Sign in to follow this  
Somalina

Sheeko: Wejibuuk

Recommended Posts

Somalina   

Gabar iyo Wiil isla dhashay oo Facebook isku bartay oo markii danbe isla gaaray jaceel kii ugu cuslaa oo keenay jirarkooda meesha ugu qalisan is tusaan qisa dhab ah

 

by Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Mamaan82@hotmail.com

 

Qeybtii koowaad

 

Gabar iyo wiil Isla dhashay oo isku aabe iyo isku hooya ah ayaa muda xiir ku lahaa Feecbook iyagoona xataa isla gaaray Jaceel aan waligii la arag xaalka waxuu ku bilaawaday Wiilka iyo Gabarta Reerkooda waxay daganayeen Danmark waxayna markii hore ahayeen kuwa ku nool qoos hal guri ah nasiib danbe wiilka waa weynaaday waxuu u guuray dalka Ingariiska isagoona dadiisa aheyd 24 sano halka Gabartana aheyd 20 sano.

 

Xaalka markuu halka maraayo ayaa habeen habeenada ka mid ah waxaa soo gaaray yarka eemeelada badan oo isku xiran oo hal mar loo soo diray waxuuna ka aruursaday inta Emeel ee Gabdha ahaa waxuuna markii danbe ku darsaday qeybta Feecbook Gabartii la dhalatay halkaan sabuurdoow dhoowr mar kula xariiftimay iskula kaftameen halkaan waxay ka abuureen in ay si hoose u xariiraan oo maaseejyo isku diraan .

 

la soco sheekada wiilka iyo Gabarta waa isku aabe iyo Hooyo halkaa labadii isla dhashay oo mid waliba wato sawir sawir kiisa aheen sida lagu yaqaano inta badan Soomalida is ticmaasho Feecbook , Jaceelkii waxuu gaaray in MSN leeskula wareeg oo lagu Sheekeesto madaama xaalka uu gaaray nafta aday ku doortee cid kale xamili weyday.

 

Wax badan baa lagu xariiray MSN jaceelka waa kobcay waxuuba gaaray Kabii kabii qof walibana waxuu qof ka kale u qaaday Jaceel xoogan xaalka halkaa markay mareyso ayaa si kaftan ah Wiilka u yiri abaayo amaad buurantahay oo wajiga lee ka quruxday markaa bay gabartii qoso shee oo tiri amaad adigaba Calool buur tahay oo sawir wajiga kaliya ii soo saratay labadaba waxay soo qoreen KkKkkkk kkkkkkk oo micnaheedu yahay qosol wax badan ayaa leesku diray fiyoore iyo jaceelka iyo macda MSN oo xataa mar mar qaar ka toosiso Ilmaha hurdaayo.

 

Yarkii waxuu gabarta xod xoto waxuu ka codsaday in wajiga qarsato inta hoose tusto si jirkeed in uu yahay jir isneelo ah iyo in kale uu u arko Gabartii dhoowr habeen way ka diiday waxayna u muujisay in aysan awoodin madaama gabar tahay yarkii waxuu ku cel celiyey ima jeclid hadaa i jiceshahay wax walba waa ii sameen lahed gabartii markii danbe waa is giijisay waxay Tustay jirkeeda iyado wajiga qarsatay madaama qarxiska Soomaalida lagu yaqaano ee leeska duubayo ay ka cabsatay yarkiina si doo kale inta hoose buu tusay labada jirarkooda waa iska heleen xiligaana dhar ba augu jiray xaalka waa sii dur gay waxuuba jaceelku gaaray jir mac baa kugu yaalo abaayo macaan qaliyeey gabartiina tiraahdi wali maba arag wiil Soomaali ah oo jirkaan leh

 

Xaalka ma fiicno habeen habeenada ka mid waxaa leesla gaaray in lees tuso meel walbo oo jirka ugu qalisan iyadoona dhar la wadan lees daawado meel walbana leeska fiiriyo marka laga reebo Wajigo oo qof waliba ka cabsanaayo in qof qof ta kale in ay ka duubto oo meelaha ku soo bandhigaan sida youtube.

