Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Rattled secesionist respond to Puntland Statement [who is calling the shotts now]

Recommended Posts

Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay eedeyn todobaadkan uga timi dhanka Dawladda Puntland oo ku saabsan in xirrir la leedahay kooxdii Attam oo ay Ciidamada Puntland kula dagaalameen buuralayda Galgala.

 

Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar oo la hadlaayay Wakaalada wararka ee Reuters ayaa iska fogeeyey eedeyntaas uga yimid maamulka ay deriska yihin isla markaana beeniyey in Somaliland ay xirrir la leedahay kooxdaas.

 

Wuxuu sheegay walaaca ay Puntland ka qabto Somaliland in ay xirrir la leedahay Al-Shabaab ay tahay war aan sal iyo raad lahayn.

 

Wasiirka arimaha dibadda Somaliland wuxuu sidoo kale sheegay in Somaliland ay tahay dal madax banaan isla markaana aan xilligaan jirin wax xirrir ka dhaxeeya dhanka Shabaab.

 

Masuuliyinta maamulka Somaliland ayaa hore u sheegay in kooxaha dagaalka kula jira maamulka Puntland ay ka cabsi qabaan in ay khal khal ku abuuraana amaanka ka jira Somaliland.

 

Sabtidii lasoo dhaafay oo ku beegnayd (01.January.2010) warsaxaafadeed kasoo baxay Dawladda Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay ka walwalsantahay xirrirka ka dhaxeeya kooxdii Attam iyo maamulka Somaliland,waxaana warsaxaafadeedkaas xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe saxaafada ugu akhriyey Wasiir kuxigeenka amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dancing secessionists can not be belived. Puntland makes a statement and them come out crying. They parade a plane full of uniform and everyone ignores them. Who is composed, calm and confident and who has lost the plot?

 

Blame it on 1988 if you want. Though they need to explain why they treated Attam in Burco, and why Godane was allowed to visit Hargaysa for two weeks this summer?

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Foreign minister denied to have any links with Alqaeda but has not presented any evidence.

 

The terror cells in Togdheer's near Burco and the road travalled by ONLF and the 70 secret SL killed in Galgala, the Afgani and Godane's funding link via Hargeisa is all too evident.

 

The foregin minister must come up with hard evidence that there are no links with Alshabaab otherwise the PIS (Puntland Intiligence Service) will carry out massive and unilateral compaign to dismanle the terror training camps in all of SL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa:”Waxba lug ah kuma lihin Alqaacida”W/Arimaha Dibada Somaliland.

 

Hargeysa:(Allpuntland)-Maamulka lamagac baxay Somaliland ayaa markii Ganaka ku dhuftay eedayn Balaaran oo dhawaan kasoo yeertay Wasaarada Amniga ee Dawlada Puntland taas oo sheegtay in ay Puntland Amaankeeda uga Walaacsantahay Xiriir u dhexeeya Somaliland & Xarakaadka Shabaab,Waxaana ay Somaliland sheegtay in taasi ay tahay Eedayn aanan meel fog jirin.

 

Wasiirka Arimaha Dibada ee Maamul goboleedka Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa qaarkamid ah Wakaaladaha duina ugu afka dheer u sheegey in ay eedayntaasi tahay mid wax loogu dhimayo Gooni Isutaaga Maamulkiisa,islamarkaasna lagu doonayo in dhulka lagu dhigo Sumcad uu sheegay in ay Somaliland ku leedahay Dunida,Waxaana uu Puntland ka codsaday inay eedayntaas ka noqoto ama ay Cadayso.

 

“Warkaasi Waa been,Annagu (Somaliland) Waxaanu nahay Xukuumada Dunida laga jecelyahay oo Caan ku ah Nabada & Xasilinta Geeska Afrika,marka waxaan oran karaa Waa Been Warkaasi,Annagu Waxba lug ah kuma lihin Alshabaab & Alqaacida toona”Ayuu yiri Mas’uulka Arimaha dibada u Qaabilsan Maamulka Somaliland.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qaranki   

Well then shouldn't you then learn from that and refrain for the repetiton of falsehood or do you think you'll be able to pull it off?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No falsehood adeer, its basic common sense. Those who benefit the most from the mayhem of the South are the secessionist. The fact that top two leaders of the Al Shabaab group are from Hargaysa is also a fact that no one can deny.

The fact that Agent Attam was supported by Hargaysa, and promoted even in this forum by the secessionist mouth pieces is also another fact.

