Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

TFG Wants To Extend Their Mandate By 2 Years. What a Disgrace!!!

Recommended Posts

WARBIXIN:Safarka Farmajo ee New York

12 Jan 12, 2011 - 11:57:16 AM

 

Ra'iisul wasaaraha Somalia Max'ed C/llaahi Max'ed [Farmajo] iyo wafdi uu golihiisa wasiirada ka tirsan ayaa Talaadii [Jan 12], ka dhoofay Muqdisho, iyagoo kusii jeeda magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana safarkaas kasoo baxaya warar dheeraad ah.

 

Mr. Farmajo, ayaa saxaafada ugu sheegay garoonka diyaaradaha Adan Adde ee Muqdisho in New York uu uga qaybgalayo shir looga hadlayo xaalada nabadgalyo ee Somalia, iyo sidii lagu kordhin lahaa ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

 

Laakiinse, ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia oo la hadlay Garowe Online, ayaa sheegaya in ra'iisul wasaare Farmajo, uu safarkiisa ka duwan yahay sida uu u sheegay warbaahinta, oo uu ku saleysan yahay in mudada loo kordhiyo DF.

 

"Safarka Ra'iisul wasaaraha, waa mid qorsheysan oo ku saabsan in UN-ka lagala hadlo sidii xiliga loogu kordhin lahaa DF oo waqtigeedu uu ku eg-yahay [Aug 2011]" ayuu yiri mas'uul sare oo ku dhow madaxda dowlada Somalia balse codsaday inaan magaciisa la xigan.

 

"Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif, Farmaajo iyo Shariif Xasan, ayaa habeen hore kulan ku yeeshay Villa Baydhabo, waxayna kawada hadleen sidii DF xiliga loogu kordhin lahaa, maadaama uu waqtigeedu dhamaaday, balse Shariif Xasan ayaa kasoo horjeestay qorsha xili kordhinta ah" ayuu yiri mas'uulkan la hadlay GO.

 

Warar ay heshay GO, ayaa sheegaya in khilaaf uu soo dhexgalay Madaxweyne Sh. Shariif iyo Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan, kadib markii uu Afhayeenku diiday in Barlamaanka xubnaha ka dhiman lagu soo daro lana dhaariyo si ay DF ugu xiliga shaqo ugu dari lahaayen laba sano oo cusub.

 

Ra'iisul wasaare Farmajo, ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xubno ay ka mid tahay Sahro Maxamed Cali Samatar oo ah wasiir u dowlaha xafiiska ra'iisul wasaaraha, waxaana sii sagootiyay xubno wasiirro ah.

 

Madaxweynaha Somalia, Sh. Shariif Sh. Axmed oo la sheegay in xiligiisa shaqo uu ku eg-yahay bishan 31-keeda, ayaa wada qorshayaal uu ku doonayo inuu xiligiisa ku kordhiso, kadibna uu ka shaqeeyo sidii xukuumada oo dhan xiliga loogu kordhin lahaa.

 

Ergayga UN-ka ee Arimaha Somalia Amb. Augustine Mahinge, oo horraantii bishan safar ku yimid Muqdisho, ayaa ka dalbaday madaxda DF inay xiliga u harsan ku dhameystiraan howlaha horyaala xukuumada, isagoo si kooban u sheegay in marka uu xiliga dowlada dhamaado in isbadal kale uu dhici doono.

 

Mudane Farmajo, ayaa qudhiisa khudbad uu todobaad ka hor jeediyay Muqdisho ku sheegay in xiliga uu xilka haynayo ay tahay 8-bilood, wixii xiligaas ka dambeeyana uu qaban doono howl kale, taasoo aanu shaaca ka qaadin.

 

GAROWEOONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina, dont you think its better that the term of the TFG ends.

 

So Somali's can start to build governance bottem-up, instead of waiting for TFG miracles to happen from top to down?

Share this post


Link to post
Share on other sites

well if they can make things happen in the next two years the UN should extend their mandate for another 2 or even more years let's see if a foreign made government can work in the next coming years in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

salaam akhyaarta,

Inanta hajuumka badan ha laga yareeyo hawlo badan oo raggii garan la'yahay bay faraha ku haysaa magaceedun waa somalina.

Hadaba nimankiinaan waqooyi galbeed somaaliya sadex mid soo gala:D

 

1- Inaad wadanka iyo qarankii wax ka toosisaan oo aad labadiina lugood si fiican ugu istaagtaan.

Daacadna la timaadaan ama qudhiinu isku daydaan inaad wax hogaamisaan adinkoon xishoonayn.

2- Inaadnan koonfur usoo dirin nin qalbi jilicsan oo aan aronayn markuu xabadaha maqlo siilaanyow i cafi iminkaan ictaraafkii kula baadi doonayaa.

3- Inaadnan waxba ku darsan shar iyo khayr intay koonfurtu maradeeda geesdka ka fuqsanayso,adinkuna iska dhagaysataan buraanburka ina dhakhtar iyo

silaanyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:D:D:D

 

Since ay jecelyihiin iney ogaadaan waxay wasiirada TFG ay ku qadeeyeen maanta, bal aan usoo bandhigo what was on the menu.

 

Greek salad

Spaghetti

Prime Angus Steak

Mango iyo isbarmuuto

 

p.s. does hajuum=weerar? lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Qodax Qorax;687399 wrote:
Its a serious topic. But obviously ciyaal xaafadkii siyaasad waxba kama oga.

It doesn't concern you or does it?

 

lol@JB...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia is a neighbouring country. Its stability and peace does concern me. There are hundred thousands of refugee's from Somalia in Somaliland. Their fate does concern me.

 

But maybe you are not concerned with them as with Sheick Dalxiis latest travel itaneries or with Farmaajo's Spagetti and isbarmuuto

lunch.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Somalia is a neighbouring country. Its stability and peace does concern me. There are hundred thousands of refugee's from Somalia in Somaliland. Their fate does concern me

.

somali dhul somaaliyeed qaxooti kuma ahan hadaad hoos u hadasho iyo hadaad kor u hadashaba wuu ku af garanayaa waa ina somaali,nabad un buu kusoo biday.

midda kale waagii casaabadii snmtu hargaysa kusoo duushay oo reer waqooyigu nabada soo bideen koonfurta ma qaxooti bay ahayeen? mise 91kii ka dib baad dhalatay?adeer qodaxda iska bixi markii qoraxdu soo baxdo si aysan kuugu fogaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this