Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Breaking News: Janaraal Maxamed Cali Samatar oo si qarsoodi leh kusoo gaaray magaaladda Muqdisho

Recommended Posts

Wasiirkii Gaanshaandhiga ee dowladdii kacaanka Janaraal Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa lagu dhex arkay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, xilli aysan waxba kala socon bahda saxaafadda.

 

Janaraal Maxamed Cali Samatar ayaa wuxuu la-socday dhawr iyo toban saraakiil ah oo shalay galab soo gaaray caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana lagu wadaa sidii ay u kabi lahaayeen dowladda kmg ee Soomaaliya.

 

Booqashada uu Maxamed Cali Samatar kusoo gaaray magaaladda Muqdisho ayaa waxaa si weyn ula yaabay dad fara-badan oo aan ka war-heyn booqashada qarsoodida leh ee uu kusoo gaaray magaaladda Muqdisho.

 

Janaraal Maxamed Cali Samatar iyo saraakiil sar sare oo ka tirsaneed dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa la-dejiyay aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia, waxaana lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay ka saacidaan sidii ay dowladda uga itaal roonaan laheyd maamulka Xarakada Al Shabaab ee kusii baahaaya dalka Soomaaliya.

 

Warar hoose oo ay Shabakadda Dhacdo.com ka heleyso xaruunta aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa waxay sheegayaan in kullan balaaran ay galabta yeesheen madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Janaraal Maxamed Cali Samatar iyo Janaraal Caare.

 

Waa markii ugu horeysay oo saraakiishani ay dib ugu soo laabtaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horta Maxkamad hadii la saarayo dhamaan wixii nool oo dembiga galay waa in iyagana maxkamad la saara ee nimaan aan ogahay iney Boorame iyo Hargeisa ku dhex socdaan sii xor ah odaygan masakiinka garabka waayayna 24 7 la dhaho dambiile. Walahi waaka xumahay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why cant F*q*sh stay in one place and why do they run from one place to another. Some run from Muqdishu to Gedo(Siad Barre), others from refugee campls to US, others again from US and Canada to Muqdishu(Ali Samatar), and then again to refugee camps in Jemen(Abdullahi Yusuf).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this