Sign in to follow this  
Somalina

Madaxweyne Faroole oo looga digay inuu Muddada Kordhisto

Recommended Posts

Somalina   

Wasiirkii hore ee Amniga ee Puntland ayaa uga digay maamulka Puntland ee hadda inuu muddo ku darsado, wuxuuna sheegay inay khalkhal horseedi doonto.

 

 

Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole inuu si sharci darro ah hal sano ku kordhistay muddada maamulkiisa.

 

Jeneraal Cabdullaahi Siciid Samatar, wasiirkii hore ee Amniga ee Puntland ayaa wareysi uu siiyay VOA-da u sheegay in fadhi qarsoodi ah oo uu yeeshay golaha wakiillada Puntland bishii December ay wakhtiga ku kordhisteen iyaga madaxweynaha hal sano oo dheeraad ah.

 

Jeneraalka ayaa sheegay inaan la oggolaan doonin in madaxweyne Faroole uu muddo kororsi ku dhaqaaqo, wuxuu sheegay in taasi ay horseedi doonto khal khal iyo isku dhac.

Xiriir ay VOA-du la sameysay xubno ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan eedeeynta loo soo jeediyay.

 

Sanadkii 2001-dii Puntland waxaa ka dhacay dagaal dhex maray beelaha uu ka wada dhaxeeyo maamulka, ka dib markii Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland ay xubnaha golaha wakiiladu ay si iyagoo kala qeybsan ay muddada u kordhiyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

somalina meeshan nal baad ka tahay ha u joojin

u yara ilka cadee kii kaa xanaajiya rag gogoshiisu waa nabad baa la yiri

cheers

Share this post


Link to post
Share on other sites

The General is just making a warning about term extension which cost A/Y dearly. I don't think Faroole needs any extension like Riyaale because he has a good chance of winning a second term. PL already had two presidents who held elections on time and lost and accepted the results.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

puntland dimuquraayad sadex geesooda oo hana qaaday ayaa ka jirta mudanna inay somalida kalana ku daydaan

arigtaydana ma qabo faroole inuu kursiga isku dhajinayo, waayo? waa doorkii curadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Peace Action;685264 wrote:
PL already had two presidents who held elections on time and lost and accepted the results.

Jama Ali Jama and...?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

gooni;685130 wrote:
somalina
meeshan nal baad ka tahay ha u joojin

u yara ilka cadee kii kaa xanaajiya rag gogoshiisu waa nabad baa la yiri

cheers

Soo dhowoow. Waad ku mahadsantahay advice-kaada...

 

Computerka gadaashiisa ayaa ku ilka cadeeyaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this