Sign in to follow this  
Somalina

Somalia is starving

Recommended Posts

Somalina   

Be thankful to Allah everyday for blessing you with food and shelter.

 

Abaar badan ayaa ka dhacdey Somalia this year oo ay dad badani ku dhinteen, tiradana ma haayo iminka.

Al muhiim, dadkeena wax ay cunaan ma haystaan annagana halkan ayaan isugu faan faaneynaa sidii in dad wax isku haya. Walaalayaal indhaha fura (kuwaan furin weli) oo dadkiina wax u qabta. Ilaah baa kuu laba jibaaraayo ajarkaas oo aad ku caawisey qof miskiin ah oo gaajeysan.

 

Dadkan baahan waxay ka soo jeedaan qabiil walba oo Soomaliyeed. Marnaba ha is dhihin "it is not my people"...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina dear this is a big problem..of course everyone should be doing what they can to alleviate the immediate problem but what we should also be thinking about strategies for the long term welfare of our people and then dedicate our efforts to resolving these challenges..other wise we would be dealing with recurrent problems and suffering.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

hadal haan ma buuxshee inteenan meesha soo tuban maxaan ka yeelnaa?

 

there should be an sol-pot to help others no?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nugul   

Yes, sad. But the reallity is that Somalis are starving themselves. With that blessed country, there is no need to starve in there. I went to Somalia in 2009, and really you would be amazed by what we have. You have to work hard to produce a result.

 

Horta mahey ka sameyaan lacagta piracy-ga. Just of curiousity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dad dhibaateysan oo gaajeysan ayaan ka hadleynaa. Aamiin Isma.

 

Naxariista is part of our deen and helping the needy is part of our deen. Marka, I guess you get the picture.

 

Waxa uu wadanka u gubanaayo waxaa waaye half of the pop is starving qaxootis. Intaad ku caawin kartin oo tabartaada ah ku caawi, haddii kale ka jeeso and don't bother. Very simple really.

 

p.s. Juxa, great idea laakiin feasible ma ahan (not trying to be negative) haddaan run isku sheegno. Waxaa fiican in la supportgareyo the charities already there. 5 quid or 10 dollar goes a long way.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dhadhaab: Xaaladda Qaxootiga Soomaalida

 

Dadka Qaxootiga ah ee sugan xeryaha qaxootiga ee ku yaalla Dhadhaab ayaa ka cabanaya xaaladoodda nololeed. xeryahaasi ayaa waxaa bil walba soo gaadhaya qaxooti ka badan 800 oo qof.

Qaxootiyadan cusub ayaa ayaa culays dheeraad ah waxay ku noqonayaan qaxootigii horeba u joogay xeryahaasi ee noloshoodu ay aadka u liidatay. Abaaraha ka jiro meelo badan oo geeska Africa ah ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay xeryaha qaxootiga ee dadka Soomaalidu ku jiraan.

Weriyaha VOA ee Waqooyi Bari Kenya Max'ed Faarax Shire ayaa sheegaya in qaxootigaasi ay haysato xaalad hoy la'aan ah iyo waliba caafimaad darro. UNHCR ayaa wada qorshe ay ku dhisayso xero kale oo loogu talagalay inay degaan ilaa 80 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah.

 

http://www.voanews.com/somali/news/Xaaladda-Qaxootiga-ku-sugan-Xerada-Dhadhaab-112553594.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismalura   

Juxa;684142 wrote:
hadal haan ma buuxshee inteenan meesha soo tuban maxaan ka yeelnaa?

 

there should be an sol-pot to help others no?

Juxa dhawr jeer baan is idhi there is a lot potential here ee there should be something on SOL. I was thinking more like a youth effort kind of thing but than every one here is an anonymous so nothing much can be done. May be we should establish a political party with our user names :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shariif: “ Shabaab way cunqabateeyeen dadka ay heystaan abaaraha”

 

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, isagoo Al Shabaab ku eedeeyay inay cunaqabateynayaan dadka ay saameeyeen abaaraha.

 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay maanta Magaalada Muqdisho Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu uga hadlay abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in dadka Soomaalida qaarkood ay isaga carareen dalka abaarahaasi tarteed halka kuwa kalana uu timaamay in ay ku dhibaateysanyihiin dagaalada Magaalada Muqdisho.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Xarakada Al Shabaab in ay ciqaabayaan dadka rayidka ah maadaama ay dalka Soomaaliya ka mamnuuceen hay’adihii caawin jiray dadka ay saameeyaan xiliyadaani oo kale abaaraha iyo colaadaha ka jira dalka Soomaaliya.

