Sign in to follow this  
MAHUBSATO

Jaceyl-ku Maaha maalin Qura ! Maxaad ka taqaan Maalinta jaceylka Adduunka (VALENTINE

Recommended Posts

Hadaba maalmo kamida maal-maha sanadka ayaa waxaad u soo joogtay ama aad la soo kulantay iyadoo la siiyay tilmaan gooni ah oo loogu yeero sida iyadoo la oranayo maanta waa maalintii Haweenka, Maalintii Shaqaalaha, Maalintii Macalinka, Maalintii Saxaafadda, Maalinta xor-nimadda.. maalintii..maalintii.. iyo maalmo kaloo aad u badan oo loo asteeyay munaasabaddo kala duwan.

 

Hadaba Maanta (14th, February) 14-ka bisha labaad ee sanad walba waxaa la xusaa maalin loogu magac daray Maalinta jaceylka Aduunka (VALENTINE'S DAY) waxaanse rabaa in aan wax yar ka iftiimiyo Jaceyl-ka iyo munaasabadda dadka qaar maskaxdooda gashay ee maalintaan loo sheego taasoo la oran karo waa wax u gaar ah ama munaasabad u gooni ah dadka aan Muslim-ka ahayn gaar ahaan Christianka.

 

 

Hadaba ma rabo in aan wax badan ka iraahdo taariikhda ama qisadda maalintaan iyada ah, mana u malaynayo in uu jiro qof isku mashquulinayo ama u dabaal dagayo sida ay yeelaan dadka xushmeeya maalintaas oo iyagu lagu yaqaano in ay hadiyaddo qaali ah is guddoonsiiyaan, ubaxyo qur qurxoon oo u badan kuwa leh Kalarka gaduudan la isa siiyo, mac macaan la isku raaciyo iyo waliba iyadoo lagu maamuuso xaflado si wadajir ah ay mucaashaqiinta maalin qura uga wada qeyb qaataan waxaana kaliya ku soo koobayaa qof walba waxa uu iska dhigo ayuu yahay.

 

Jaceyl-ka waa wax jira mana noqon karo maalin qura, waxa uuna soo bilaaw-daa maalinta uu illaah abuuro ama uu dhasho aadanaha kaasoo ugu horeyn uu dareemayo Jaceylka waalidka gaar ahaan kan Hooyadda waxaana taas tusaale u ah sida Hooyadda u kool-kooliso ubadkeeda iyo sida naxariista leh oo ay u ilaaliso taasoo la oran karo Jacey-ka dhabta ah ee ugu horeeyo ee uu helo aadmigu.

 

Sida nabageena N.N.K.H uu inoogu sheegayba waxaa muhiimadda koowaad, labaad iyo sedexaabda leh Hooyadda, iyadoo Rasuul-keenii suubanaa uu u yimid nin isagoo weydiiyay qofka xaqa ugu badan leh ee jaceyl-kiisa waxana uu nabigu yiri , Hooyadda, waxa uu ninkii ku celiyay qofka xiga, waxaana loo sheegay Hooyadda, hadana waxa uu yiri kadibna waxaana loo sheegay Hooyadda mar sedexaad waxaana Rasuul-ka S.C.w uu markii afaraad yiri Aabaha.

 

جاء رجل الى الرسول الكريم محمد صلى الله عليه وسلم وقال له :يارسول الله من احق الناس بصحبتي ؟ فقال الرسول :امك، قال ثم من ؟ فقال الرسول :أمك، قال :ثم من؟ فقال الرسول :أمك، قال ثم من ؟! فقال الرسول عليه افضل الصلاة والتسليم :ابو

 

Waxaan halkaas ka ogaanaynaa in jaceyl-ka hooyadda uu yahay kan ugu horeeyo iyadoon halkaan lagu soo koobi karin, waxaana muhiim ah in qofka qiimeeyo jaceyl-ka waalidkiis gaar ahaan hooyadda iyo isagoo qadarinaya qeybaha kala duwan ee qaraabadda iyo bulshadaba, waxaana loo baahan yahay in sidoo kale aad ku jeclaato macalinkaada tarbiyeyntiisa, culimadda ama shiiquna aad ku jelaato cilmigiisa, dariskaadana aad ku jeclaato wanaagooda saaxiib-kaagana aad ku jeclaato sida uu yahay ama uu u yahay mid wanaagsan.

