isla markaana ay ka qabsadeen deegaanadii ay weerarka ka soo qaadeen iyagoo ku sii siqaya dhul cusub oo aanay markii hore joogin ciidanku oo ah duleedka Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Lol, so this is your version? Which is obviously not unbias!

 

One thing is for certain, they are becoming more bold and stronger. In such a short time they are attacking your militia!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

JB, the SSC freedom fighters....they have become so organized and bold they are now lauching attacks.

 

So much for closing in on them!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Herer;693359 wrote:
jb, duufaan,xaji and thanksful could we bring some ideas indorder to stop this fighting.

 

thanksful meesha kuma jiro ,,,, sadexdiisii tuulo ayuu ku xidhan yahay. Inta kele waa is fahmi kartaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Wow, I like how the SSC has forced you to respec them. Unfortunately they have refused any dealings with your secessionists agenda...as long as their goal is to be part of Somalia than we are allies!

 

They will only become stronger insha'Allah.......keep writing your misinformation JB.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this