 

“Sida aad wada ogsiintihiinba sanadkaan waxaa soo daahay roobkii la wada sugayay, waxaana dalka ka dilaacay abaaro xoogan oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada, xoolihii iyo dadkii waxaa ay bilaabeen inay dhintaan markii ay isugu darsameen colaad iyo abaar” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

“Waxaad la socotaa meelo badan oo kooxaha argagixisada ay joogaan in aan loo ogoleyn inay hay’adaha gargaarku gaaraan, dadkiina maheystaan wixii ay ku noolaan lahaayeen, taas waxaa ay sababeysaa in dad badan ay qaxooti sii ahaadaan kuwa kalana ay halkooda macluul ugu dhintaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Shariif.

 

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka kale ee hantiilayaasha ah inay gargaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen si la mid ah sidii dadka Soomaalidu ay u caawiyeen dadkii ay baaruhu halakeeyeen inta u dhaxeysay sanadihii 2005 ilaa 2006 xiligaasi oo shacabka Soomaalida ay Barnaamij deeq aruurin ah u sameysay Shabakadda Warbaahinta Shabelle kaasi oo la magacbaxay (Soo tabinta Abaaraha Soomaaliya)

 

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha Caalamka iyo hay’adaha samafalka inay caawiyaan qoysaska dhibanayaasha ah ee ku nool deegaanada ay tagi karaan ee aysan maamulin Xarakada Al Shabaab.

 

“Ganacsatada xoolaha loo dhiibay waa ku amaano, marka waxaa laga doonayaa in walaalahooda ay ku badbaadiyaan sadaqadana ay bixiyaan, aduunkana sidoo kale waxaa laga doonayaa inay ka qeyb qaataan badbaadada dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan” ayuu yiri Madxaweynaha dowladda KMG.

 

Ugu dambeyntii ayaa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya waxa uu ku baaqay in la sameeyo gudi gaar ah oo qiimeeya abaaraha ka jira dalka Soomaaliya isagoo arintaasi go’aan ka gaarideedana sheegay in looga fadhiyo xukuumada KMG Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

QM oo sheegtay in ay wax ka qabaneyso Abaaraha Somaliya

 

Nairobi: (Sh. M. Network) Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay qaadayso talaabooyin deg deg ah oo ay ugu gar gaareyso dadka Soomaalida ah ee saameeyay Abaaraha bahsan ee ka jira Koofurta iyo Bartamaha dalka.

 

Hey’adda cunada aduunka Qaramada Midoobay ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WFP ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaarinayso talaabooyin gar gaar deg deg ah oo ay u fidinayso inta u dhaxeysa boqol iyo lixdan kun ilaa hal milyan oo qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo si xun ay u saamaayeen Abaaraha baahsan ee ka taagan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka colaaduhu ay la dageen ee Soomaaliya.

 

WFP ayaa tilmaamtay inay u baahantahay aduun lacageed oo gaaraya ilaa 17-Milyuun iyo 7-boqol oo kun doolar, si ay u dar dar galiso howlaha gar gaarka ee loo fidinayo dadka Abaaruhu ugu geeriyoonaya qeybo ka mid ah Koofuta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku duba ridka howlaha bini’aadanimada ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah ay bilaabeen in ay ka cararaan deegaanadooda sababo la xiriira Abaarta xoogan ee ku dhifatay halka ay ku nool yihiin.

 

Xafiiska ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Somaliland iyo Puntland ay iyana ka mid yihiin goobaha ay saameeyeen Abaaraha, isagoo intaasi sii raaciyay in gobolada Bay, Bakool iyo Gedo ay ka mid yihiin meelaha ugu badan ee iminka ay dhibaatadu abaaraha ku haystaan Soomaalida.

 

Mudooyinkii dambe ayaa dadka ku dhaqan gobolada Dalka Soomaaliya waxaa ay ka cabanayeen dhibaatooyin adag oo la xiriira Abaaraha, iyadoo dhamaan waxgaradka Soomaaliyeed ay tilmaameen in loo baahanyahay in loo gurmado dadka ay Abaaruhu ku dhifteen.