 

Wax badan markii sidaa lagu wada raxeysanaayey ayaa habeen habeenada ka mid ah waxaa lagu balamay madaama aan is tusnay jirkeena meelaha ugu qalisan aan istusno wajiyada waxaa la balamay habeen kale madaama qof walba xiligaa diyaarsaneen

 

Qof waliba habeen kii balanta waxuu tagay meelaha leesku qur xiyo qof waliba waa isa soo giijiyey hadaba xaalka labadii isla dhashay halkoow ku danbeeye la soco qeybta labaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Qeybtii Labaad

 

Labada qof waxay ahayeen walaalo isla dhashay hadana kuma fikirin in ay tanoo kalo dhaceyso waayo tignoolojiyada caalamka wax walba waa soo dadajiyeen maxa yeelay aduunka oo dhan ayeey hal taako ka dhigeen

 

Hadaba xaalka waxuu gaaray in mar uun lees arko wajiyadana lees tuso madaama muda inta hoose kaliya leeska arkaayey xaalka waxa uu gaaray is qurxin qof waliba in uu qarash ku soo bixiyo sidoow qofba qofka kale u soo jiidan lahaa taana waxaa la tagay goobaha Rago iyo haweenka lagu qurxiyo oo ku kala yaalo Uk iyo Darmark qof walib niyadaa u dhisneed oo waxuu islaa qofkaan muda xiriirka kaamirada idinka dhaxeysay sidoow wajigana noqon karaa ma xuubaa mise qurux.

 

Labada qof ee Wiilka iyo Gabarta waxay ku heshiyeen hadii wajiyada leesaga qanco in leeysku yimaado oo lees guursado waasa calafee laba isla dhalatay ma is guursan karaa nasiib xuma ism ogo waxaase ka tan badiyey Jaceelka oo gaarsiiyey xataa in ay markii horoba ku fikiri wayeen inteena arinta fool xumada gaarin koow wajiga laga bilaabo masa dhicin waxaa howsha laga bilaabay jirarka meelaha ugu qalisan qofka rabina xaarantimeeyey in la fiirsado.

 

Xaalka ma fiicno habeenkaasi waqtigana waa soo dhawaday waxaa la gaaray waqtigii la balan sanaa qof waliba waa is diyaariyey garoonaka kaamirada waana leeska hagaajieye kaamirooyinkii qof waliba kalar saaid ah buu ku daray si qurxdooda si wangsan ugu soo muujiso waxana qof waliba intayna Dalban qof tale ku tijaabisay qeybta MSN Tuulka si marka hore isku daawato iyada qur ah markay ogaato in ay sax tahayna oo quruxday dooneysayna ay aragtay dib ugu soo noqotay MSN.

 

Qof waliba saacadii balantaa ku yeertay waxuuna soo galay MSNkii wiilka iyo gabartana labadooda waa isla dhasheen waxena kuwada koreen hal guri markoodii hore waqti 17 sanana waxay ku nolayeen Yurub waana laba qof ku fiican dhowrida waqtiga madaama intabadan Soomalida ku fiicneen dhowrida waqtiga.

 

Gabartii iyo wiilka isla dhashay waxay fureen MSN waa leysa salaamay waxaa leys dhahay hi Macaane iyo hi Macaanta waxaa leysweydiiyey in diyaar lawada yahay in Kaamiarad la wada shido hal mar waxana gabarta iyadoo kaftameysa ku tiri yarka hadaba ha is qarin si aad aniga ii daawato waa ku aminaa toos u soo gal anigaba kaama dhumanaayey waa isku aadina taana dhuumashada waa mid lagu yaqaano Soomaalida.

