Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Dowladda oo Muqdisho ku soo bandhigtay dhalinyaro Shabaab ah.

Axad, 19 December

 

Muqdisho (Sh. M. Network) Taliska Ciidamada nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya ayaa galabta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay in ka badan 5 dagaalyahan oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab kuwaasi oo si iskood ah isku soo dhiibay.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya ayaa galabta xarunta Ciidanka nabad sugida ee Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay ilaa 6 dagaalyahan oo ay ku sheegeen inay ka tirsanyihiin Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kuwaasi oo si iskood ah isugu soo dhiibay dowladda KMG Soomaaliya.

 

Qaar ka mid ah dhalinyarada la sheegay inay ka soo goosteen Xarakada Al Shabaab oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay iyagu go’aansadeen ku biiritaanka dowladda KMG kadib markii sida ay sheegeen ay caqabado kala kulmeen Xarakada AL Shabaab oo ay horay ugu tirsanaayeen.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada nabad sugida dowladda KMG oo iyana halkaasi saxaafada kula hadlay ayaa sheegay in dagaalyahanadaani ay kusii biireen dowladda kagaadaal markii sida ay tilmaameen saraakiisha ay baqdin ka muujiyeen weerarada boqolka maalin ah ee dowladda KMG ay ku wajaheyso Al Shabaab.

 

Sidoo kale saraakiisha ayaa ugu baaqay ciidamada kale ee Xarakada AL Shabaab in iyana ay ku soo biiraan dowladda KMG Soomaaliya si ay uga bad baadaan weerarada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahayaan dagaalyahanada ka soo horjeeda dowladda KMG,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiirka arimaha Gudaha oo xilkii kala wareegay C/qaadir Cali Cumar

1171-full-so.jpg

 

December 19, 2010

 

Muqdisho:( Sh. M. Network) Wasiirka Cusub ee Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta la wareegay xilka kala wareegay Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo aha Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Xukuumadii Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

 

C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo ah Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada KMG Soomaaliya oo maanta ka hadlayay munaasabada xilka uu kala wareegayay Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa waxaa uu sheegay inloo baahanyahay in wasaarada cusub ay la timaado isbadal dhinac amaanka ah si looga baxo marxalada uu ku jiro wadanka Soomaaliya.

 

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Xukuumada KMG Soomaaliya waxaa uu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin cadaalad, waxuuna si cadaaladaasi loo helo uu sheegay in loobaahanyahay in lagu soo celiyo wadanka amnigii iyo kala dambeyntii ka jirtay.

 

Sidoo kale wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha waxaa uu sheegay in wasaaradiisa ay laf dhabar u tahay shacabka islamarkaana uu saaranyahay culeys farabadan, waxuuna si taasi looga gudbo uu tilmamay in loo baahanyahay wadashaqeyn dhex marta shacabka iyo wasaarada.

 

Sheekh C/qaadir Cali Cumar Wasiirkii hore ee arimaha gudaha oo gaba gabadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shaqaalaha wasaarada arimaha gudaha ay ku soo shaqeeyeen daruufo iyo waqti adag islamarkaana ay u dhabar adeegeen mudada ay hayeen shaqada wasaaradda, isagoo balan qaaday in ay la shaqeyn doonaan wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha Xukuumada KMG Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukumadda oo sheegtay in ay bilowday qorshaha 100 maalin.

1155-full-so.jpg

Muqdisho :( Sh. M. Network) Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in uu u bilowday qorshihii ahaa cirib tirka Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ee boqolka Maalin.

 

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda KMG Soomaaliya C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumadda KMG ay bilaawday qorshihii ay balanqaaday oo ahaa in boqol maalin gudahooda ay wax badan kaga qabanayso amniga magaalada Muqdisho.

 

C/shakuur Sheekh Xasan Faarax Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in uu rajaynayo in boqolkaasi maalin kadib ay dib usoo laaban doonaan dadkii ka barakacay dagaalada ka socda degmooyinka gobolka Banaadir ee gaaray duleedyada magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda ay mar waliba ka go’antahay in ay shacabka Soomaaliyeed ka difaacdo cadow uu sheegay in ay ka yimaadeen dalka dibadiisa islamarkaana ku sugana gudaha dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin kala duwan dad rayidka ah sida uu hadalka u dhigay.

 

C/shakuur Sheekh Xasan Faarax waxaa uu dhinaca kale soo hadalqaaday beelihii dhawaan ku dagaalamay gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in meel fiican ay marayso waan waantii ay ka dhex wadeen beelahaasi islamarkaana ay isku afgarteen qodobo dhowr ah oo ku xirnaa hishiiskaasi.

