Sign in to follow this  
hamza

jiritanka qaran nimada soomaaliyeed

Recommended Posts

Ismahaan   

in kastoo la yiri qof muslina jaahil ma noqdo oo wuxuu kala yaqaan xaqqa iyo baadilka dariiqa saxan iyo kan khaldan.

Soomaali muslim afka baay ka yihiin ee diin kuma dhaqmaan intooda badana diinta maba yaqaanaan. Hadii aay Soomaalidu diin ku dhaqmi lahaayeen ma is laaayn lahaayeen? Ma is jaajuusi lahaayeen? Jaahil dhiigya cab ah , xaq u dirir mujaahid ah ma ku sheegi lahaayeen? Dagaalada ka dhex socda dadka muslimiinta ee soomaaliyeed waa fidno Ilahaayna raali kama aha, dhiiga Muslim kana ALLE ma banaayn. Xataa kan gaalka Ilaahay kuuma banaan hadii aaysan arintu jihaad Ahaayn. Marka in Soomaalidu iskugu fanaan geel baan waa iska dhacnay, iyo 10 baan reer hebel ka dilney iyana only 7 baay naga dileen waa jaahilnimo. Kuwa iyaga ka dhintay ma fataatiir aay cidla ka soo heleeyn baay ahaayeen, kuwa se aay dileen soo ma aha soomaali kale oo walaalohood ah oo bari ahaayn lahaa kii garab istaagi lahaa markaay cadow is hayaan?

 

waa in alle loo noqdaa kow, anigu shakhsiyan qabiilkayga waan jeclahay waayo waa dadkaygii adiguna sidoo kale lakiin waxaa ku dhex jira kuwa sharis ah ama dilaa ah sida libaaxu cidiyaha iyo ilkaha wax ugu diloo kale oo aan qaran iyo midnimo waxba ka aqoon hadii aan u sacabino oo ku magacawno mujaahid qoran soomaaliyeed oo xoog leh la heli maayo, sanseekeeduna waaba muuqdaa sida kuwa leh itoobiye hanaga soo gaarto cadawgeediibaan xalay soo qabanay, iyo anigu aan sanawi fooxa u shido, iyo maya anaa kaaga horeeyay ilahay hana asturo

ALLE in loo noqdo waajib inna wada saaran weeye. Waadna ku saxan tahay qabiilku ma aha danbi ee qabyalada ( Tribalism) baa ah danbi iyo dulmi cad. Alle (SWT) ayaa taas Qur’aankiisa kariimka inoogu cadeeyey waxuuna Alle yiri ‘’Dadow waxaan idinka abuuray lab iyo dhaddig (male and female), waxaana idinka yeellay shucuub (nations) iyo qabaa’il (tribes) si aad isu aqoonsataan, Ruuxase ugu sharaf badan Eeba agtiisa waa kan idiinku dhawrsasho badan, Eebana wax walba waa ogyahay‘’ (Surat al-Hujurat, 49: 13).

 

Tan kale ma aha in aad qabiil kaga kaliya jeceylaati wax kasta oo fiicana la jaceylaati ee waa in aad Muslimiinta dhan (umah) jeceylaati, si cadaalad ahna ula wada dhaqanti. Wixii aad naftaada la jeceyshahayna aad la jeceylaati qofka kale ee Muslimka ah. Alle (swt) waxuu Qur'aan kiisa ku leeyahay '' The believers are but brothers, so make settlement between your brothers. And fear Allah that you may receive mercy''(Surah Hujurat 49: 9-10).

 

 

Tan Melez hadaan u soo noqdo, anigu runtii ninkaas madaxa dhooyeeysan ee Melez waxaan u arkaa in Soomaalidu ka bad badisey oo wax uusan ahaayn ka dhigeen. Qof aan waxba ahaayn hadii 24 hours laga hadlo oo wax laga dhigo waxuu noqonayaa waxuusan ahaayn. Melez power uu leeyahay Soomaali uma qasayo ee waa mid Soomaalidu siisay taas ogoow. Waa Bilaahi taawfiiq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i agree with ismahan Somalidu diinta wa difaacaan markay gaalo arkaan laakin Diinta kuma dhaqmaan u will hear qof hadu diinta wax ka sheego somalidu wa cadhoota and they feeel like inay u hiliyaandiinta markay ka diinta cayey cayaan,, laakin diinta sideeda ugu ma dhaqmaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

ismahan kolay dadnimo kuguma yaree yaa shaaha kula cabba,,,,,, waa oday iyo kaftankiis.

