Sign in to follow this  
Jacaylbaro

A day to remember: 26th anniversary of the ugly genocide in burco

Recommended Posts

Hargeysa 20, December 2010 (Ogaal)- Maanta (Shalay) waxay ku beegan tahay sannad-guuradii 26aad ee ka soo wareegtay dhacdadii foosha xumayd ee dawladdii Siyaad Barre ku laysay hal-doorkii bulshada gobolka Togdheer.

 

Dhacdadaas oo xasuuq wadareed loogu gaystay inka badan afartan qof oo ahaa labeentii magaalada Burco iyo guud ahaan gobolka Togdheer, waxay dawladdii Milateriga ahayd ee Soomaaliya fulisay 20 bishii December ee sannadkii 1984.

 

Dadkaas oo isugu jiray odayaashii magaalada Burco, ganacsato iyo waxgarad kale, waxa laga qabqabtay guryahoodii, waxaana si badheedh ah loogu laayay fagaare daawashadiisa dadweynaha loo soo ururiyay oo ku yaala magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, iyadoo sababta loo xasuuqay ahayd inay taageerayeen ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ee SNM ee dagaalka kula jiray dawladdii Gen. Maxamed Siyaad Barre Madaxweynaha ka ahaa.

 

Dadka maalintaas la laayay oo tiradoodu 42 ahayd, waxa ka badbaaday Alle haw naxariistee marxuum Cabdi Cawad Cali (Indho-deero) oo ka mid ahaa ganacsatadii dilka lagu xukumay iyo sidoo kale qof kale.

 

Haddaba, Nuur Qaasim Qodax oo aabihii ka mid ahaa ganacsatadii maalintaas la dilay, ayaa ka waramay dhacdadaas foosha-xun iyo sida ay qoys ahaan u saamaysay.

 

Mr. Nuur oo Wargeyska Ogaal uga waramay dareenkooda qoys ahaan ee dhacdadaas sannad-guuradeeda 26 maanta ku beegan tahay, waxa uu walaac wayn ka muujiyay in aan wax xus ah loo samayn dadkaas xaq-darada lagu laayay iyo in aan xukuumaddihii kala dambeeyay ee Somaliland soo maray waxba ka qaban dayaca goob Xabaal-wadareed looga sameeyay 42-kaa qof ee la laayay. “20-kii bishii 12naad sannadkii 1984 oo maalin Jimce ah ahayd, waxa lagu dilay magaalada Burco 42 Mujaahid oo ahaa ganacsadeyaal, waayeel iyo mutacalimiin, kuwaasoo dhamaantood dawladdii Kali-taliska ahayd ee Siyaad Barre ku eedaysay inay taakulo siiyaan ururkii SNM. Dadka maalintaas Burco lagu laayay waxa ka badbaaday maalintaas oo Maxkamaddu la xukuntay Alle haw naxariistee Cabdi Cawad Cali (Indho-deero) iyo Koofiyad-dheere, labadaas mooyaane 42-kii kale oo midi gabadh ahaydna waxa lagu dilay Madaarka Burco, iyadoo weliba dadweynaha la soosaaray oo la yidhi kaalaya daawada sida loo laynayo dadkiinii.

 

Dadkaas waxa lagu laalay gaadhi Baroon ah, dadku wuxuu tubnaa laamiga Madaarka eegaya, markii dambena waxay Cagaf qoday meel Madaarka Burco u jirta ilaa 1500 oo mitir, ka dibna halkaas baa dadkaas god keliya lagu wada riday.

 

Maalintaas dadka la laayay 41 rag bay ahaayeen, qofna wuxuu ahaa gabadh reer Sheekh ahayd.

 

Ilaa maalintaa wixii ka dambeeyay, wax xus ah oo dadkaas loo sameeyay ma jirin, xataa lafihii lama soo kala saarin. Waxa kale oo dhacday, in saddexdii xukuumaddood ee dalkan soo maray inaan midina goobtaas 42-ka Mujaahid ee ganacsadayaasha leh lagu bireeyay wax ay ka qabatay jirin, dad shacab ahina iska degeen oo la moodo dhul caadi ah, waana dad markii magaalada la soo galay ee dhulkii la bililiqaystay uu dhulkaasi gacantooda galay.

 

Xukuumaddii u dambaysay ee Daahir Rayaale dhawr jeer baanu isku daynay in aanu nidhaahdo halkaas wax ka qabta, laakiin wayba ka sindhidhaysay in meeshaas la yidhaahdo Xabaalo-wadareed weeye.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxay imika muhiimadu tahay sidii ay Xukuumaddan cusubi lafaha dadkaas u kala guri lahayd ama ay u badbaadin lahayd ee ay dayr ugu xidhi lahayd ama qaab kalena wax uga qaban lahayd…..Anaga abaahayo Qaasim Qodax baa ku jiray, waxa nalagala wareegay hantidii, waana nala xidhxidhay, markii dambena Allaah mahadii naftayadii uun baanu kala baxnay, Burco, Berbera iyo Ceerigaabo wixii hanti noo taalayna maalintaas buu cadowgu gacanta ku dhigay, qof kastaana sidaas buu ahaa, inkastoo markii dambe markii aanu Siyaad Barre u dacwoonay naloo celiyay hantidii Ma-guurtada ahayd ee guryaha uun,” ayuu yidhi Nuur Qaasim Qodax ku yidhi xog-warankiisa.