 

C/shakuur Sheekh Xasan Faarax Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu ka mid ahaa xubno wafdi ahaa oo ay dowladda u dirtay si ay u kala dhex dhexaadiyaan Maleeshiyaad ku dagaalamayay gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiirka Qosheynta Soomaaliya oo sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Puntland iyo DKMG ah

 

Isniin, 20 December, 2010 (HOL) − Raysul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dowlada Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulamo uu Garowe kula qaatay madax ka tirsan Puntland.

 

"Waxaan la kulmay madaxwayne Faroole oo aan ka wada hadalnay arimo ku saabsan xiriirka labada dhinac " ayuu yiri C/wali Maxamed Cali oo u waramay warbaahinta Bosaaso.

 

Raysal-wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu hagaajinayo amniga dalka oo ay iska kaashanayaan Puntland iyo DKMG ah,waxaana uu xusay in xriirkooda uu yahay mid aad u wanaagsan.

 

Mar wax laga waydiiyay in uu jiro khilaaf dhinaca dastuurka ah oo labada dhinac u dhaxeeya ayuu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal lahayn,isla markaana kulankii ay Jabuuti kuwada qaateen madaxwayne Faroole iyo raysu-lwasaare Farmaajo lagu gaaray heshiis iskaashi.

 

"Ma jiro hadal aan ka sheegi karo khilaaf noo dhaxeeyay inaga iyo Puntland ,balse waxaan ogahay in uu jiro iskaashi na dhexmari doona" ayuu hadalkiisa ku daray isaga oo ku sugan Garowe.

 

Dhinaca kale C/wali Maxamed Cali ayaa soo dhaweeyay koobka gobollada ee ka furmay Puntland,isagoo dhowr ciyaar Garowe uga qayb galay,waxaana uu xusay in arimahan oo kale ay horseedi karaan nabad ka dhalata guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Boosaaso, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Raa’isal Wasaare Farmaajo “Dayuuradaha iyo Maraakiibta inaga maqan waanu soo ceshaneynaa”

 

December 19, 2010

 

Raa’isal Wasaaraha xukuumadda kmg ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in hantida ka maqan qaranka Soomaaliyeed ay kusoo celin doonaan sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan.

 

Raa’isal Wasaare Farmaajo ayaa tibaaxay in xukuumadda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay sidii ay gacanteeda dib ugu soo ceshan laheyd hantida ka maqan Qaranka Soomaaliyeed.

 

Wuxuu sheegay in dowladaha gacanta ku haaya hantida maguuraanka ah ay xaqa u leedahay dowladda Soomaaliya in’ay soo ceshan doonaan, isla-markaana ay ka hawl-gellin doonaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale Raa’isal Wasaaraha ayaa wuxuu sheegay in’ay dib u soo celin doonaan hanti kasta oo ka maqan qaranka Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in ummada Soomaaliyeed ay u baahan tahay hantideeda oo ay gacmaha ku hayaan qaar ka tirsan dowladaha caalamka.

 

Dhanka kale hadalkaan kasoo yeeray Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa si kal iyo laab leh u soo dhaweeyay qaar ka tirsan shacabka Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in Farmaajo uu qabanaayo hawlo qarameed, isla-markaana waxay sheegeen in’ay si-weyn ugu faraxsan yihiin.

 

Si kastaba ha-ahaatee dowladaha Jabuuti, Yaman, Uganda iyo Talyaaniga ayaa waxaa lagu tuhmaayaa in’ay gacanta ku hayaan inta badan hantida maguuraanka ah ee qaranka Soomaaliyeed.

 

 

Filsan C/Raxmaan

Hawl-wadaag, Muqdisho

Xidigta114@hotmail.com

Dhacdo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maalinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Muqdisho laga xusay.

 

1207-full-so.jpg

 

December 20, 2010

 

Muqdisho:( Sh. M. Network) Munaasabad loogu dabaaldagayo 67 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Iskool Buluusiya ee Magaalada Muqdisho iyadoo halkaasina uu hadalo ka jeediyay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya.

 

Munaasabdaani oo lagu maamuusayay sanad guuradii 67 aad ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas aasay sanadii 1943-dii ayaa maanta waxaa ay ka dhacday xarunta Iskool Buluusiya ee Magaalada Muqdisho.

 

Ugu horeyn waxaa halkaasi gaada ka cayaar kusoo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska dowladda KMG Soomaaliya, waxaana munaasabada ka soo qeyb galay masuuliyiin farabadan oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo uu ugu horeeya Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Amxed.