 

Waa la shiday kaamiradii waxay war wareegto waxaa iska hor yimid labadii waji oo is yaqaano oo walaala ahaa halkaa waxaa ku yeeray Muusugii naxtinta waxaa wiilkii yiri waa heblaayo walaashay Gabartiina waxay tiri waa hebel walaalkay halkaana waxaa dhacay fashil xoogan waxuuna wiilkii kuwaashay halkaan waxuuna erayadiisa ka mid ah ma walshay baan sidaa ku sameyey

 

Yarkii waa washay waxuuna xaalkiisa gaaray in jidadka ka arooriyo warqadaha maskaxdiisana ugu danbeysay markoow arkay wajiga walaashiis ila iyo hadana wiilkii waa walan yahay waxaana loo qaaday Soomaaliya si loogu soo dabiibo quraan loogu soo saaro.

 

The End.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Somalina, alxamdulilaah dheh inaadan i hor joogin...Maanta wajigaan kaa fiiqi lahaa hadaad meel ii dhow taagantahay for wasting MY time reading mooradaan lo'da!!!!!! :Mad:

 

Having said that, marka ugu horeyso Cabdiraxmaan Macalin Xuseen wuxuu ubaahan yahay inuu afSoomaaliga sida saxda looqoro barto...Tan xigta, sheekada waa iney noqotaa mid, at the very least, afar jir lagu socodsiin karo! :o Tan kale, there is so much more aan rabo inaan dhoho laakiin shib aan iska dhahaa, anigaa ilaah ku haraayo...Filin hindi xataa tan malaga fiirsado, maclaa caruur Europe ku koray ineey saan u dhaqmi lahaayeen...Sheemo dheh! Isgarasiyaato eh wilibo...

 

Somalina, soo sheeg hee adigana waxaa sheekadaan ka qabto sxb...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

I only read the first half of this story. Sorry bt dnt have a stomach to read the remaining..aduun gadoomay!!!Ilaahow xaqa nawafaji....So disguested!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

axuuna erayadiisa ka mid ah ma walshay baan sidaa ku sameyey

Hopefully men can learn from this. After all you should treat other girls like you would want guys to treat your sister.!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Koolkat I heard a similar story frm couple of my friends. Not sure if its true or not bt this one happened in saudi arabia and you know hw men and women dnt mix...they decided to meet in a dark night (note they are siblings)..bt since they couldnt see each other's face they ended up doing more than what they should have done..the rest is history...lol laakin tana filim hindi ah u eeeg...Somalina posted a story that could happen!!...lmao!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

This story could happen aa @Aaliyah? In what world?

 

Ok bal sheekada aan dib ugu noqono:

1. Usually, people have pictures of themselves on FB, specially hadey tahay dad shukaansi iska doonaya.

2. MSN dad inta ku wada sheekeysta isla gaara heer eey wajiyadooda iyo jirkooda istusaan, oo aan is wareysan (their background, family, mutual friends if any, etc.), ilama aha iney jiraan.

3. Jaceyl ilaa heer ey labadoodaba guur kubalamaan iyagoo aan is aragna ilama aha inuu jiri karo.

 

Sheekada "Waan ku arkay waan ku caashaqay" baan maqli jiray, hada waan kula sheekeystay waan ku jeclaaday miyaa sheekada? Kaba sii daranee, waanba fahmi lahaa dad waaweyn hadey yihiin, laakiin labo qof oo iyagoo ilaa iyo caruurnimadoodii ku koray Europe baa sidaan isla gaaraya miyaa? ABADAN! Anigu diiday!

 

Kamaavi, habo kan in biyo lagu daajiyo waa dhaaftay! Faleebo waaye sheekada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

koolkat personally I have real info on my fb..(ma real pics etc)..but I dnt think everyone is like that. A lot ppl post fake stuff (so i think it is possible

) or maybe not!! either way teaches u a lesson to not talk to strangers online...thats enough lesson whether this story is true or not is beside the point...

