Sign in to follow this  
Somalina

GalMudug State of Somaaliya

Recommended Posts

Glad to see these crusial developments being persued by the Galmudug State authority and thank you SOMALINA for posting them here.

 

Jacayl Baro .. Your sense of humor is worsening by the post. what happened to you adeer?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Thank you.

-------

 

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamulka Galmudug oo booqasho ku tagay Muqdisho

Khamiis, 03 Feberaayo, 2011 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Maxamed Caalin iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada maamulkaas, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

 

Wafdigan, ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxayna kulammo kula qaateen hoteelka saxafi xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka iyo xukuumadda KMG ah.

 

"Annagu dowladda federaalka ayaan ka tirsanahay, maalin keliyana kama leexan, waxaana halkaan u nimid sidii Soomaali la isugu keeni lahaa, loogana bixi lahaa tafaraaruqa aan faa'iidada lahayn" ayuu yiri Axmed Caalin.

 

"Waxaan doonayaa in markii aan Galmudug ku suganahay aan Soomaali oo dhan u hadli karo, mas'uulna ka noqon karo," ayuu madaxweynaha Galmudug hadalkiisa daba-dhigay, isagoo sheegay in Soomaaliya ay dib u dhigeen khilaafyada aan dhammaadka lahayn.

Wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka Ibraahim Is@aq Yarow, oo isaguna ka hadlay kulankii ay la yeesheen madaxweynaha Galmudug, ayaa sheegay in dowladda KMG ah ay ka go'an tahay inay taageerto maamul walba oo dalka ka jira.

 

"Haddan nahay dowladda KMG ah, waxaan waajib nagu ah inaan taageerno maamul walba oo dalka ka jira, aan wax la qabanno, sidoo kalena aa xoogga saarno sidii ay wadashaqeyn noo dhexmari lahayd," ayuu yiri Is@aq Yarow.

 

Dhanka kale, madaxweynaha Galmudug iyo wafdigiisa, ayaa waxay booqasho ugu tageen dhaawacyadii wax ku noqday shaqaaqadii ka dhacday illinka isbitaalka Banaadir ee Muqdisho, iyagoo u rajeeyay caafimaad iyo bogsasho deg-deg ah.

 

Waxaa lagu wadaa in wafdigan ay kulammo la qaataan inta ay ku sugan yihiin Muqdisho madaxda dalka ugu sarreysa, mana ahan markii ugu horreysay oo wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin uu booqasho ku yimaado Muqdisho.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Galmudug State Administration Meet With Officials From UN

 

Galka'yo — A high distinguished delegation from United Nations led Mark Bowden UN's humanitarian coordinator for Somalia on Wednesday paid a fleeting visit to southern Galka'yo where Galmudug self styled administration control.

 

The United Nations delegation met with the leaders of Galmudg state administration and discussed the latest situation about the droughts that hit Mudug in central Somalia.

 

In press conference in Galka'yo, Mr. Mark Bowden said that the United Nations' aid agencies are committed to held and assist Somali people who are experiencing very severe droughts and famine

 

For his part, Mohammed Ahmed Alin, the president of self styled Galmudug state told reporters in Galka'yo that the situation war-ridden Somalia is deteriorating day after day because of droughts joined by protracted conflict.

 

Alin called for United Nations international aid agencies to stand helping Somalis who affected by the droughts.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Caalin "Galmudug waxaa Khatar ku haya Gaajo iyo Shabaab".

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in xaalad nolol xumo iyo amaan darro ka jirta degmooyinka iyo deegaanada uu kajiro maamulka Galmudug ee gobolada dhexe ee dalka Somaliya.

 

Kadib kulan uu Koonfurta Gaalkacyo kula qaatay u qeysamaha Q.Midoobe ee Gargaarka deg dega ah ayuu ku sheegay in Galmudug ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay dhamaan dadka soomaalida ee dega geeska Afrika.

 

Max'med Caali wuxuu sheegay in dad iyo duunyo ku dhaqan deegaanada Galmudug ay u dhinteen haraad iyo gaajo welina ay xaalad cakiran ku noolyihiin shacab farabadan, hay'adaha Gargaarka ayuu ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan arrinkaasi.

 

Caalin wuxuu soo hadal qaaday xaaladda amaanka wuxuuna sheegay in Galmudug ay qarka u saarantahay in ay shabaab lawareegaan arrinkaasi oo uu uga cawday beesha caalamka.

 

"Galmudug waxaa duulaan kusoo ah Al Shabaab oo wata argagaxiso caalami ah caalamka waxaan ka codsanaynaa in ay naga taageeraan ka hortaga shabaab"ayuu yiri Caalin.

 

Warka kasoo yeeray Galmudug ayaa kusoo aadaya xilli abaaro saameyn yeeshay ay kajiraan gobalada dalka Soomaaliya waxaana jirta in wax gargaar ah oo ka socda Q.Midoobe aan Somaliya laga qeybin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socday Gal-mudug (SAWIRRO)

 

galmuduug.jpg

Talaado, February 08, 2011(HOL): Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday maamulka Galmudug, kaasoo uu horkacayay madaxweynaha maamulkaas Maxamed Axmed Caalim.

