Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland to Register Refugees From Somalia in Sool

Recommended Posts

Maamulka Gobolka Sool Oo Bilaabay Diiwaan Gelinta Qaxootiga Ka Soo Barakaca Dagaalada Somalia

 

Laascaanood, January 27, 2011 (Haatuf) - Maamulka Gobolka Sool ayaa bilaabay qorshe ay ku diiwaan gelinayaan dadka ka soo qaxay dagaalada ka socda dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Somalia si aanay saamayn ugu yeelan Nabadgelyada Gobolkaasi.

 

Sidaana waxa sheegay Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye oo u waramayay shabakada Somaliland.Org, waxaanu sheegay in arrintaasi oo ay u yeeleen sababo nabad gelyo ay ugu socoto si wanaagsan isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaanu bilownay oo noo socda qorshe aanu ku diiwaan gelinayno dadka qaxoontiga ah ee ka soo baro kacay Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Laascaanood kuwaasi oo aanu siinay kaadhadh aqoonsi. Waxa kale oo aanu u samaynay Guddi iyaga u gaar ah xafiisna waanu u furnay.”

 

“Waxaanu sidaasi u samaynay sababo nabadgelyo waayo waxaanu doonaynaa inaan iyagana aan xuquuqdooda meel lagaga dhicin oo la ilaaliyo, iyagana aan dad Nabad gelyada halis gelin karaa ku soo dhex dhuuman. Illaa imika tiradooda kuuma sheegi karo hase yeeshee markaanu dhamaynayo ayaanu saxaafada u sheegi karnaa.” Badhasaabka gobolka Sool C/laahi Jaamac Diiriye waxa kale oo uu sheegay in xaalada nabadgelyo iyo bulsho ee degmooyinka Gobolka Sool ay aad u wanaagsan yihiin, waxase uu ka dayriyay abaaro ba’an iyo biyo la’aan ka jira deegaankaasi waxaanu xukuumada iyo Ha’yadaha caalamiga ah ugu baaqay inay gurmad deg deg ah la soo gaadhaan bulshada deegaankaasi ee abaartu hayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

atleast they getting some kind of help and looking after, where as the savages in somalia are busy murdering maiming and masacaring them...... be gratefull

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;690757 wrote:
lol@refugees...

 

DhulSoomaliyeed aka SL sidee uu qof Soomali ah ugu noqon karaa a refugee? IDP yes, refugee nah...

nfd kenya hadaad u qaxdiid so qaxooti kuma tihid dalka kenya same as Djibouti same as Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Qudhac;690804 wrote:
atleast they getting some kind of help and looking after, where as the savages in somalia are busy murdering maiming and masacaring them...... be gratefull

Savages in Somalia? markaad is dhiibeysey soo savage maadan ahayn? some folks are funny! sii socda idinkoo qarweysaan haddaba...ta-ta!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;690810 wrote:
nfd kenya hadaad u qaxdiid so qaxooti kuma tihid dalka kenya same as Djibouti same as Somaliland

Kenya and Djibouti are recognized countries. Ku noqo mar labaad! maamul gobol wadan ma ahan! goodnight awoowe!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;690899 wrote:
Kenya and Djibouti are recognized countries. Ku noqo mar labaad! maamul gobol wadan ma ahan! goodnight awoowe!

So, what your basically saying is that since Djibouti and the NFD arn't pure Somalis- I suspect because of their horrible accents and strange languages-, the koonfurians don't mind being labled as refugees there? I wonder how they would feel about that insensitive comment of yours.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Markii shir Soomali lagu qabto so adigan dhaha "dal shisheeye"? adiga uun baa is khilaafa...

 

Mr K, please learn how to read. Thanks.

Recognized country means wadan la aqoonsanyahay. Calankooda waxuu ka taaganyahay the UN HQ. Awoowe ayaan hadalkiisa wax ku darsanaayey. Somali waaye iyo ma ahan meesha ma taal. SL wadan ma ahan Kenya iyo DJibouti waa wadamo. Intaas garo. Mahadsanid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

SomaliLand means DhulSoomaliyeed duh. Oh! and don't worry about what I should say.

 

FYI: Xaji ayaan u jawaabaayey about the AQOONSI part.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this