 

As for the saudi story I know it can never happen lol ..just some girls told me. I told them im sure both talked at some point after meeting and would recognized each others voice lool..

 

anyways...waxan oo dhan wa sheekoyin waalan better to be fake than be based on a true story..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Kool_Kat;680608 wrote:
Somalina, alxamdulilaah dheh inaadan i hor joogin...Maanta wajigaan kaa fiiqi lahaa hadaad meel ii dhow taagantahay for wasting MY time reading mooradaan lo'da!!!!!! :Mad:

 

Having said that, marka ugu horeyso Cabdiraxmaan Macalin Xuseen wuxuu ubaahan yahay inuu afSoomaaliga sida saxda looqoro barto...Tan xigta, sheekada waa iney noqotaa mid, at the very least, afar jir lagu socodsiin karo!
:o
Tan kale, there is so much more aan rabo inaan dhoho laakiin shib aan iska dhahaa, anigaa ilaah ku haraayo...Filin hindi xataa tan malaga fiirsado, maclaa caruur Europe ku koray ineey saan u dhaqmi lahaayeen...Sheemo dheh! Isgarasiyaato eh wilibo...

 

Somalina, soo sheeg hee adigana waxaa sheekadaan ka qabto sxb...
:D

eh! see camal sxby? aniga waa keeney sheekada... :) bal yara cuudu bilayso oo sheydaanka iska naar walaalay.

 

Maxaan ka qabaa you ask?

Well, macquul ma ila ahan in laba qof ay isku qaawiyaan in front of camera-da ayagoona wejiga iska arag marka hore. Laakiin mararka qaarkood waxaa dhaco sheekooyiin aan macquul aheyn dee oo aan hore loo maqal loona arag.

Soo lama dhahin, aduunkaan waxyaabo mucjiso ah waad arkee ama maqlee intaad ku nooshahay, marka aniga I'm not suprised haddey sheekadaan laba Soomali ah ku dhacdey, specially "calooshadaa sidee u taalaa i tus please, wejigaada ha i tusin haddad rabtid" part.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Waayahay, gartey...bal tan soo socota aqrista bal...

 

Sheeko: Qiyaano

Qisadaan ayaa waxey dhex martay lamaane soomaaliyeed oo aad isu jecel oo lagu kala magacaabo Keyse iyo Maariyo. keyse ayaa wuxuu kubilaabayaa sidatan.

waxaan kudhashay magaalada muqdisho gaar ahaan degmada yaaqshiid sanadku markuu ahaa 1986.

 

maalin maalmaha kamid ah ayaan soo aaday goob internet caffe ah oo kutaala agagaarka laba dhagax deetana gudaha ayaan u soo galay waxaana halkaasi ku arkay caasho oo aan aad isu naqaanay waxaana lafadhisay gabar runtii aad ii soo jiidatay halkaas oo aan cabaar kuwada kaftannay, kadibna caasho ayaan kacodsaday iney ibarto gabadhan nasiib wanaag halkaas ayaan isku wada barannay aniga iyo gacalisadeyda qalbiga dhex degtay ee aan aadka ujeclahay ee maariyo waxaana nadhexmaray xiriir aad u fiican kadibna telofoono ayaan kala qoronay xilli kasta waan isa soowici jirnay oo maalinba maalinta kadambeysa waxaa sii xoogeysanayay hilowga iyo xiisaha aan isu qabno.