 

Tan kale ma aha in aad qabiil kaga kaliya jeceylaati wax kasta oo fiicana la jaceylaati ee waa in aad Muslimiinta dhan (umah) jeceylaati, si cadaalad ahna ula wada dhaqanti. Wixii aad naftaada la jeceyshahayna aad la jeceylaati qofka kale ee Muslimka ah. Alle (swt) waxuu Qur'aan kiisa ku leeyahay '' The believers are but brothers, so make settlement between your brothers. And fear Allah that you may receive mercy''(Surah Hujurat 49: 9-10).

markaan sidaada diinta u barano oo micnaheedu na galo yaan muslinkoo dhan jeclaan doonaa insha allah hadda kama wad gaarno.

 

Waxaa dhab ah in soomaalidu qabiil iyo qaran kala saari la'yihiin,kii wax bartay iyo kan sidayda geeljirahaa.....sheekadii gaabnayd Q2aad

Faa iidada qabiilka waa li tacarafu waa sidaa u sheegtay dhibaatadiisana mayara matalan ,hadii reer wiil laga dilo magaaladu waa shidantaa, odayaashu shaah baa loo shubaa arin baa taalaa layiraahdaa , magaaladii xarako ayay yeelataa, dibada lacago badan baa laga soo diraa,waliba haduu mutacalin noqda iska daa warkiisa. ilaa mid u dhigma la helo hawsha qabiilku iyo shirarku kala go'malahan,,,, intaasu waa quruxda qabiilka.

 

Waxaa kuusoo haray magaalooyinka waa weyn ayaga qabiilku waa ku yaryahay sidan filayo waxa carabtu tiri man yakhsar qoom,qoom fawaa'iduhaa

Hadda ko hor baan waxaa transit ku maray boosaaso anoo arladii u socda masha allah waa magaalo weyn. oo dad kala nooc ah oo aan qola lahayn is dhex boodayaan,mid kabaha kaa siibta, sidii inuu ku dhacayo oo isla markii kuusoo celinaya ayagoo baalashan, mid shaaha duqsiga kaaga celiya,noocba nooc,lagama sheekayn karo muuqaalka dadkaas iyo sida qof walbaa mashquul u yahay.

 

Muqaalkaas ayaan damcay inaan weydiiyo odayaal meel agtayda ah shaah ku cabayay soomaaliduna waa isku sheeko darsataa dhaqankooda siiba marka miiska shaaha la fadhiyo laakiin reer barigu xoogaa bay aamusaan intaysan kuu jawaabin aad moodid inay maqleen luuqad aan somali ahayn waa dhaqanka xeebta iyoxadaaradda laga yabaa. inyar ka dib ragiii mid ka mida yaa ii jawaabay wuxuun yiri boowe dadku aa iska yacaayaa lama yaqaan meelay u socdaan.

halkaas waxaa iiga cadaatay dad hadii la nabad galiyo inaad adna ka faa'iidayso ayaguna kaa faa'iidayaan waana sahal sida loo maamulo hadaan y;laga bilaabin kaliya nabad galyo un...... towfiiq insha allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
hamza   

Jacaylbaro;685893 wrote:
Adeer adna laf baad toobin ku haysaa ..................

aleelahay waxaa laf caad toobin ku haya nikii xiligan kuhaya aaryey soo dhacyeey

 

saxiib waxaad tahay marqaan socdu

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

hamza;685888 wrote:
qiyaana aya ka dhex aburantay soomaalida. qiyaanadi salkeeda wali lama hayo.

 

soomaali badankeda maba caafimaad qaban. sababto oo ah waa dad qaad(jaad/khat) iyo dorogadu isticmaala, maskax dooda ayna fadinin.

 

marka hadan hoos isku egno melaha khatka aad loga uno waxa ka mid ah somaliland, SSC ,puntland iyo villa somalia. taas waxa cadeyn uu ah in an laga cuuni kariin khaat melaha ayka taliyaan wadaadada.

