Sign in to follow this  
nuune

Quruxda Afka Soomaaliga

Recommended Posts

nuune   

Bal erayadan ila fiiriya u dhacayo laba shubka,

 

 

naq iyo negaadi

nabsi iyo nasiib

lug iyo laan

hoog iyo halaag

kun iyo kaakac

ficil iyo falaad

col iyo cadaawe

dhib iyo dheef

sheeko iyo shaahid

calaf iyo cawo

ciil iyo cadho

xin iyo xaasid

xilo iyo xoolo

dooc iyo dareen

bog iyo beer

biyo iyo baad

bash-bash iyo barwaaqo

Tiro ito tayo

 

 

Bal ku soo dara waxa aad heesaan, wey iga kala dhumeen bari baan meela ka soo aruurshey kuwa sidan oo fara badan, ku soo dar haba yaraatee waxaad heysaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Bal ana aan isku fiirshee ka leexo:

 

Aduun (If) iyo aakhiro

Maqal iyo muuqaal

Abaar iyo Aaran

Miyo iyo magaalo

Qoyaan iyo qaleel

Guur iyo gacal

 

Een, Kir iyo Kud, malagu darikaraa? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

duufaan iyo dabeeyl

dulmi iyo daalin

roob iyo ramaas

hiil iyo hoo

caruur iyo ciroole

 

dhuuceey iyo dhaloyereey iigu dar hee anigana :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

War maxaad dhahdeen??

 

Uff iyo Aqq

Nadhaaf iyo Nadaa

Dhoore iyo Dhako

 

 

lug iyo laan

ceeb waraa seecamal? manugu kor camiranee hadana?

kun iyo kaakac

lool bur kackac lee ma iska dhahdidoo? lool

 

 

KK.. yur iyo yaahuu baa lugu yiri!!

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ shaqfir lagu dhahay waraa, horta ma taqaanaa oraahda ah "ama lug haay ama leg haay :D "

 

Koolo, lool, ku soo dar yaakhey kir iyo kud, iyo waliba kal iyo kaashaabid aa hilmaantey :D

 

 

Showqi, nice list, lool@dhuuceey, shukran for reminding me this word

 

 

Qaar baan soo helay, Afkeena yaab ayuu leeyahay wallee!

 

 

ajar iyo abaal

il iyo oof

ab iyo isir

af iyo addin

arrin iyo adduun

arag iyo arrin

Soon iyo salaad

silic iyo saxariir

badhi iyo buuryo

bari iyo bogox

togane iyo tabane

tuur iyo tirbiico

talo iyo tusmo

bad iyo berri

buur iyo bannaan

xeer iyo xaagaan

dad iyo duunyo

dab iyo duur

raq iyo ruux

jin iyo jaan :D

jiidh iyo jibaad

xidid iyo xigaal

xan iyo xamxam

cidliyo ciirsila

kur iyo kaafaan

faq iyo fagaare

qudhun iyo qashaabiir

qulub iyo qasaaweselel

kaal iyo kala dheeri

habar iyo habeenkeed lol

wadaad iyo waranle

wir iyo wiirsi

magac iyo muunad

magan iyo mooro

muruq iyo maal

laf iyo lud

 

 

Akhyaarta, soo wada ku so dara erayada, list dheer oo aad u dheer ayaan ka dhigeenaa, soo aruursha yaakhey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaalina macnaa lagu yaqaan, meel ay joogtaba e

Oo waa hiddaha noo macaan, malab siddiisiiye

Mar kastana ma moogaano ee, wuu naga dhex muuqdaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Adaa mudan yaa Ismuhaan, bal wax dheeraada hadaad heyso halkan ku soo dhaji, eraya badan oo noocyadan ayaan aruurin rabaa, project ayaan uga danleeyahay oon online ka dhigi doono Inshaa Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Cilmi iyo Caado

Col iyo Cadaawad

Cantoobo iyo Cantuugo

Xafash iyo Xashiish

Aano iyo Aarsi

Sahan iyo Socdaal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Originally posted by nuune:

^^ Adaa mudan yaa Ismuhaan, bal wax dheeraada hadaad heyso halkan ku soo dhaji, eraya badan oo noocyadan ayaan aruurin rabaa, project ayaan uga danleeyahay oon online ka dhigi doono Inshaa Allaah.

Qab iyo qabyalad

Qabqablayaal iyo qaawlaysato

Qaswade iyo qafaashe

Kama iyo kas

 

intaas my Hemspråk lärare ii soo sheegay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Originally posted by nuune:

^^ Innaba caadi ma ahan macalinkaaga
smile.gif

 

jag förstog nästan att du skulle förstå svenska.

Då kan vi prata bara svenska. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

varför bara svenska? Det är inte rättvist! Somaliska språket är bättre...

 

Bal intaana ku dar:

 

Dil iyo daa

Duufaan iyo dabeyl

Qori iyo qiiq

Xil iyo xoolo

Xarago iyo xanuun (jeebkey waaye tan)

Dab iyo baasiin ( :D )

Rays (sp) iyo raaxo

Kor iyo hoos

Axdi iyo aamin

Edab iyo asluub

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this