 

 

Jaceyl-ka dhex mara laba qofood Lab iyo Dhedig:-

 

Waxaa badan tilmaanta laga bixiyo Jaceyl-ka in ay ku soo aruurto jaceylka dhex mara Laba qofood gaar ahaan Lab-ka iyo Dhediga waa haddii si kale loo yiraahdo Wiilka iyo gabadha iyadoo dadka qarakiiba ay u fahansan yihiin Jaceyl oo dhan in kaa loola jeedo oo hadaad tiraahdo qofkaas waan jeclahay ay qofka jileecayaan in uu yahay qof dumar ah mar hadaad adiga rag tahay, dhanka kalana haddii aad tahay dumar la eegayo in rag uu yahay.

 

Waa sax waana mid-ka ugu muhiimsan marka laga soo tago jaceyl-ka waalidka ee ah kan ugu weyn waana mid loo baahan yahay oo wax badan laga hadlay Waxaana loo duceeyay dadka illaah dartiis isku jecel, waa wax meesha ku jiro in qofka aad ku raacdo tilmaamo qaar iyo waliba sida uu kuula muuqdo waana wax la amaanay in aad doorataa qofka kuu noqonaya wehel-ka iyadoo diini-yan la sheegay in ay haboon tahay in lagu doorto dumar-ka Diinta, aqlaaq-da, qurux-da, aqoonta iyo lacagta oo aanan ahayn muhiim, sidoo ay wanaagsan tahay in dumarka ama hablaha loo dooro nin diini-yan wanaagsan oo aqlaaq suuban iyana ay xaq u leedahay in ay doorato.

 

 

Dooqo qofka waa mid uu u madax banaan yahay Jaceyl-kuna maaha mana noqon karo wax la jilo ama la iska doon doono, Qofka cagligiisu dhan yahay waxaa uu kala garan karaa qofka jecel oo ay dhab ka tahay isagoo eegaya hadba qofka sida uu ula dhaqmayo dhanka hadal-ka sida uu u xushmeynayo iyo guud ahaan sida uu danaynayo ama ugu heelan yahay taasoo aan marnaba been been ku socon karin ilaa Jaceyl rasmi ah uu jiro mooyee.

 

Xigmad ayaa Oranaysa ''Don't marry someone you can live with, Only marry the person who you cannot live without" Ha guursan qof aad la noolaan kartid, balse guurso qof aadan la'aantiis noolaan karin (joogi karin) macnaha xigmadaan ayaa isugu soo aruureysa in qofka aad guursanayso aad ku doorato Jaceyl, qof aad si caadi ah ula noolaan karto ha guursan oo marka uu kula joogo ama kaa maqan yahay ay isugu kaa mid tahay waxaana loo baahan yahay in qofku noqdo mid mar walba maskaxdaada ku jira oo aanan si naba uga bixin, kusugi kari waaya marka aad maqan tahay, kaa wel wela oo kaa fakira sidoo kale kugu faraxsan mar walboo aad la joogto maaha qofkaas qod aad si caadi ah ula noolaan karto ee waa qof aad jaceyl kula noolaan karto.

 

 

Jaceyl-ku maaha maalin qura ee la xuso ma ogi haddii lagu xasuusanayo maalin gaar ahaaneed sida maalintii aad isbarateen, maalintii aad isguursateen ama maalinmo kaloo xasuus gooni ah idiin leh, taana macnaheedu maaha in xaflad la dhigo ama xus ahaan la weyneeyo ee waa in aad mar walbood soo xasuusataa wanaaga qofka aad jeceshahay aad illaah ku xamdisaa taasoo noqonaysa in aad noloshaada u heshay qof wanaagsan si illaah raali ka yahayna u maareysaa jaceyl-kaada oo aad xaqdhowrtaa misana ilaashataa.

