Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu:Banadir Governor Tarzan continues his praise of Puntland [disclaimar many will get upset]

Recommended Posts

Tarsan.jpg

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir:”Waxaan Puntland Kusoo arkay Shacab Jecel in Soomaali ay iskusoo noqoto”

 

About: 3 hours ago |

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Dowladda Federaalka Maxamuud Axmed Nuur ”Tarzan” oo ka hadlaayay munaasabad lagu soo dhowaynayay ciyaaryahanada Xulka gobolka Banaadir oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Puntland uu ku soo arkay xiligii uu socdaalka ku tagay dad Soomaaliyeed oo aan xumaan iyo xasad ku jirin isla markaasna jecel Soomaalinimada.

 

Wuxuu intaasi ku daray in dadwaynaha ku nool Puntland ay yihiin dad ay ka go’aan tahay in ay arkaan Soomaali isku soo noqotay oo isdhexmaraysa.

 

Xaflada oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulka gobolka Banaadir,saraakiil ka socotay bahda cayaaraha Soomaaliyeed,cayaaryahanada gobolka Banaadir ee hantay koobka gobolada Soomaaliya ee dhowaan ka dhacay magaalada Garoowe iyo dadwayne kale.

 

Dhanka kale Maxamuud Tarsan ayaa oo soo hadal qaaday xaalada Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in 20-kii sano ee ugu dambeeyay magaalada lagu hayay cuno qabatayn horseeday in la waayo goobihii waxbarashada caafimaadka iyo kaabayasha dhaqaalaha.

 

“…Kooxaha diidan nabada waxay ogyihiin haday Muqdisho nabad noqoto in Soomaaliya inteeda kale ay sal dhiganayso…”,ayuu yiri.

 

Mudane Tarzan ayaa ku eedeeyay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda in ay dhaxleen hantida iyo carruurta Soomaaliyeed oo nool,siduu sheegay.

 

Xulka gobolka Banaadir ayaa hantay tartanka 18-aad ee koobka gobolada Soomaaliya oo dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ee 2010-ka lagu qabtay Puntland.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this