Sign in to follow this  
nuune

Magacyada Jirrooyinka Qeebtii II

Recommended Posts

nuune   

Waa qeebtii labaad ee Jirrooyinka, qeebtii koobaad MMA ayaa soo dhajiyey, ka fiiriya page 2 Dood Wadaag.

 

 

Cudurka Sanbabada (Pneumonia)

Dhabar Xanuun (Back Pain)

Infekshanka Bartamaha Dhegta (Otitis Media)

Dhibaatooyinka Wax Liqidda (Swallowing Problems)

Xajiinta, Cuncunka (Allergies)

Hawl Gabidda Wadnaha (Heart Failure)

Cuna Xanuun (Sore Throat)

Cadaadiska Dhiiga (Hypertension)

Dhego Beelid (Hearing Loss)

Gaastiriko (Gastritis)

Xubno Xanuun (Arthritis)

Malaariyada (Duumada) (Malaria)

Miyir Beelidda (Coma)

Neef ama Xiiq (Asthma)

Kaadi Sonkorow (Diabetes)

Qaaxada (Tiibisho) (Tuberculosis)

Dhiig yari (Anemia)[/b]

SHUBAN BIYOOD" (Cholera)

Saxaro Adayg (Constipations)

Shuban (Diarrhea)

Qandho ama Xumad (Fever)

Cagaarshowga B (Heabatitis B)

Cudurka Bararka Xiidmaha (Crohn Disease)

Wadne Qabad (Heart Attack)

Cudurka Dhimir Beelidda (Alzheimer disease)

Oof Wareen (Pneumonia)

Jabtida iyo Daweynteeda (Gonorrhea)

Bukashada Caloosha (Gastroenteritis)

Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)

Qumanka (Tonsillitis)

Howlgabka kacsiga (Impotence)

Wadne Gariir (Atrial Fibrillation)

Cudurka Sambab xaniban ee Raagay (COPD)

Waraabow / Isfiilito / Xabad (Syphils)

Sonkorowga (Diabetes)

KUDKA (ANTHRAX)

Yirid (Gingivitis)

Kaadi-Saarista (Dialysis)

Hawlgabka kelyaha (Kidney Failure)

Boogoobidda Xiidmaha (Ulcerative Collitis)

Cagaarshowga C (Hepatitis C)

Lafa-beel (Osteporosis)

Bukashada Caloosha (Gastroenteritis)

Burburka carjaw laabatada / Riixa (Osteoarthritis)

Alarjiyo aad u xun (Anaphylaxis)

Qallalka (Epilepsy)

Qalitaanka Saarista Xameetida (Cholecystectomy)

Qabsin-saarid (Appendicectomy)

Baabasiir (Haemorrhoids)

Cudurka Dadka Xasuusta Ka Lumiya (Parkinson Disease)

Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea)

Heerarka Foosha (Stages of Labor)

Buruq Naaseed (Breast Lump)

Sonkorowga Uurka (Gestational Diabetes)

Dhicinta (Abortion)

Uurdoox (ilmaha lagu qalay) [C/Section]

Niyad Jabka Umusha Kadib (Post Natal Depression)

Ilma Qoolan (Ectopic Pregnancy)

Ka-Saarida minka (Hysterectomy)

Daryeelka Dhalmada Ka Dib (Postnatal Care)

Daryeelka Dhalmada Ka Hor (Prenatal Care)

Walac (Morning Sickness)

Baraska (Vitiligo)

Findoob (Acne)

Kasoo-bax (Boils or Furunculosis)

Cambaarta Madaxa(Tinea Capitis)

Qaniinyada Cayayaanka (Insect Bites)

Cabeebka Ibta (Candida of the Nipple)

Xajiinta Gacmaha (Irritant Hand)

Isnadaamis (Scabies)

Xajiinta, Cuncunka (Allergies)

Qaamo-qashiir (Mumps)

Xiiq-dheer (Whooping Cough)

Talaalka Dabaysha (Polio Vaccine)

Gedef (Rickets)

eebka Ilmaha - Candida (Thrush)

dhakaako (Autism)

Busbus (Chicken Pox)

Caadka Indhaha (Cataract)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Nuune, Waad mahadsantahay. Laakiin fadlan liska ku dar Cudarada la dhaho:

 