 

hormarkeena wuxuu ku jiraa in an ika dafno shaydankan khaat la yiraado kaso dhibaato weyn ugestay bulshada soomaaliyeed.

Cantara baqash iyo hini hini:p

Khaadka afkaaga hala gelin dowlad la'aantu qaad ma keenine

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Jacaylbaro;685734 wrote:
Maba Lulatee Maxay Leeftaa ...........

:D Haddii la yiraah nin reer somland baa loo dooran madaxweyne somaliyed, waad ogolaan laheydeen:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

inyar ka dib ragiii mid ka mida yaa ii jawaabay wuxuun yiri boowe dadku aa iska yacaayaa lama yaqaan meelay u socdaan.

Gooni mahadsanid bro, runtii inta aad sheegtay oo dhan waa wax jira. Reer barigu qabiil maba aqoon dadka buuraha ka soo dagey baa u keenay wixii 1991 ka danbeeyey. Qabyaladu waa jahli, dadka reer bariga ah waa xadaari.

 

i agree with ismahan Somalidu diinta wa difaacaan markay gaalo arkaan laakin Diinta kuma dhaqmaan u will hear qof hadu diinta wax ka sheego somalidu wa cadhoota and they feeel like inay u hiliyaandiinta markay ka diinta cayey cayaan,, laakin diinta sideeda ugu ma dhaqmaan

Haaji mahadsanid , hadii diinta Islamka lagu dhaqmi lahaa dhibkaan dhanba ma dhaceen aduunka ka socda waliba wadamada Muslimiinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waa hagaag hadaan usoo noqono qaran jira see loo helaa waxay ila tahay in kow iyo kow la'isku daro markaasna laba helo,..... waa caqiida suuban iyo dhalin yaro caafimaad qabta, odayaashana talada laga xayuubiyo sida ugu dhakhsaha badan... meelna la isugu geeyo intooda socon karta dhaqan celin iyo inaan qabiil qaran dhisi karina la baro isku meelna ku tukadaan inta taba barku u socdo.

 

Waxaa la yiri dastuurku waa heshiis dad isku raacay inay isku xukumaan.

Su'aashu waxay tahay aaway dadka heshiiska dhigtay marka hore?.... xagee aftida looga qaaday?,,, yaa aftida ka qaaday?nabad galyo ma haystaan?

su'aalahaas yaa la weydiin karaa oo jawaab u haya ?!!!!

 

hoos u soo noqo maxay dhalinyaradu qaban kartaa hadaba?

Dhalin yaradu waa xoogga wax lagu burburiyo waana xoogga wax lagu dhiso,hadii maskaxdooda caafimaad galo waxaa dhisma qaran adag haddii cudur galana waxaa duma qaran adag.

 

Hadaba dhalin yaradii somaaliyeed waxay noqdeen sadex mid qurbaha ku dhashay oo inta badan xanjo iska cuna ama ku koray,mid hubaysan bad iyo barri iyo mid qaad u fadhiya oo siduu wadanka uga bixi lahaa ku marqaansan.

Hadii aysan qaadka tufin, oo ayan ubadkooda guri nabada u dhisin, jiritaan qaran iyo dastuur dhaxal gala sida lagu helaa waa adagtahay,,,,,, waa hadayba ogyihiin in qaran dumay sugayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally Posted by oba hiloowlow

tiir dhexaadkaas waa somaliweyn oo midowdo....

Wali halkii ma taagantahay

saxib ruun ayaad ku shegtay.

Adna ma ku raacday

 

Ma badali kari kari wayday tiirkii 60 sano ka hor ay SYL qaranimada Somalida ay ku hindiseen oo waaqaci ma noqon kari weyday.

Walee labaatan sonoo kale waad sugi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adeer weli halkii baan taaganahay, We are one of the few countries with a homogeneous population. Walahi waxaan aaminsanahay hadii daacad laysku noqdo, lays cafiyo in laysku so dhawaan waayo wadamo badan aa jiro oo dadka degan diiman,luuqado iyo dhaqamo kala duwan haaysta and still qaranimadu wey ku adagyihiin..

 

Somaaalida markey ogaato macnaha qaranimada iyo midnimada maalintaas ayaa horumar la gaari doonaa inshallah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this