Sign in to follow this  
Wiilo

Rafnimo

Recommended Posts

Wiilo   

Anagoo marayna RAF oo aanu nahay NAF ayaanu galnay SAF waxaanu helnay LAF mid baa isyiri DAF say tiri gacantu BAF waxaanu noqonay HUF, cid kuhadasha AF waxay noqotay DHIF, midbaa cararay XIF birbaa goysay XAF waxaa xanaaqay QOF geed buu isyiri DAF sayteen lugtu BAF.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Maansada koree cad-cad

Haddaad tiraahd raad-raac

Si aad u fahamto kis-kis

waxaad ogaani midh-midh

in loo ebyay kas-kas

adaa ka qaadi wis-wis

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Originally posted by Cawaale:

Maansada koree cad-cad

Haddaad tiraahd raad-raac

Si aad u fahamto kis-kis

waxaad ogaani midh-midh

in loo ebyay kas-kas

adaa ka qaadi wis-wis

Oo taana yaa tiriyey tolow? Lol@wis wis

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Pragaon, tan kore an ka raacay hanaanka.

 

@wis wis, ujeeddo gooni ah kama lahayn ee miisaanka ay igula habboonaatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ :D

 

hadii wixii la rabo la iska sheegaayo anna hadaan kooye

 

Anoo is dhahaayo bax, waxaan arkay lax, banaanka u ordeeso qax, gaajaa i qabatay dax, waan soo qabtey nax, dabkaan saarey kax, waan ka dhargey max, waxaan noqdey fax, calooshaa itiri gax, cali baa yiri sax, laf baan u tuurey tax

 

 

Wiilo, alaabtaasi caadi maaha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^war adaaba ka daray!, markii la baxaayo & markii la soo gelaayo waa la isu sheegaa duqa, seey kaa noqotay? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ :DMaaddeey, ii warran awoowe, arbaciina yawman lagu dhuftey laba baan hawada ka maqnaa, walina kuma jiro hirka oo maqnaanshaa ii qoran, ee soo lama ladna, waa halkii Baarleex ee wax alaaba dhushuq iyo la isku darey ama la kala garan waayey oo i dhaafey ma jiraa.

 

 

PS: inoo samee Jacbur Corner topic ah, halkaas aan ku leersanee, alaabtuu Cawaale keenay ayaan aad ula dhacey, adigu laftirkaaga ma sahlanid, aw kamaa qaala Kisaa'i :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice one Wiilo, little change "geed buu is yiri TAF seyteen lugtu JAF" how about that? lol Nuune welcome back oday. Waa dhuumatay ma minyaraa la soo xareeynaayay?lool

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Showqi, adaa mudan akhii, kuna soo dhawoow Somalia Online.

 

 

Gheelle :D thanks 4 da welcome, lol@minyaro, armiiba taa la dhaafey kol hore :D

 

 

Aawey Wiilo, intaad meesha keentay alaab aan caadi aheyn ayaad duurka iska gashey.

 

 

bal intan aan raacsho,

 

anoo hees qaraami ah dhageesanayo galabta meel biibito horteedana ku cabayo koobkeya casariyada ah ayaa intan igu soo dhacdey

 

 

waxaan ku iri iga har, oon kuu dhigan gar, hadhowna kula ciyaari jar, seeftana ku dari sar, kadibna kaa goyn far, lugahana ku noqon tar, kaana tuuri qar, markaasuu yiri i bar, waxaan kuu sheegi war, waxaan ku iri mar, sida baabuurta rar, waxaan kaa waraabin dar, sida qaalin yar, suu igu yiri car

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this