Buufis

Mingis

Boorame

Wadaado

Fadhi-kudirir

Cuqdad

Masayr

Marqaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by Showqi:

Nuune, Waad mahadsantahay. Laakiin fadlan liska ku dar Cudarada la dhaho:

 

Buufis

Mingis

Boorame

Wadaado

Fadhi-kudirir

Cuqdad

Masayr

Marqaan

:D:D aad baan uga helay magacyadan, rageedi baad tahay hadaad intaas taqaano, fuquburaalena waa un la sii raaacin liiska :D

 

anaa soo raadin erayo English oo u dhigma hadey jiraan, iyo abbaay sittina yaan hilmaamin

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ shukran, laakin caloosha istaageyso naga daa waan ogahay in xagaa laga yiraahdo calool istaag, balse saxaro adeyg ayaa ka caansan kuna haboon, waana isla meeshii un, calool istaag waa physicalityga not the output :D .

 

 

PS: Liiskuu SHOWQI soo qorey u soo raadi English, wali waan raadinayaa, bal Ruuxaamo ama Mingis u soo hel english u dhigma kuwa kale waan u soo helay erayo enlgish :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maseyr cudur maala dhihi karaa? Fadhikudirirka xataa cudur ma noqon karaa?

 

Teeda kale, Nuunka, jirro iyo cudur ma isku micnaa? Ani koley laba micno inay ii kala leeyihiin jeclahay.

 

Jirro = sick/sickness

Cudur = disease

 

Marka ma isticmaali karnaa 'jirrooyinka' meeshii cudurrada ka rabno? Waa ogahay waagaa aan soo dhajinaaye kii hore saas ma u kala fahansanayn, oo dib u gartay.

 

Noo sii wad casharka, widaay. Wax badan ka faa'idayba.

__________________

 

Haddaa isku deyo inaa micneeyo ereyada Showqi. Buufis koley ani waxaa u micneyn karaa 'obsession.'

 

Maseyr waa iska 'jealous,' marka kalena 'paranoid.'

 

Marqaan = high

Cuqdad = phobia

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Teeda kale, Nuunka, jirro iyo cudur ma isku micnaa? Ani koley laba micno inay ii kala leeyihiin jeclahay.

 

Jirro = sick/sickness

Cudur = disease

 

Marka ma isticmaali karnaa 'jirrooyinka' meeshii cudurrada ka rabno? Waa ogahay waagaa aan soo dhajinaaye kii hore saas ma u kala fahansanayn, oo dib u gartay.

Sax MMA, topigaagi hore leen ka raacey Jirrooyinka, waana runtaa, magaca Cudur ayaa kaga haboon meeshii la oran lahaa Jirro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Self-consciousness cudur la dhaho aya jira waana 'cuqdad nafsi'. Stress 'buuq', sow ma maqli jirin hebel wuu isku buuqay, buuqsan yahay, stress aya inta looga yaqaan qurbaha. Depression "Walaahow". Daltabyo "homesickness". Sexual-frustration? Qooq? 'Kacsi-wareer'? idinkaa layn ka rabaa cudurkaas magaciisa inad sheegtaan, waana cudur aad u xun. Shakki, wiswis, isla hadal, isku dhex yaac, maskax mirir, waallida dhaqanta, buufis, kwd magacyo haloo keeno. Teeda kale what the heck is asaasaq? Waaxay? Hebel wuu asaasaqay..!! Taas ha ley faaideeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Originally posted by Showqi:

Nuune, Waad mahadsantahay. Laakiin fadlan liska ku dar Cudarada la dhaho:

 

Buufis

Mingis

Boorame

Wadaado

Fadhi-kudirir

Cuqdad

Masayr

Marqaan

Sxb waxaan u maleynaaya ereyadaas badankood ineysan ku laheyn Ingriiska *equivalent* ama eyni, waxan so xusuustay erey aan hada ka hor ku arkay journaal carabi ahaa issued by a private school, they translated Fadhi-ku dirir as "xarbul majaalis" wtf lolz.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fazliyah   

"Cabsi soo dhaxday" :) thats funny Che.. Thank you guys, .. Panic attack = walwal iyo walbahaar aan control laheen or qalqal sida heblo weey khalqashay waxeey dareemeysaa cabsi aan sabab laheyn??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this