 

Waxa uu sheegay in waxa keliya ee ay ku qanci karaan tahay in wax laga qabto dayaca uu xusay in goobtaa Xabaalo-wadareedka ahi ku sugan tahay, wuxuuna tilmaamay in haddii xukuumadda cusubi arrintaas wax ka qaban waydo ay la mid noqon doonto kuwii ka horeeyay oo uu ku sifeeyay kuwo xuquuqda dadka awdayay. “Dareenkayagu waxa weeye, wixii loo dagaalamayay waxay ahayd xorriyadan maanta la haysto, maadaama xukuumaddii hore ee dalka soo maray arrintaas awdayeena, dareenkayagu wuxuu yahay haddii maanta xus loo sameeyo ama lafahoodii la badbaadiyo oo wax laga qabto, taasna waxaanu u jeedinaynaa xukuumadda cusub. Markaa ama xukuumaddii hore ee awdayay xuquuqda umaddani leedahay iyo halganka ay u dhinteen oo kale ayay noqon ama mid ay soosaaraan, badbaadiyaan lafahooda oo ha isku aasnaadeenba’e, ay dayr u samayso oo yidhaahdaan waa ‘Xabaalo-wadareed’ iyo in dadkana laga kiciyo intaas oo keliya uun baa maanta anaga na soo celinaysa, sababtoo ah dad baa xabaalaha dushoodii dul degen,” ayuu raaciyay.

 

Magacyada hal-doorkii Burco ee wadarta loo toogtay waxa ka mid ahaa;

 

  1. Ciise Ibraahim Ismaaciil
Siciid Maxamed Ismaaciil (Madoobe) Cumar Sheekh Yuusuf Cabdi Jaamac Xasan(Sanweyne) Cawil Saalax Giir Cabdilaahi Saalax Giir (Cawil walaalkii) Ibraahim Maxamed Xandulle Axmed Yuusuf Mire Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Hoomaas) Cabdi Maxamed Cali (Dhegjar) Diiriye Cismaan Yuusuf (Laba-lugood) Ismaaciil Saalax Diiriye Maxamed Samater Axmed Saleebaan Hiirad Aadan CaliCabdi Xuseen Maxamed Maxamuud Cabdi Axmed Ismaaciil Maxamed CaliCumar Diiriye Muuse Xasan Ibaahim C/laahi Maxamed Faarax (Taakulleeye) Aadan Cali Ibraahim Cabdi Maxamed Yuusuf Cabdilaahi Xasan Nuur Cabdi Xasan Jaamac Jaamac Cabdilaahi Siciid Cabdi Cali Axmed Siciid Cismaan Geelle Aadan Nuur Ismaaciil (Coodhaaq) Abokor Cabdilaahi Rooble Yaasiin Axmed Warsame (Soonaani ) Axmed xasan Ismaaciil (Yunbud) Axmed Cabdi Xasan Nuur Doolax Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Siraad Cabdiraxmaan Maxamed Cali Yaasiin Cabdi Bisad Qaasim Qodax G/le. Maxamed cali Qorane.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Regardless. It is the same old nonsense about waanala xasuuqey ee hanala aqoonsado, and that sh!t aint working on no one--so come up with something else besides this incessant mewling.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anigu yaana dhalaninee, adigu hasayeeshe gormaad ka weenaaneysaa cuqdada iyo calaalcalka raqiiska ah oo aad har iyo habeen lasoo taagantahay? When will you outgrow, or rather, when will you get liberated from the mental and emotional victimhood that you subject yourselves to?- 'cuz it as sure as hell aint gonna happen even if you get the coveted recognition that you so desperately desire for your clan enclave.

 

So JB, I'm assuming you are in the later years of your life, so when will this cuqdad end, that has become the be all and end all of your pitiful existence?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

Taarikh about the victimhood of the habro! Sorry sxb, I gonna skip class that day!cool0003.gif

 

Besides, would it not be more useful to invest in psychiatrists to help heel this mental disease, which clearly it has become instead of teaching these nonsense in school?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mayaani   

Jacaylbaro, Taariikhda hadaa qoro ka tahay dadkaa layseena ku daro. Anagaa nala laayey melaha ha la taagnina.

 

Oba adiga 20 sano dad wax xasuuqayad cheerleader u tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Aftermath

Have you forgotten yet?...

For the world’s events have rumbled on since those gagged days,

Like traffic checked while at the crossing of city-ways:

And the haunted gap in your mind has filled with thoughts that flow

Like clouds in the lit heaven of life; and you’re a man reprieved to go,

Taking your peaceful share of Time, with joy to spare.

 

But the past is just the same-and War’s a bloody game...

Have you forgotten yet?...

Look down, and swear by the slain of the War that you’ll never forget.

 

Do you remember the dark months you held the sector at Mametz–

The nights you watched and wired and dug and piled sandbags on parapets?

Do you remember the rats; and the stench

Of corpses rotting in front of the front-line trench-

And dawn coming, dirty-white, and chill with a hopeless rain?

Do you ever stop and ask, ‘Is it all going to happen again?’

 

Do you remember that hour of din before the attack–

And the anger, the blind compassion that seized and shook you then

As you peered at the doomed and haggard faces of your men?

Do you remember the stretcher-cases lurching back

With dying eyes and lolling heads—those ashen-grey

Masks of the lads who once were keen and kind and gay?

 

Have you forgotten yet?...

Look up, and swear by the green of the spring that you’ll never forget.

 

Siegfried Sassoon

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Horta wixii dhintay Allaha u naxariisto Somali oo dhan, laakiin JB waxaan ka yaabay how come you guys do not remember people who were killed during SNM fight 1991-1994, they are much more than what Siyaad or dowladii kacaanka killed. Marka either remember all the victims ama forget and forgive all of them.

I do not think it is healthy to be obsessed what happened 20+ years, most Somalis lost loved ones, there is nothing you can do aan ka ahayn inaad u ducayso, time to move on.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this