 

The PIS, has uncovered enough evidance that points towards Hargaysa. Hence the pathetic but urgent denail from their top "diplomat".

 

Where there is smoke, usually there is fire...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qaranki   

How do you reconcile the fact that Al Shabab has conducted coordinated attacks in Hargeisa, wounding an killing scores of civilians in the process. Are you suggesting that the Somaliland govt planned that with Godane to further enhance its status?

 

Aren’t there high profile members in Shabab that are from your region btw?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaranki;685396 wrote:
Aren’t there high profile members in Shabab that are from your region btw?

The Hargaysa attacks were planned under the leadership of Cayrow, and where executed just as Godane was cementing his position at the top, since then its been mayhem on the south and coupld of fake insults towards Hargaysa.

 

Godane, Afghani are the top two leaders of Al Shabaab. Even the son of Hargaysa's "Minister" of Justice and religious affairs joined Al Shabaab and his "uncles" as he claimed to wage Jihad on the people of the south, while his family are safe and sound in Hargaysa.

 

As for Al Shabaab members from our region, Attam is an example and you see how treat them, dont you. Its you who then gives him shelter in Burco and treats his wounds and arms him.

 

Hargaysa and the traingle will bring war on themselves, and when the bullets starts flying they will start crying. "Its 1988, its 1988"..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Secessionist are rattled to the core please read this article. lool

 

Hase yeshee waxa mudooyinkii u danbeeyay si qarsoodi ah ugu qulqulayay dhinaca maamulka Puntland Hub iyo saanad Milateri oo ka imanayay meelo kala duwan, waxayna wararka arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan in hubkaasi intiisa baddan ka yimaado dhinaca Dalka Yamen, halkaas oo ay ganacsiga hubka iyo qalabka Milateriga ka baayacmushtareeyaan saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dalka Yamen, kuwaas oo Hubka laga soo iibsado uu si toos ah mararka qaar uga soo dego Dekedda magaalada Boosaaso. Sidoo kale hubkaa ayaa qaar ka mid ah loogu gudbiyaa dhinaca Magaalada magaalada Muqdisho ee Koonfurta Somalia iyo Gobolada dhexe oo ay kooxaha ka dagaalamaa gacanta ku dhigaan, iyadoo kooxaha ugaadhsada gaadiidka Badda ee Budhcad Badeeda oo gobolada Shiqwa, Abyan iyo Mukula oo ka tirsan Koonfurta Yamen lacagaha madaxfurashada ee ay ka qaadaan gaadiidka maraakiibta ay qafaashaan maalgashi iyo ganacsi kaga sameeyaan qaar ka mid ah Magaalooyinka ku yaala gobolada koonfurta Yamen, kuwaas oo wixii hub iyo qalab milateri oo ay u baahdaana kasoo iibsada saraakiil ka ganacsada hubka oo ciidamada Yamen ka tirsan, kuwaas oo xidhiidhka iyo maacaamilka lala samaynayo ay fuduaysay lacagta malaayiinka dollar ah ee ay kooxaha Budhacad badeedu la tagaan halkaa.

 

Sidoo kale waxay xoggaha la xidhiidha arrimaha hubka ku qulqulaya xeebaha maamulka Puntland sheegayaan inay markii ay dhowaan Xukuumadda Somaliland fashilisay Diyaaradda qalabka milateriga u siday shirkad magaceedu yahay Saracen, oo lagu war helay dabayaaqadii Nov 2010 inay ciidamo u tababary maamulka Puntland, waxa isa soo taraysay cabsida ay dawladaha waaweyn iyo kuwa gobolkuba ka muujiyeen hubka ku qulqulaya xeebaha magaalada Boosaaso iyo ujeedad shirkadaha shisheeye halkaa ka wada tababarka ciidamada, taas oo ay si weyn Maraykanku ugu muujiyeen walaac. Dabayaaqadii Nov, 2010 Todobaad ka hor markii lagu warhelay hawlaha shirkada Saracen ka wado Puntland, waxay ciidamadda Maraykanka ee ku sugan gacanka Cadmeed qabteen Doon shixnad Hub ah u siday dhinaca Puntland oo kusoo jeeday Dekedda Magaalada Boosaaso. Laakiin ma jiraan warar danbe oo sheegaya inay ciidamada maraykanku sii daayeen Doontaa shixnada hubka ah siday iyo in kale.

