Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somalia Official Urges Somaliland to Help Stabilization of South

Recommended Posts

Taleexi;691115 wrote:
Abtiyaday marqaanku wuu ka sii jabayaa maalinba maalinta ka danbaysa. The end goal is midnimo but how we get there is everyone's choosing.

Abtiga wuxu ku yidhi bariiska kalay ila cun oo si fiican u cantuug, intad meel aan nuur ka so bixin aad u hanqal tageysid. Maxa ka fiican wiil iyo abtigi oo midoobey:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ah! *(pressing repeat button)*

 

Afrika laba dal ayaa ku guulaystay inay gooni isku taagaan, waa Ereteriya iyo Sudan, labadaba waxa raalli ka ahaa dawladaha ay ka go’een.

Markaynu dhisno Soomaaliya, ayaynu wax heli karnaa, yaynaan ka baqin inaynu hadal la yeelano.

Cabdikaxiim Yuusuf Kheyre.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina laakin Somalia ma jirto dawlad ma laha TPLF ba Ethiopia dawlad u ahayd 1991 eritrea ka go 'oday. Cali naafto Xammar uun bu dagaal ka si bilaabay 1991 Mu caydiid la heshiyo inadeerki. , Sudaan cumar xassan al bashiir wa dawlad calan leh oo tagaan o jirta. Anagu cid anu la hadalno ma jirto ma Dawlada labada km banu la hadalna Mise kooxda go'odonka eeh mamuulka budhcad badeedka mise waxanu la hadalna qoloda qaticul dariqa eh alshabaab. Bal no sheeg. Mise hiiraan laand banu lahadalna mise greenland mise waax iyo waadi bal no sheeg awoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin kastoo ganbadu saarantahay, dunida guudkeeda

Gurmadkayga waw baahanyahay, ruux la gaasiraye

Taydana ninkii igu guntadey, waw gar leeyahaye

Marba gooha dhiillada halkii, igu galoollaata

Karaankayga waan geyn intaan, geeri moogahay,

 

.....................................................................................................................Hadraawi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

;)Aragtida Aqoonyahanka:

 

Dhawaaqa la xidhiidha goonni-isu-taagga Somaliland ee ka soo yeedhay Agaasimahan ka tirsan Guddida la-dagaallanka HIV/AIDS ee Somaliland, ayaa HOL ay wax ka waydiisay dhinacyada kala duwan ee Bulshada. “Meeshii shirar lagu qabanayo iyo halkii lagu shirayaba maaha in la cabsado oo la baqdo, waa in la bandhigo xaqiiqda Somaliland ka jirta. Waa in aan sas laga qaadin Soomaaliya iyo Soomaaliba,” sidaa waxa yidhi Prof. Cabdixakiim Yuusuf Kheyre oo ka mid ah Aqoonyahanka wax ka dhiga Jaamacadaha kala duwan ee Somaliland. Waxaanu ku baaqay in Shirweyne loo qabto dib-u-heshiisiinta Soomaalida oo ka dhaca Somaliland, laguna dhiso Dawlad ay Somaliland wada-hadal yeeshaan oo cago adag ku taagan ay ka dhawdahay in aqoonsi la waydiisto Dawlad lagu soo dhigay dalka dibeddiisa. “Afrika laba dal ayaa ku guulaystay inay gooni isku taagaan, waa Ereteriya iyo Sudan, labadaba waxa raalli ka ahaa dawladaha ay ka go’een. Dawlad ay Somaliland Shir u qabatay oo lagu dhisay, ayaynu ka heli karnaa aqoonsi. Markaynu dhisno Soomaaliya, ayaynu wax heli karnaa, yaynaan ka baqin inaynu hadal la yeelano. Dawlad Caalam soo dhisay ma heli karo, mid ay iyadu samaysay, oo aynu taageerno.” Ayuu hadalkiisa ku yidhi Cabdikaxiim Yuusuf Kheyre.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin kastoo ganbadu saarantahay, dunida guudkeeda

Gurmadkayga waw baahanyahay, ruux la gaasiraye

Taydana ninkii igu guntadey, waw gar leeyahaye

Marba gooha dhiillada halkii, igu galoollaata

Karaankayga waan geyn intaan, geeri moogahay,

 

.................................................. .................................................. .................Hadraawi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this