 

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Cali Max’ed Xasan Looyaan oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ka taariiqeeyay waxqabadkii ciidamada booliska ee sanadkaan isagoo sheegay in ciidanka booliska wax badan ay u qabsoomeen shaqo badana ay u dhimantahay.

 

Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna halkaasi qudbad dheer oo meelo badan taabaneysay ka jeediyay ayaa ugu horeyn waxaa uu ciidanka booliska ugu hambaliyeeyay sanad guuradii 67 aad ee ka soo wareegatay aas aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha oo arimaha ciidanka ka sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dhamaan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ay hormar gaareen sanadkaan, hase ahaatee loo baahanyahay in hormarkaasi la muujiyo oo awooda la gaarsiiyo gobolada dalka.

 

Munaasabadii maanta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin farabadan waxaana ka mid ahaa Wasiirka difaaca Xukuumada KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdi Shakuur Sheekh Xasan Faarax, Taliyihii hore ee ciidanka xooga dalka Yuusuf Cusmaan Dhuumaal, xildhibaano iyo madax kale oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo dhamaantoodba ciidanka dowladda u rajeeyay in ay sanadkaan sanadkiisa kale ku gaaran guul ayna wax ka qabtaan xaalada cakiran ee uu marayo dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Munaasabadda ciidanka booliiska

101220162344_shariif.jpg

 

Dhageyso - http://www.bbc.co.uk/somali/war/2010/12/101220_shariif_booliis.shtml" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Xaflad maanta lagu qabtay dugsiga sare ee booliska ayaa waxa ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed wasiiro iyo saraakiil ciidan.

 

Taliyaha booliska Dowladda KMG General Cali Xasan Looyaan oo ka warbxinayay taariiqdii booliska ayaa xusay in ciidan boolis ah ka badan 3kun oo askari oo ay ku jiraan in sanadkan ay tababaro ku soo qaateen dalalka deriska iyo dugsiyo tababar oo ku yaalla gudaha dalka.

 

Taliyaha booliska ayaa sheegay in boolisku ay ka howlgalaan gobolo ka baxsan caasimadda oo si toos ah iyo si dadbanba ay howshooda ku hirgaliyaan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya shariif Shiikh Axmed oo khudabad dheer u jeediyay ka soo qeybgalayaashii xafladda ayaa sheegay in ahmiyad weyn ay siinayaan dhismaha booliska waxana uu ku booriyay booliska in sare u qaadaan aqoonta iyo anshaxa ciidanka si ay ugu guuleystaan waajibaadkooda.

 

Madaxweyne Shariif ayaa ugu baaqay in ciidanka ay joojiyaan isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay qaadka.

 

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdishakuur Shiikh Xasan Faarax oo isaguna hadal kooban ka jeediyay munaasabada ayaa ammaanay kaalinta booliska isaga oo sheegay in boolisku yahay horseedaha nabadda hadii aan boolis jirinna ay ka dhigan tahay in aanu nidaam iyo kala danbeyn jirin.

 

Waxa uu ugu baaqay booliska in ay dardargaliyaan howlaha horyaalla oo ay aminga gudaha ee dalka si wanaagsan wax ugu qabtaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Waa dawlad cusub dee! slimmer this time. :cool:

-------------------

 

Dawladda Federaalka Oo Mamnuucday Dhoofinta Dhuxusha

dhuxul1.jpg

 

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sharci kasoo saartay dhoofinta dhuxusha ee loo dhoofiyo wadamada dibada iyadoo laga dhoofiyo degaano ku yaalla dalka.

 

Golaha Wasiirada Xukuumada Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho oo ay kaga hadleen arimaha dhoofka dhuxusha,iyadoo uu shir gudoominaayay Raysalwasaaraha.

 

Afhayeenka Xukuumada Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa kulanka kadib sheegay in Wasiirada ay isku raaceen in dambi ay tahay dhoofinta dhuxusha isla markaana ay cambaareynayaan cid weliba oo ka ganacsata.

 

Dhoofka dhuxusha ayaa caan ka ah degaano ku yaalla Soomaaliya,waxaana inta badan loo dhoofiya wadamada Carabta ee deriska la ah Soomaaliya dhanka Badda.

 

Wasiirki hore ee degaanka iyo Bii’ada ee Xukuumadii hore Burci Maxamed Xamza ayaa ku eedeyey Xarakada Al-Shabaab ee hadda dagaal kula jirta Dawladda Federaalka in ay ka ganacsato dhuxusha isla markaana dhaqaalo badan ka helaan.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ciidamada AMISOM oo la kordhinayo

101219030126_unsc226i_getty.jpg

 

Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa isku raacay in la kordhiyo tirada ciidammada AMISOM ee jooga Muqdisho oo la gaarsiiyo 12 kun oo askari.