 

Waxa kaloo ay wararka la xidhiidha abaabulka iyo hubka ku qulqulaya dhinaca Puntland sheegayaan inay Dawlada Eretria kusoo biirtay hadda dalalka hubka kusoo guraya puntland ee Yamen iyo South Africa hormoodka u yihiin, waxayna dawladda Eretria todobaadyadii u danbeeyay usoo dirtay dhinaca Boosaaso Doon lagu soo shixnaday rasaasta madaafiicda, taas oo kasoo baxday Dekedda Casab, isla markaana martay duleedka xeebaha Somaliland, iyadoo usii jeeda dhinaca xeebaha Boosaaso.

 

Wararka la xidhiidha arrimahaa ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland lagu war geliyay markii ay Doonta siday rasaasta Madaafiicdu kasoo shiraaqatay Dekedda Casab, balse ay masuuliyiinta arrimahaa lala socodsiiyay iska dhega tireen digniinaha iyo fariimaha loo soo diray. Dawladda Eretria ayaa hore loogu eedayn jiray inay qayb weyn ku leedahay dagaalada ka socda Somalia, iyadoo lala xidhiidhiyo inay tababaro iyo hub siiso kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ee dagaalka kula jira dawladda taagta daran.

 

Sidoo kale waxa Eretria lagu tilmaamaa inay aad ugu firfircoon tahay qaska iyo dagaalada geeska Afrika iyo inay gacan siiso jabhada ONLF ee dagaalka kula jirtay maamulaka Ethopia, kuwaas oo urur ahaan kala qaybsanaan weyni ku timi mudooyinkan danbe. Kadib markii garab ka mid ah jabhada ONLF heshiis la galay dawladda Ethiopia. Talabaada dawladda Eretria waqtigan hubka ugu daabushay Puntland ayaa lala xidhiidhay inay ka danbaysay. Kadib markii Xukuumadda Somaliland dabayaaqadii Sep 2010, fashilisay mid ka mid ah marinadii ugu waaweynaa ee hubka iyo kootarabaanku u gudbaya kooxaha ka dagaalamaya Somalia iyo jabhada ONLF oo laga tahriibin jiray sannadii u danbeeyay xeebaha galbeedka Somaliland ee Saylac, balse ay marinadaasi xidhmeen wixii ka danbeeyay dablaydii kasoo degay halkaa Sep 2010, kuwaas la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca Eretria, isla markaana ay hada hubka iyo saanada milateri ee ay siinay Puntland doonayso inay kaga samaysato marin ay kaga dagaal gasho siyaasadeeda ku wajahan Geeska, maadaama ay wiiqantay jabhadii ONLF ee ku kacsanayd Ethopia oo ay u aragto cadawgeeda koowaad.

 

Si kastaba ha haatee waxay hubka ku qulqulaya Puntland ee ka imanaya Yamen, south Africa iyo Eretria muujinayaan abaabul dagaal oo aan si cad loo ogayn halka uu ku jihaysan yahay. Sidaa awgeed waxa la gudboon Xukuumadda Somaliland inay la socoto dhaqdhaqaaqyada iyo abaabulka gulufka colaadeed ee ka jira hareereheeda iyo hubka lagu daabulayo dhinaca maamulka Puntland oo aan si cad loo ogayn ujeedadiisa.

 

By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargaysa Human Rights Activist writes this and I quote:

 

Si kastaba ha haatee waxay hubka ku qulqulaya Puntland ee ka imanaya Yamen, south Africa iyo Eretria muujinayaan abaabul dagaal oo aan si cad loo ogayn halka uu ku jihaysan yahay. Sidaa awgeed waxa la gudboon Xukuumadda Somaliland inay la socoto dhaqdhaqaaqyada iyo abaabulka gulufka colaadeed ee ka jira hareereheeda iyo hubka lagu daabulayo dhinaca maamulka Puntland oo aan si cad loo ogayn ujeedadiisa.

Translation: However, the flowing of heavy weapons to Puntland coming from Yemen, South Africa and Eritrea demonstrate and show a military build-up and preparedness which has not been seen yet in its magnitude and grandness and it is not known yet where or who will be the sufferer of this great military build-up.lool

 

Therefore the Somaliland government is greatly advised to be concerned and thus needs to be aware of this massive build up taking place in their borders and the many weapons coming to Puntland which it's objective isn't yet clear who or where it will be used against.

 

By Mr Carraale M. Jama Human Rights Activist Hargaysa

 

A memorable quote indeed by the Human Rights Activist from Hargaysa. lool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this