Sign in to follow this  
Taleexi

Ha I Go'doomin Gabadh yahay!!

Recommended Posts

Taleexi   

Dhambaal xiiso badan weeye ee ha moogaan.....

 

Waxay ugu daran tahay marka aad guursato qof aadan jeclayn. Waxayse ka sii xun tahay marka ay ooridaada noqoto qof aan ku jeclayni. Waxay ugu wanaagsan tahay marka ay afadaada noqoto qof aad is jeceshihiin. Waxase ugu fiican marka aadan guurba isku deyin. Waayo guurka sabankani ma buuq yara, rabshadna ka naftaadu kugu hayso ayaaba kun jeer kaa badan. Yaase arrintan dareensan? in yar. Oo tolow dadkaa yar ma ka mid baan ahay? Maya. Oo haddaa hawlahan yaa ila socodsiiyay? Gadaal baad ka ogaan.

 

Ha I Go'doomin Gabadh yahay!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   
Taleexi , I've read this article before. The author is an excellent writer. He has the ability to write in verbs that are uncommonly used in the Somali language. Soomaali anoon saas u baran ilaahayow ha i dilin.:)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   
Ismahaneey: Siduu sheeko xariirta u sameeyey baaba iga yaabisay. Waxaaba iga sii amankaagiyey sida meelo badan markuu taataabtay aan mooday inuu iga dhex hadlayo. Ugu danbayn, sacabadaadaa biyo lagaga dhergaa bay Soomaaliyi hore u tidhi saas darteed af hooyo waa lama huraan, isaga uun baadna ku ciil bixi kartaa, oo cadkaaga ku goosan kartaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

TLX i agreee with you wax ka fiican ma leh luuqada hooyo.

Laakiin A deeq soomaaligiisu waa shidan yahay 10 sano ka bacdina malaa saas uma qori doono soomaali.

Waxaan ku qoslay labadaan sadar; ''Bilo haddaannu wada joognay, waxaan ogaadey sida ay qurux badan tahay inay u qaxar badan tahay. Sida ay u timo dheer tahay inay u carab dheer tahay; sida ay u caddahay inay u cabasho badan tahay''.

''Waxaan arjigan u qoranayaa qaramada midoobay.” Aniga oo ah nin go’doonsan oo ay gabadhi ehel iyo asxaab tirtay. Waxaan jimciyadda qoysaska ka dhaxaysa, laanteeda xuquuqda ragga la naanaabiyay ka codsanayaa inay gurmad deg dega oo milatari ila soo gaadhaan. Waxa kale oo aan idinka dalbanayaa inaad ii soo celisaan xoriyadaydii aan hadiyadda u bixiyay'' :):D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Ismahan: Axmed waa imtixaan laysu soo diray anna intan hoos ku xardhan baan la dhacay, in kasta oo markaan dhambaalka dheehday aanu wax la tuuroba lahayn... Alla dumarow maad ragga waalida cas ka deysaan.

 

Way ka soo gudubtay oo waxay u timid reerkayagii, anna waxaan bilaabay inaan maalinba qof kaadhka cas siiyo. Markay hooyaday soo gaadhey ayay tidhi: casaan sii, anna waxaan idhi qalad wayn may galine jaalle ayaan siinayaa. Waxay tidhi: jaalle hore ayay qabtay!. Yaa siiyay baan idhi? Anigaa siiyay bay tidhi. Haa haddaa waa la siinayaa ayaan idhi aniga oo hooyaday ka naxsan naagtaydana ka xishoonaya, istaaqfurula ka baqaya.

 

 

Markay cid walba iga jartay waxay bilawday inay ilaalo xooga I saarto. Waxay faro galin toosa ku samaysay waqtigayga. Habeenkii haddii aan sagaalka ka danbeeyo cadho ayuun bay is abudhaysaa, waxaanay af labadii ku leedahay: Oradoo tii aad ku maqnayd doono. Haddii aan ka soo horeeyana carruurta ayuun bay bogga sidaa ugu haysaa. Oo haddii ay caruurteeda haysato adigu maxaad ka rabtaa? Miyaanan bogga u baahnayn anaguba? Oo adigu ma carruur baad tahay? Haddaanan ahayn maxay sida carruurta noogula dhaqmaysaa? Adiga ayaa carruur iska dhigaya. Sideen iskaga dhigayaa? Waxaad iskaga dhigaysaa haddii aan lagu odhan soo hoyo, ma taqaanid sida loo soo hoydo. Haddii aad soo hoyatana ma taqaanid sida looga qayb qaato hawlaha guriga ka socda. Wallaahi anigu noloshan kuma jirayo waayo waxa la iga jaray asxaabtii iyo ehelkii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this