 

Ciidammadaas oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi waxay hadda tiradoodu tahay siddeed kun.

 

Sidoo kale Golaha Ammaanku wuxuu goostay in la kordhiyo wakhtiga ay ka hawlgalayaan Soomaaliya, oo hadda noqonaya ilaa 30 September sannadka 2011 sida uu sheegay Dr. Cilmi Ducaale oo ah Madaxa Ergada Soomaalida ee magaalada New York.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Guddi la wareega gobolka Sh/hoose oo Muqdisho laga magacaabay.

 

December 23, 2010

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xildhibaano, ganacsato iyo Odayaal kasoo jeeda gobolka Sh/hoose ayaa maanta waxaa ay kulan looga hadlayay sidii ay ula wareegi lahayeen gobolka Sh/hoose waxaa ay magaalada Muqdisho kula qaatay Maamulkii dowladda KMG ee gobolkaasi

 

Kulankaani oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid Xildhibaano kasoo jeeda gobolka Sh/hoose, Maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda KMG Soomaaliya, Odayaal iyo ganacsato ka socotay gobolkaasi, iyadoo kulankaasi looga hadlayay sidii gobolkasi loogu soo celinlahaa gacanta dowladda.

 

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa lagu doortay 6-xubnood oo wax ka qaban doona xaaladaha amniga, samafalka, dhaqanka, dhaqaalaha iyo Siyaasadda, waxaana halkaasi goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda caafimadka ee dowladda KMG Soomaaliya Dr. Max’uud Sheekh Xasan, Xildhibaan C/kaafi Macalin Xasan, Xildhibaan Cabdi Xasan iyo gudoomiyaha Maamulka gobolka Sh/hoose Cabduqaadir Max’ed Nuur

 

Waxaa kulankaasi ka hadlay Xildhibaan C/kaafi Macalin Xasan waxaana uu sheegay in goordhow ay dowladda KMG la wareegi doonto gacan ku haynta gobolka Sh/hoose halkaasi oo ay iminka ka taliyaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, waxaana u xusay in ay dagaalka u diyaar garoobeen dhalinyaro kor u dhaafaysa kun askari kuwaasi oo uu sheegay in ay kasoo jeedaan gobolka Sh/hoose islamarkaana dhawaan tababar ugu soo dhamaaday magaalada Siyeeloow ee dalka Kenya.

 

Sidoo kale kulankaasi ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha gobolka Sh/hoose ee Maamulka dowladda KMG Soomaaliya C/qaadir Max’ed Nuur, waxaana uu tilmamay in Xarakada Al Shabaab ay ka jilcanyihiin sidii hore, waxaana uu carabka ku adkeeyay in goor dhow ay gacanta ku dhigi doonaan gacan ku haynta gobolka Sh/hoose.

 

Kulankaani maanta ka dhacay magaalada Muqdisho islamarkaana looga hadlayay sidii dowladda KMG ay ula wareegi laheyd guud ahaan gobolka Sh/hoose ayaa waxaa uu imaanayaa xili Xarakada Al Shabaab ay maalmo ka hor si buuxda ay ula wareegeen dhamaan gobolka Sh/hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Miisaaniyada 2011-ka Oo Loo Qaybiyey Baarlamaanka Federaalka

 

December 23, 2010

 

Mudaneyaasha Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

 

Kulanka maanta ayaa waxaa shir gudoominaayay Shariif Xassan Sheikh Aadan,waxaana kasoo qaybgalay Xildhibaano badan iyadoo kulanka uu soo dhamaaday duhurnimadii maanta.

 

Xildhibaanada ayaa loo qaybiyey qoraalo ku saabsan miisaaniyada sanadka 2011-ka oo ay dhowaan soo gudbisay Xukuumada Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan ayaa kulanka kadib saxaafada u sheegay in Xildhibaanada loo qaybiyey waraaqaha miisaaniyada ayna soo akhrisan doonaan.

 

Waxaana kulanka xiga uu dhici doona maalinimada sabtida ee soo socota oo ku beegan 27.12.2010,waxaana maalintaas cod loo qaadi doona miisaaniyada.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in miisaaniyada iyo amniga ay isugu xiranyihin isagoo rajo ka muujiyey in la ansixiyo miisaaniyada.

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wax kulan ah yeelan tan iyo wixii ka dambeeyey ansixinta Xukuumada Farmaajo,waxaana dhowaan ay ahayd markii loogu baaqay Xildhibaanada ku maqan dalka dibadiisa in ay dalka kusoo laabtan.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this