 

aniga iyo maariyo waxaan isla garanay inaan wada kulano oo aan gurigooda oo kuyaala xamarjadiid kukulano waxey aheyd xilli habeen ah amaankuna aad ufiicnaa oo waxey aheyd waagii maxaakiimtii islaamiga ay ka arimin jireen caasimada soomaalya ee muqdisho waxaana kukulanay xaafada maariyo habeenkaas waxey ii aheyd habeenada iigu farxada badnaa mid kamid ah maadaama aan gudbisan rabay jaceylkeygii layaabka lahaa, isla markiiba hadal iyo kaftan kadib sideg deg ah ayaan ugu sheegtay cishqiga xargaha goostay ee i haleelay waxaana siiyay fursad ay uga soo baaraan dagto jaceylkeyga, maariyo isla subixii ayay sms iisoo dirtay deetana iishegtay inay aad ugu faraxday jacylka aan usoo bandhigtay isla mar ahaantaasina aay aad usoo dhaweeysay dhinaceeda waxeyna iga balan qaaday inay dhankeeda kadaadihin doonto waxaad yara moodaa iney qudheeda la,aamusneyd jaceylka aan uqabay mid lamid ah.

 

intaa wixii kadanbeeyay waxaanu kuwada xiriiri jirnay qadka tellephone-ka waxaana markale kubalanay inaan is aragno nasiib darose ma aanay dhicin oo wadanka waxaa soogalay ciidamadii itoobiyaanka dagaalo qaraar iyo barakac xoogleh kadib waxaan go,aansaday inaa usafro kenya oo ah mid kamid ah dowladaha dariska la,ah soomaaliya , maariyo fursad uma aanan helin aan ugu sheego inaan baxaayo balse si deg deg ah ayaan kubaxay sinabad ah ayaana ku imid nairobi Kenya.

 

waxaana isla markiiba wacay numbarkii maariyo balse ma aanan helin si kasta oo aan uraadiyay kuma anan guuleysan helitaanka maariyo, maalin maalmaha kamid ah ayaan kulanay yar anu saaxiibo nahay isla markaasina qaraabo dhaw la,ah gacalisadeyda maariyo wareysi dheer kadib waxaan weydiiyay bal inuu yaqaan maariyo meel ay kudambeysay nasiib wanaag wuxuu iisheegay in walaasheed ay nairobi joogto balse aanu garaneyn maariyo meel ay joogto sifarxad leh ayaan u waydiiyay meel aan ugu hagaago maariyo walaasheed deetana wuxuu iisheegay xafada ay dagan tahay,

 

saynab waa maariyo walaasheede wuxuuna iiraaciyay numbarkeeda waana wacay isbarasho kadib waxan kubalanay inaan xaafadeeda ugu tago si dhaqso leh ayaana u aaday saynab oo bananka igu sugeysay ayaan halkaas isku salaanay soo dhawayn kadib waxaan war uga bilaabay maariyo meel ku sheeg qosol ayay kudhufatay kadibna iiwaydiisay waxa inaga dhexeeya si aan gambasho lahayn ayaan ugu sheegay inaan aad u jeclahay waxey iisheegtay in ay wadada kusoo jirto una soo socoto nairobi aad ayaana ugu farxay deetana xaafadydi ayaan kusoo laabtay waxaana maalin kadib isoo wacay saynab iina sheegtay inay timid gacalisadii qalbiga degtay xaafada ayaan ugu imid maariyo isku soobood iyo is marxabeyn kadib waxaan soo kala tagnay xili danbe waloow aan islahaa waa fiid hore,

 

aqristoow maalmo kadib maariyo waxey u wareegtay cid aay qaraabo ahaayeen, waxaana xusid mudan in maariyo aysan labadeeda waalid joogin kenya marka laga reebo walaasheed saynab oo iyada xitaa qoys qaraabo ahaayeen lanooleeyd, mudo kadib waxaa guuray cidii ay maariyo lanooleeyd durbadiiba waxaa maariyo lasoo daristay xaalad adag waloow ay iga qarisay lakin waxaan shakiyay markaan arkay ayadoo maalin joogto gurigii an joogay iridkiisa lana sheekeysanaysay gabdho aanu qaraabo ahayn,

