Sign in to follow this  
Cawaale

Sheeko Gaaban: Qolka 085.

Recommended Posts

Cawaale   

4271280397_dc68e74a2b.jpg



Goobtu waa Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, waxaa hal qol ku wada jiro labo Askar ah oo ka tirsan naafada ciidamadii xooga Dalka. Qolku lambarkiisu waa 085.

Warsame waa mid ka mid ah labadan nin waana askariga ay ishaado ku dhaceyso isla markii aad soo dhaafto iridka qolka. Farmaajo oo isna ah askariga labaad ayaa wuxuu xigaa dhanka daaqadda ama driishadda kaliya ee uu qolku leeyahay.

Dhaawac dhabarka ka soo gaaray awgii Warsame waa nin aaan fadhiyi Karin in ka badan qaddar daqiiqado ah, wuxuuna inta badan waqtigiisa ku qaattaa jiiifka, isagoo u jiifa gidi-cad ama qaabka loo yaqaano duud-duud. Farmaajo aya isagu nasiib wanaag dhaawaciisu ka duwan yahay kan Warsame,waxuu dhaqtarku u fasaxay in uu muddo saacad ah maalin walba uu fariisan karo.

Maadaama ay labadooda oo kaliya yihiin, cidina aan ku wehelin qolka In badan ayay ka wadli hadli jireen noloshooda, halgankii ay soo mareen, reerahooda iyo xaaladdooda caafimaad.

Farmaajo oo ka faa’iideysanaya fursaddiisa ayaa maalin walba 4-ta galabnimo salaadda casar kadib soo fadhiisan jiray oo daaqadda dhankeeda milicsan jiray, waa xilliga ay Warsame iyo Farmaajo sheekadooda ugu xiisaha badan tahay. Farmaajo wuxuu saaxibkiis uga sheekeeyaa oo uu u tilmaamaa barxadda Isbitaalka waxa ka socdo, dadka, jawiga iyo quruxda jardiinada ku hareersan isbitaalka. Warsame ayaa aad u dhowra xilligan oo si xiiso badan ku suga maalin kasta, maadama uusan awood u lahayn in uu fariisto, ama in uu daaqadda dhankeda eego sii uu indhahiisa ugu arko nolosha banaanka. Farmaajo oo ah nin aad tilmaamaha ugu fiican ayaa wuxuu u waramaya saaxibkiis, halka warsame si xiiso leh u dhageysanaayo sheekada.

Xilligu waa dayr samadu waa saafi, dadkuna waxay u muuqdaan kuwo mashquul ah, oo gooni gooni u faqaya. Jardiinadana waxaa hagaajiya nin oday ah oo qunyar socod ah, oo ay ka muuqato in uu shaqadiisa aad u jecel yahay farxadda wajigiisa ka muuqata awgeed. Waxaa jira caruur yar yar oo waalidiintooda soo booqda oo iyagana jardiinada ubaxa ka jara, sidaas awgeed nin hagaajiya berta iyo caruurtaba way is ceersadaan mararka qaar. Barkadda biyaha ee jardiinada dhanka kale kaga taalla waxaa ku dabaalanaaya boollo boollo. Nin gacan iyo lug la’ oo isna bukaanada isbitaalka ku jira ka mid ah ayaa shimbaraha quudiaya.

Warsame aad ayuu ugu dheg daloolaa sheekada saaxibkiis, si xiiso leh ayuuna u dhagystaa, mararka qaarna su’aalo ayuu weydiiyaa. Tusaale ahaan maanta wuxuu weydiinayay in la rinjiyeyay darbiga iyo in kale? Maadaama ay soo dhowdahay munaasabadda kowda Oktoobar.