 

Xubnaha ka socday Gal-mudug ayaa kulan qado ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana gabo gabadii kulankooda saxaafadda la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Gal-mudug, iyagoo sheegay in kulankoodan ay uga wada hadleen arrimo la xiriira abaaraha ka jira gobollada dhexe iyo sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug State.

galmudug%20(2).jpg

galmudug%20(6).jpg

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo kulankaas kaddb saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo madaxweynaha Gal-mudug iyo wefdigiisa, isagoo xusay in ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid tahay abaaraha baaxadda leh ee dalka ka jira, gaar ahaana gobollada dhexe isagoo xusay in deeq ay ka heleen dowladda Imaaraadka Carabta inay qeybtooda gaarsiin doonaan shacabka Gobollada dhexe.

 

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxweyne Caalim iyo maamulkiisa shaqada ay ka qabteen howlaha dib-u-heshiisiinta, sidaad la socotaan wefdi ayaan u dirnay Gobolada dhexe markii ay dagaalladu ka dhaceen, waxayna ku guuleysteen inay joojiyaan dhiiggii daadanayay” ayuu yiri R/wasaaraha oo xusay in dagaallada kale ee ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka ay ku dedaalayaan sidii loo joojin lahaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii hadalkiisa u duceeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan isagoo Alle uga baryay inuu ka dul qaado abaarta iyo harraadka saameynta adag ku yeeshay.

Madaxweyne Maxamed Axmed Caalim oo isna saxaafadda la hadlay ayaa xusay inuu xaqiijinayo inay ka tirsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan yihiin isagoo tilmaamay in sababaha ay u yimaadeen magaalada Muqdisho ay tahay sidii ay wax ula qeybsan lahaayeen Dowladda Federaalka oo uu sheegay inay hoos yimaadaan.

 

Wuxuu ku nuux-nuuxsaday Madaxweyne Caalin in gobollada dhexe ay ka jiraan abaaro xooggan oo dad iyo duunyaba baabi’isay, ayna ka rajeynayaan dowladda Federaalku inay wixii karaankeeda ah si deg deg ah ula gaari doonto “Ummaddu meel aad u xun ayay maraysaa, xoolihiina waa baaba’een, dadkuna wey ku soo xigaan” ayuu yiri Mr. Caalim oo xusay in halkii booyad ee biyo ah ay mareyso inta u dhaxeysa $300 illaa $400.

galmudug%20(7).jpg

galmudug%20(3).jpg

 

galmudug%20(8).jpg

 

Xafiiska Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya

media@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 13-Febraayo -2011

banadirmudug1.jpg

banadirmudug.jpg

 

Wafdi balaaran oo uu horkacayay madaxweynaha maamul goboleedka Soomaliyeed ee Galmudug State Maxamed Axmed Caalin ayaa maanta barqadii waxa ay kulan la qaateen guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

 

Kulanka ayaa waxaa lagu qabtay xarunta maamulka G/Banaadir halkaasoo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen dhamaanba masuuliyiinta kala gadisan ee heer gobol iyo heer degmo iyo dadweyne ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka oo ay wehliyeen fanaaniinta Waabari.

 

Xubnaha wafdiga madaxeyne Caalin ayaa ugu horeyntii waxa ay shir la qaateen guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxa ayna uga warameen ujeedada socdaaalkooda Mudisho ay ku joogaan iyo abaaro baahsan oo ka jira gudaha deegaanada Galmudug.

 

idoo kale Tarsan ayaa dhankiisa sheegay inuu aad usoo dhaweynayo wafdiga madaxeyne Caalin islamarkaana uu ku faraxsan yahay imaantinkooda Gobolka Banaadir, wuxuuna carrabka ku dhiftay in dadka dhaha DFKG waxa ay ka talisaa degmooyin yar ay tahay qeyb kamida Barobogaanka dowladda ka dhan ah, wuxuuna ku nuux xuunsaday in maamul goboleedyada Soomaliyeed ee Galmudug, Puntland iyo Ximin iyo Xeeb ay intaba katirsan yihiin DFKG.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale farriin dheer u diray shacaka iyo dhalinyarada Soomaliyeed iney sameeyaan kacdoonkii ka dhacay dalka Masar oo kale isagoona ugu baaqay dhalinta reer Muqdisho in la joogo waqtigii ay codkooda dheer kusoo bandhigi lahaayeen wax uu ugu yeeray (Enough is Enough) oo macneheedu tahay waa nagu filantahay 20-sano oo dib udhac ah.

 

Tarsan ayaa sidoo kale waxa uu hambalyo kal iyo lab ah u diray shacab weynaha reer Masar sida geesinimada leh oo ay usoo bandhigeen rabitaankooda dhabta ah wuxuuna ugu hambalyeeyay dhlintii kacdoonkii dalkaasi ka dhacay isagoona ugu dambentii u rajeeday dhalinyarada Mudisho iney sameeyaan kacdoon ka dhan ah dhibaatooyinka caasimadda Soomaliya kajira.

 

banadirmudug2.jpg

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaliyeed ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo isna hadal ka jeediyay xafladii maanta ka dhacday gudaha xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta ay maamulka Gobolka usameeyeen wafdigiisa islamarkaana wuxuu sheegay in taa mid la mida ay iyaguna usameyn doonaan shacabka Muqdisho iyo maamulka Gobolka Banaadir.

 

Waa markii ugu horeysay xaflad noocan ah uu maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay masuuliyiinta Galmudug waxaana ugu dambeyntii gunaanudka xaflada ayaa kusoo idlaatay jawi dagan oo ay farxadi ku dheehneyd.

banadirmudug3.jpg

banadirmudug4.jpg

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this