Sign in to follow this  
cynical lady

Troll, Shaah, Cakes and Sheeko

Recommended Posts

^:D :D - so daa dee - haddaad wax isku haysid.

 

p.s. - who is your 'proof reader'?

(khasara kula kulantahay haddaad jb wax u doonatay) :D

 

Edit:

i saw the preview - walle waad ii qayishay :D

 

posted as it was.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Waskhyahow Sharka doortay, shaydaan baad tahaye

Shaqalka anoo qaloociyay, wana kuu jawabayaye

Shuruud hadanay meesha jirin, waan iska wadanyaye

Burco sheekadiida daa, sharaftiida la yaqiinye

Qardho shay kuma gaadho, waana dhul shiishiisaye

Shaacir ma tihid saaxiibo, shuush iska dheh.

(Xiin will cringe at my buraanbur again but that's all your effort deserves dee). :P

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bal tan ka soo jawaab

 

Ngongenoow ninkii laable baan, luminin weedhaye

Maantood lixyowdiyo adoo, laylafoo gabana

Wax badan baan sidii laam Quraan, looxa kuu dhigaye

 

Ninmankii laqbada kuu akhriyey, way ku lumiyene

Lalabkii ay kuu sheegayeen, laasim ma ahayne

Waxay kugu luggooyeen jidkii, laalladda ahaaye

 

Lucda weeye hadalkaan sharciga, laabud ku ahayne

Mar haddaanu luuligu is hayn, labacu waa beene

Laqwad xumo ha joogtee macnaha, kuma lihiinsiine

 

Lakab oodan bay kugu rideen, laqammadiiniiye

Anigana lurbaa iga qabsaday, layli bixintaaye

Laxnigii aan ka jaray ka badan, lag iyo alaafe

 

:D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ I've been had! Ma caleesh, awil ba waji loox ban iska ahaa. :D

 

Horta curyaanka cadhooday wuxu yedhi ma maqashay? "Hadanaan ku deli karin, dee candhuuf uun ba kugo tufi". Hoo, tan wajiga ka masax..

 

 

Sayiidow la is af gran wa, luqadee la gu ciyaarye

Quraan iyo loox na la iima dhigin, buug ban ku bartayey

Lix jir ban skool ku galay, ima gaari karta..err.."ye"

 

La xawla ban iska idhi, laacib is moodayey

Leen dhanankagaan madhan, dacar igu ridayey

Alam tara waxaan kuu qoray, macalin isku sheegayay?

La uqsimo intaanaan ku odhan, orodo meelaha ka b...

 

(No proof reader this time).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

JB, anaa u jawaabaya Sayid Somal:

 

Marka laaqiskii iga bi’iyo, laacdankii gole e

Laandeyr haddii aadan qabin, kama layiigteene

Anigoo ladaadyeysan bay, ladh igu oogeene

Lidda ma laha sooryadu haddaan, meel ka liiliyiye

Luqmadda iyo dhuuniga waxbaa, iigu laabudane

Lis xaraar leh buu ii dhadhami, labanka caanuhuye

Loolkiyo lammaa laysku xidhay, laabatada qoyska

Haddaan laamandoodsado hurdada, waana ladihayne

Lahanka iyo cadhadaan qabaan, laba legdeeyaaye

Leecaanta Soomaalibaa, luri calooshayda

Luufluuftadaasaan u dhiman, laafa-lugudkeeda

Maandhow lugtii iga jabtaan, luudiyaa weliye

Maandhow raggii Laxaj jiree, loodhadhaa yimide

Loxoskii horay ii ekayd, liin ka gubiddiiye

Maandhow lix seben buu fadhiyey, Laaso iyo Cayne

: D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Looooooooool@ nuune wallee waxaan lahaa maanta dhan, ninka sayid ah waa abwaan weyn balse ninyahow inaad sidaa dhan yeesho ma ey eheen ha iskala jiitamo ngonge ee :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Cagtii joogsan waydaa marbay ceeb la kulantaaye

Ninkii caalka loowaayey iyo caabis naga waabsha

Cimaamadii waxaa ka dhigay Nuune carrab dheere

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ wyre, muxu isu daaya dee? Nin dhintay ayaan la tartamaya saaxib.

(now sayid will claim I didn't mean it again). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Where there is no talent on both sides, we will decide the winner based on effort. And hence, Ngonge is the winner by a wide margin. He tried.

Ng, halkaa ka sii wad. Hadda waan tagayaa oo "Alvin and the Chipmanks" baa soo galay oon ciyaalka la soo daawane, markuu dhamaadaan kugu soo noqon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this