Waxaa la gaaray bisha Oktober 21-keeda, Isbitaalka waxaa soo booqday Masu’uul Sare oo Dowladda ka socda, Hay’ado Warbaahined iyo kuwo shibil ah. Warsame iyo Farmaajo wali waxay ku xayiran yihiin qolkoodi, balse Farmaajo ayaa dariisha ku aaddan oo ka faallooyinka qabka munaasabadda u dhacayso, wuxuu saaxibkeey u tilmaamayaa waxyaabaha uu ka sheedda ka arkayo, wuxuu yiri inkastoo aanan codadka, muustikada iyo jaanta dadka aanan maqleynin, haddana waxaa ii muuqda muuqaal ay farxadi ku dheehantahay, dadkuna ayay u dabbaal dagayaan.

In badan ayay lamaanaha askarta ah wehel iyo walaalo isku ahaayeen, o ay isku guuto ahaayeen, inkastoo guutadooda ay ka koobneyd 2 nin oo kaliya, hadane habeen walba xilliga hurdada Salaan ayay kala qaadan jireen.!

Maalin ayaa waxaa soo toosay warsame, wuxuuna ku soo toosay codadka dhaqatarka iyo kalkaalisada, wuxuu maqlayay oo uu dareemayay in saaxibkii xijaabtay. Kalkaalisadii ayaa uga tacsiyeysay geerida ku timid saaxibkiis, iyadoo u raacisay in oo is adkeeyo oo samirka kaashado. Warsame aad uu uga murugooday geerid saaxibkiis ku timid.

Maalmo kadib, Warsame oo wali ku taagantahay xusuustii saaxibkiis ayaa wuxu kalkaalisadii waydiistay in ay u baddasho jiifka oo ay xijiso dhanka daaqadda, sii uu niyadda ugu dajisto muuqaaladii muddada dhereyd saaxibkiis uga sheekeyn jiray. Goor ay casir gaabkii tahay ayaa Warsame xusuus iyo murugo is celin kari waayay oo is yiri bal daaqadda ka warjire, xanuun awgiis isagoo liicanaya ayuu soo yara fariistay si uu daaqada u daawado, balse waxaa lama filaan ku noqotay oo uu rumeysan kari waayay in daaqadda darbi ku hareersan yahay, muuqaaladdii horena aynanba meesha ku oollin oo ay xayndab ku jiraan.

Warsame wuxuu u yeeray kalkaalisaduu, oo uu weydiiyay in ay daaqaddu tahay tii sariirtii saaxibkiis ku aadaneyd? kalkaalisadii ayaa u jawaabtay o ku tiri:- waa tan kaliya ee qolkiina ku taallo, waana tii uu saaxibkaa hawada ka qaadan jiray”. Balse warsame oo amakaag ka muuqda aya kalkaalisadii u sheegay waxyaabihii saaxibkiis uga sheekeeyay iyo tilmaamihii uu siin jiray.

Kalkaalisadii oo yaaban ayaa ku tiri Warsame “Marxuumku wuxuu ahaa nin indha la’. Waxna muu arkeyn, Xataa darbiga qolka ku hareesan”. Durbadiida Warsame waxaa indhahiisa isa soo taagay illin, wuxuuna garwaaqsaday in saaxibkiisa uu uga shekeynayay shekooyin mala awaal ah si uu niyadda ugu dhiso. Maadaama uusan isagu naf ahaantiisuu dhaqaaqi karayn, dibaddana aanu waligiis u bixin tan iyo maalintii uu soo galay isbitaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Waa qiso cajiib ah, laakin maxrushaadka sheekada ma fahantey, qoraha sheekada wax weyn ayuu taabanayaa taas oo u suura galisey inuu labadan bukaan uga dhigto hal-heys!

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

sheekadan waa sheeko jacayl ah sidan filayana, waa qiso dhab ah.

arimaha labada sadar u dhexeeyana dadkeenan caadiga ah ma fahmi karaan.

ilaa ilaahay noo sahlo ruug caddaa wax noo kala dhiga

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Sheekada cajiib waaye, laakin su'aasha waxay tahay sheekadan ujeedada ka dambeyso maxay tahay? kolley aniga siyaasad ay ila tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this