 

maariyo ayaan meel gees ah ula baxay kadibna waydiiyay sida xaalku yahay waxayna iisheegtay xaalada dhabta ah ee jirta iyo in aysan haysan meel ay sitoos ah ujoogto ama udagantahay waxaana codsi udiray walaashay oo aan gurigeeda katirsanaa inkastoo aan shaqeeyo hadana waxaan istusay inaanan *****li karin baahideyda iyo tan maariyo waloow aan mar mar u soogadi jiray wixii shopin ah ee aan awoodo nasiib wanaagse way iga aqbashay walaashay in maariyo guriga kusoo biirto waxayna ii ahayd fursad qaali ah waana ku guulaysaty,

 

aqristoow waxaa isoo galay safarkale waxaana ukicitimay dhankaas iyo sudan gaar ahaan magaalada jubba waxaana bilaabay inaan shaqooyin ka abuurno anagoo dhalin yaro badan ah wayna igu adkaatay jawigoo kulul iyo anoo laqabsan waayay meesha xaaladeeda iyadoo amankeeduna xumaa xiligaas waxaan joogay muddo 8bil ah,

 

markale ayaan go,aan ku gaaray inaan kenya ku soo laabto waxaana dib iskula jaanqaadnay gacalisadeyda muddo sanad iyo bar ah markaan joogay ayaa waxaa isoo wacay asxaabtii reer jubba ayagoo iisheegay in xaalku isbadalay iminkana wax walba kawanaagsan yihiin sidii hore waxaana durbadiiba ku laabtay jubba waana laqabsaday waxaase isoogaray wax ay dhagaheygu dhibsadeen xili galab ah ayaa yar saaxiibkay ah iso wacay asagoo iisheegay in maariyo hogaankeedi lala wareegay mardhawna ay noqondoonto marwo!!!!

 

yaab amakaag cajaa,ib baaritaan dheer kadib waxaan wacay maariyo waxeyna iisheegtay in sheekada wax kajiraan laakiin aan guur wali dhicin warkii hore war soodhaaf markale ayaan kuceliyay maariyo siffiican u hubi hadalkaaga waa keyse qofka kula hadlaayo waxayna si kor ah iigu tiri walaal waan ogahay balse aniga xitaa sida wax udhaceen ma ogi aad ayaan uga xumaaday.

 

sikasta waan isugu dayay inaan ogaado waxa kudhaliyay in maariyo arintan ku dhaqaaqdo mar hadii aaynu aheyn laba qof oo aad isu jeclaa kudhawaad afar sano hadana ma iisuurto galin inaan ogaado waxaase la iisheegay in yar aanu isla shaqeyno hadana saaxiibo nahay in uu aaday nairobi deetana qofta jaceyl ku abuuray si xirfadeysanna uga dhaadhiciyay inaan jaceylkeeda iska ilaaway ayaduna ay sidaas jaceylkeeni kujartay waxaana labadooda kadhex bilowday jaceyl cusub kaasoo gaaray ilaa heer guur waloow dhowr jeer baaqday arooska oo waxaa khilaaf soo kala dhex galay qoysaska aay kadhasheen maariyo iyo jaceylkeeda cusub balse waxaas oo dhan mar danbaa ogaaday maadaama aan wadan kale joogo lkn internet-ka ayaan kuwada sheekeysanjirnay mararka qaarna by phon ayaan ku wada xiriiri jirnay.

 

Laakiin gaba-gabadii ayaan ogaaday mana joogin meel waxka qabasho leh arooskana sidaas ayuu kudhacay inkaastoo aan shaashada kala socday hadana waxaan jari la'ahay oo qalbigayga ka go'i la' jaceylkii maariyo, mar mar waxaan is iraahdaa shaqada dhan ma isaga taktaa ileen waxaan wax u tabcaayay inaa guul kagaaro jaceylkeygee hadana wali go'aan cad oo lataabankaro ma qaadan.

 

 

ABDULKADIR GEDI HAJI

MOMBASA, KENYA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this