 

Hase ahaatee su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxaa ay tahay in hadii Hay’adaha Samafalka ay diyaar u noqdaan, caabinta dadka iyagu la darisay Abaaraha iyo cudurada kala duwan sida ay wax u gaarsiinlahaayeen, maadaaama hore Al Shabaab ay u mamnuuceen in Hay’adaha gar gaarka ay ka howlgalaan goobaha ay ka taliyaan, iyagoo ku eedeeyay Hay’adahaasi in ay xiriir la leeyihiin Kaniisada Caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Verily never will God change the condition of a people until they change it themselves (13:11)

 

or, you can quote the Hadith اعقلها وتوكل

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Qof Gaajo ugu dhintay Hargeysa iyo dad kale oo u jiifa cuduro ka dhashay nafaqo-darro (SAWIRRO)

dhibanayaal.jpg

 

sniin, 03 January, 2011:(HOL)- Hal qof ayaa magaalada Hargeysa ugu geeriyooday Macaluul (gaajo) iyo Nafaqo-darro ba'an oo haleeshay, halka Lix ruux oo kalena Cusbitaalka u yaallaan xanuunno ka dhashay darxumo iyo gaajo la soo deristay qaar ka mid ah dadka dalka gudihiisa ku darayaysan oo ku dhaqan agagaarka Xaafadaha Calaamadaha iyo Daammuarka ee koonfurta magaalada Hargeysa.

 

Suleekha Mustafe oo da’duudu ahayd 14 jir ayaa Gaajo ugu dhimatay Xaafadda Calaamadaha ee Caasimadda Hargeysa, halka qoyska ay ka tirsanayd oo ka koobnaa 10 ruux lix ka mid ahi ay Cusbitaalka Manhal u yaallaan xaalad xanuun oo ay gaajadu ku reebtay. Sidaa waxa xaqiijisay Marwo Saynab Xaaji Maxamed oo ah Guddoomiyaha Ururka Waddaniga ah ee Gaashaan oo u dhadhaqaaqa ama ka shaqeeya arrimaha Haweenka iyo Xuquuqda Aadaha, oo iyadu ka mid ahayd dadkii u gurmaday qoyska dhibaatada Gaajadu la soo deristay.

 

“Waxaan aad ugu mahad-celinayaa hawl-wadeennada dadweynaha Xaafadda iyo Maamulka Cusbitaalka Manhal oo gar-gaar deg-deg ah u sameeyey qoyska dhibaatadu la soo deristay oo ay ka soo qaadeen Buul bannaanka aan waxba dhaamin oo ay ku hoos bakhtiyayeen oo degganaayeen, isla markaana hawlgal caafimaad oo deg-deg ah u sameeyey lix qof oo ka mid ah Qoyskaas oo ka koobnaa 10 qof.” Sidaa ayey tidhi Guddoomiyaha Ururka Gaashaan Saynab Xaaji Maxamed. Waxaanay Guddoomiye Saynab oo hadalkeeda sii wataa intaa ku dartay oo ay tidhi; “Qoyskaa waxa ka baxday Gabadh yar oo 14 jir ah oo magaceeda la odhan jiray Suleekha Cabdi, waxa si degdega loo badbaadiyey oo hadda Cusbitaalka Manhal lagu dawaynayaa oo lix ruux oo laba ka mid ahi yihiin Hooyada iyo Aabbaha qosyka iyo afar carruur ah. Saddex ka mid ah carruurta waxa isla markii la ogaaday gargaar u sameeyey dadweynaha Xaafadda oo imaka gacanta ku haya, isla markaana xaaladdoodu fiican tahay oo ka sahlanaa sida qoyska intiisa kale ay ka dhigtay Nafaqa-darro ka dhalatay Macaluusha iyo Qabawga jira oo ay Buur u saarnaayeen, hoyna kaga jirin.”

dhibanayaal%20(1).jpg

Guddoomiye Saynab, waxay sheegtay in Agaasimaha Cusbitaalka Manhal Dr. Shiine iyo Dhakhaatiirta la hawlgalaa si weyn ugu dedaaleen dawaynta dadkaas, isla markaana ay sheegeen in dhibaatada qoyskani u daateen tahay saamayn ay ku yeesheen Gaajo iyo qabawga dhaxanta oo isu raacay, isla markaana ay ku rejo weyn yihiin inay caafimaadaan. “Hooyada qoyska oo la yidhaahdo Rooda Cumar oo iyadu u muuqata inay ladnaatay markii la daweeyey ka dib, ayaa afar carruur ah oo ay dhashay iyo Aabbohood oo la yidhaahdo Mustafe ku haysa Cusbitaalka Manhal.” Ayey tidhi Saynab Xaaji Maxamed.