 

Waa in jaceyl-ka dhex maraya labada qof uu lahaadaa xad ilaa loo gudbo in ay isku xalaal noqdaan oo XAAS ay noqdaan, waana in ay si deg deg ah ugu gudbaan waxaana loo baahan yahay in aan lagu taxal tagin xiliga xod xodashadda (is shukaan-siga) waxaadna arkeysaa iyadoo la leeyahay waxaan qofkaan wada soconaa oo aan is jecel-nahay mudo dhan intaas oo sano taasoo u muuqanaysa mid karaahiyo ah mar hadii awood aad u leedahayna ay wanaagsan tahay in aad guursato qofka aad jeceshahay inta sheydaanku uu mar walba idin dhex taagnaan lahaa idinkoo kala ajnabi ah, waana wax aan la is moogeysiin karin in halkaa ay ka imaanayso isla joogid waqti badan, is dhunkasho iyo is taataabasho aanan sharci ahaan banaaneen.. tiiyoo aad heli karto in iyadoo illaah uu raali idinka yahay aad si sharci ah iskula qaadataan waqtigiina.

 

Waxaad jira dhibaatooyin badan iyo isfaham la'aan lagala kulmo Jaceyl-ka waxaana badan lamaanaha isfaham la'aanta soo kala dhex gasha taasoo ay u wacan tahay hadba xaaladaha kala duwanaansho ee bini'aadamka taasoo ay u sii dheer tahay kala aragti duwanaanshaha xiriirkooda iyo in qof kamida labadooda uu ka waayo qofka kale arimo uu si gaar ah u danaynayay ama uu ku arko waxyaabo uusan jeclaysan oo qofka kalena la ah wax iska caadi ah taasoo sababta in mar walba ay badato eeda ay isku soo jiidinayaan waxaana halkaas ka muuqata in jaceyl jiro mar hadaad aragto in labada qof ay murmayaan sida ay qubaradda ku xeel dheer sheegeen.

 

Labada qof ee is jecel waxaa yar kuwa isla bilaaba oo isla dhameeya muran, masuug iyo maseyr la'aan waana wax aadmigu ka samaysan yahay oo ku beeran taana waxaad ku ogaan kartaa marka aad aragto laba qof oo shalay murmayay ama kala aamusnaa oo maanta iskula jooga farxad maaha in jaceylkoodu soo gaba gaboobayo hadii ay wax soo kala dhex galaan ee waxaa jira dareen labada qof ay wadaagaan oo ka dhaxeeya oo isku soo jiidaya sidoo kalana ilowsiinaya wixii dhacay taasoo qof walba uu ku qasban yahay isagoo eegaya jaceyl-kiisa iyo sida uusan u joogi karin qofka kale la'aantiis waana tilmaamaha Jaceyl-ka.

 

Waxaase ugu nasiib badan Jaceyl-ka labada qof ee isu samra ee kala qaata amarka isana adeeca waxaana inta badan loo baahan yahay in ay ka imaato dhanka marwadda oo iyadu ay marwalba ahaataa mid dulqaad badan oo hagta hab nololeedka qoys-keeda maadaama uu nabigu N.N.K.H yiri haddii qof bini'aam ah haloo sajuudo la oran lahaa waxaan dhihi lahaa Ninka naagtiisa ha u sujuudo taasoo ay kuu muuqanayso in kaalinta ugu badan looga baahan yahay iyadda.

 

Hadaba Diinteena Macaan waa wada Jaceyl miiran, mana lahan Jaceyl-ku maalin gooni ah waana wax aadmigu ku beeran, Mar haddii shalay aad ku dhalatay Jaceyl gaar ahaan kan Hooyadda bari-na aad dhimanayso adigoo allahii ku abuurtay uu ku oofsan doono ma jirto sabab aad wax u necbaato ama aad uga murugooto mustaqbal-kaada waana in aad ku kalsoonaataa rabbi S.w ugu horeyn mida xigtana aad meel iska dhigtaa dadka muujiya saadaasha xun aan iraahdo cadowga Jaceyl-ka waana in aad si dhab ah u abaartaa ujeedadaada adigoo illaah ka baryaya in uu towfiiqda ku waafajiyo.

 

Tashadaa ma guursado" Soomaalida ayaa ku maah maahda waana arin muhiim ah oo meesha ku jirta in aadan taladda badsan ee aad adiga ogaataa waxa kuu fiican iyo waxa kuu xun walibana kala doorashadda iyo dooqa wax kula wadaagi kara malahan. midse ku haay maanka iyo maskaxdaada in uu jiro calaf la mid ah maaliba waxa uu qaadirkaa kuu qoro ee aad quud ahaan u cunto waana in aad ku qanacsanaataa qadarta rabbi xili kasta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this