Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Al-Shabaab oo cunaqabateyn dhinaca biyaha ku soo rogay dadka degmada Raageceelle ee Gobolka SH/dhexe

Recommended Posts

Wararka naga soo gaaraya degmada Raageceelle oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dadka halkaasi degan ay soo wajahday xaaladii ugu adkeyd oo dhinaca nolosha ah, bacdamaa degmadaasi ay la qeybsatay abaaraha ku dhuftay gobolka intiisa kale, ayaa waxaa haatan uga sii daray kaddib markii maleeshiyada Al-Shabaab ee degmada maamusha ay cuna qabateyn dhinaca biyaha ku soo rogtay dadka degaanka.

 

Mid ka mid ah dadka degan suuqa ugu weyn degmada Raageceelle oo u waramayay warbaahinta ayaa ka warbixiyay saameynta ay ku yeelatay dadka rayidka ah ee degaanka xayiraadda dhinaca biyaha ee maleeshiyaadka Shabaab ay ku soo rogeen, waxa uuna sheegay in tubooyinkii magaalada ku yiilay ee biyaha ka keeni jiray degaanka Hormagaalle ay xireen, iyadoo haatan muddo ka badan 30-saac ay biyihii ka maqan yihiin degmada Raageceelle.

 

Xaaladda biyo laa'aan ee soo wajahday degmadaasi ayaa la sheegay in odayaasha iyo waxgaradka degmada Raageceelle ayaa kulamo la leh horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab ee degmada ka taliya, hase yeeshee labada dhinac ayaa isku mari waayay qaar ka mid ah qodobadii ay ka wadahadlayeen.

 

Horjoogayaasha ururka Al-Shabaab u qaabilsan maamulka Degmada Raageceelle ayaa odayaasha degmada ku amray inay bixiyaan taageero isugu jirta lacago fara badan iyo dhallinyaro ka qeyb qaadata dagaallada Muqdisho ka socda, hase yeeshee odayaasha ayaa iyana dhinacooda si cad ugu sheegay inaysan awoodin dalabkaasi, iyagoo sheegay in xilligaan dadka degaanka ay heystaan duruufo aad u adag oo isugu jira abaar saameysay dadka iyo duunyada.

 

Kulanka odayaasha degmada Raageceelle iyo horjoogayaasha ururka Al-Shabaab ay ku yeesheen degmadaasi oo socday muddo hal todobaad ah ayaa iminka u muuqda mid sii kala fogeynaya labada dhinac, isla markaasina maleeshiyada Al-Shabaab ay dadka degaanka ku khasbayaan inay bixiyaan dhaqaale iyo dhallinyaro ay dagaalada u adeegsadaan, waxayna arrintaani walaac ku abuurtay kumanaan qoys oo isugu jira barakacayaal iyo dadkii horay u degenaa halkaasi.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

loool ninyahow dagaalka waa dhowr nooc, mid waa fool ka fool midna waa dagaal afka, daruufo gaar ii ah dartiisa afka ayaan kula dirira Shabaabka, bulshada in la tuso waaye baadilka ee iska dil maahan waa wiilal soomaliyeed oo la marin habaabiyay kuwaasna waa in la inform-gareeyo oo ay ka so tagaan aagaga dagaal..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this