 

Guddoomiyaha Ururka Gaashaan Saynab X. Maxamed, waxay ugu baaqday Hay’adaha Samafalka, dadweynaha Hargeysa iyo Dawladda Somaliland inay si degdega ugu gurmadaan qoyskaas iyo qoysas badan oo isugu jira kuwo Xoolo-dhaqato ahaa oo ay ka madheen oo sannadihii ugu dambeeyey magaalada ku soo qaxay iyo dad ka soo barakacay dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin dhaqaale-darro haystaan sida ay Saynab sheegtay. Waxaanay Saynab oo arrintaa ka hadlaysaa tidho; “Waxaan hay’adaha caalamiga ah, kuwa Samafalka, dawladda Somaliland iyo dadweynaha reer Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ku dhaqan ugu baaqayaa inay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan qoyskan qaarkood gaajada u dhinteen, qaarna u sakaraadayaan ee ay Dhakhtarka u yaallaan. Dadka dhibaataysani qoyskan oo kaliya kuma koobna ee boqollaan qoys oo qaarkood abaartu xoolohoodii ka dhammaysay oo magaalada ku soo qaxay iyo kuwo ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya ayaa dhibaato tan la mid ah qaba, kuwaasoo haddii aan si dhakhso ah wax loogu qaban maalmaha soo socda aynu maqli doonno iyaga oo la leeyahay Gaajo iyo Dhaxan ayey u dhinteen. Sidaa awgeed, waxaan mar kale ku baaqayaa in dadkaas waa la innagu eegayaaye si deg-dega loogu gurmado, gargaar deg-deg ahna loo sameeyo intaanay gaajo u wada bakhtiyin.”.

dhibanayaal%20(2).jpg

Si kastaba ha ahaatee, Macaluusha ayaa waxa ka dhasha nafaqa-dorro ban oo qofku gaadho heer aanu iska difaaci karin ama u adkaysan karin Gaajada, Qabawga, Kulaylka iyo waxyaabo badan oo la mid ah. Iyada oo Caasimadda Hargeysa ay ku nool yihiin dad badan oo ay ku xeeran yihiin xaaladaha is-barkan ee Macaluusha, Nafaqa-darrada, Hoy la’aanta, biyo la’aanta iyo kuwo la mid ah oo ay geyisiisay darxumada dhaqaale-darro ee ay la deriska yihiin.

 

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xildhibaano qeylo dhaan ka muujiyay abaaraha ka jira dalka Somaliya.

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa qeylo dhaan ka muujiyay Abaaraha ka taagan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay in la gar gaaro dadka ay saameeyeen Abaarahaasi.

 

Kadib marii Abaar dadka iyo duunyada saamaysay ay ku dhifatay gobolada ka mid ah Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa isa soo tarayay qeylo dhaanta kasoo baxaysa xubnaha dowladda KMG iyo dhinacyada kasoo horjeeda.

 

Qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya oo lasoo xiriiray Idaacadda Shabelle ayaa walaac ka muujiyay Abaarta ka taagan gobolo ka mid ah Soomaaliya, iyagoo Hay’adaha Samafalka iyo dadka uu Alla wax siiyay ugu baaqay in dadka ay Abaartu saamay gurmed deg deg ah ay lagaaraan.

 

Xildhibaan Cali Aadan Cabdulle oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka KMG ayaa sheegay in Abaarta meelaha ugu badan ee ka jirto ay tahay gobolo ka mid ah Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, isagoo ku baaqay in loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed gacan ay ka gaystaan sidii loo gar gaari lahaa dadka walaalahooda ah oo Abaartu ay ku dhifatay.

 

Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Diiriye (Indha-Buur) oo isna ka mid ah Xubnaha barlamanka ayaa waxaa uu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay fasaxaan Hay’adaha gar gaarka si loogu gurmado dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

 

Madaxweynaahda dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu ku baaqay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka in sida ugu dhaqsiyada badan ay u gar garaan dadka Abaartu ay ku dhifatay.

 

Sidoo kale Hogaamiyaha Al Shabaab Sheekh Muqtaar Abuu Subayr oo isna la hadlay Warbaahinta kadib markii uu soo saaray cod maqal ah ayaa waxaa uu ku baaqay in la gar gaaro dadku ay Abaartu saamaysay, hase’ahaatee waxaa sii kordhaya qeylo dhaanta iyo walaaca ay muujinaaan dadka Danyarta ah ee qaarkood ugu geeriyoonay Abaarha dartood, kuwaaasi oo xiligaan u baahan kaliya in loo gurmado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this