Sign in to follow this  
MAHUBSATO

Jaceyl dhab misa dheel???

Recommended Posts

Run ahaan jaceyl waa wax jira oo la kowsaday bilowgii Aadanaha Jirina doona inta uu ruux bini’aadam ah ku dul noolyahay dunida dusheeda, Ma jirto luqad caalamka looga hadlo aan laheyn weedha Jaceyl, Jaceylku wuxuu wada saameeyay dhamaan bulsha weynta caalaamka cadaan iyo madowba, haba kala duwanaato habaka saameynta, Jaceylku ma yaqaano Midib kala sooc sida Madow iyo Cadaan Taajir iyo faqiir, madax iyo miskiin, tani waxay daliil u tahay in uusan jaceylku aheyn wax ku gaar ah qeyb ka mid ah bulshada.

 

Dhab weeye caashaqu

 

Dhayal wuu ka weynyahoo

 

Dhaayahaa ilmeeyoo

 

Dhuuxiyo wadnahiyo

 

Dhamaan oogaduuu

 

Dhax jibaaxaa

 

Inkastoo xiliyadii hore aan lagu dhiiran Karin ka hadlida Jaceyl iyo amuuraha ku lifaaqaan hadana waxaa maantay guul lagu faani karo ah in jaceylka laga sameeyay qooraalo farabadan oo dhaxalgal ah.

 

Waa huubaal in uu jaceylkuyahay wax Aadane soo mara kan ugu qiimaha badan waayoo waa dareen si dhab ah u taabanayo nolashaada, waqtiyadan dambe waxaa jaceylka laga yiri hadalo farabadan, ruux kastana waxuu u qeexayay sidii uu u soomaray, Ka qoraa saxafi ahaan waxaan waxaan dhihi lahaa.

 

Cudur weeye caashaqu

 

Caalamku ogyahay

 

Calana usaaray

 

Ciribtirna u waayay

 

Calaamadiisu waa catoow

 

Ceebtiisu waa xishood

 

Caadadiisu waa cabsi

 

Abwaanada oo ah afhayeenada bulshada waxa ay jaceylka ka yiraahdeen hadala farabadan, qaarbaa ku tulmaamay inuu yahay cudur aan daawo laheyn, waxaanse anigu aad ula dhacay Abwaankii yiri “ Waa macaan ama waa qaraar kolba waa siduu kuu soo maree” Jaceylku waa seef laba afle ah oo aan lagaraneyn dhanka ku soo abaari doono, Waxaa jirto in ilaa amintan aan maqaalkan qorayo la la’yahay macne ama fasiraad waafi ah oo la isla aqoonsanyahay oo lagu til maami karo jaceyl, waayoo shaqsi kasta wuxuu jaceylka ka aaminsanyahay figrad gaar ah, tusaaale ahaan ruux hantay qofkii uu jeclaa, nolal raaxa lehna la wadaagay , Rabina uu kala siiyay owlaad xalaal ah, wuxuu jaceylka ku tilmaamaa macaan aan noociisaba dunidan lagu arag, dhanka kale ruux Axdi looga baxay daleed maranna lagu dhaafay indhihiisa oo shanta ahna laga raacay midkale wuxuu jaceylka u yaqaanaa qaraar, cudur aan dawo laheyn iyo dhibaato aan ka soo waaqsi laheyn.

 

Hadii aan isku dayo inaan qeexo jaceyl, waxaan oran lahaa waa dareen xoogan oo uu Rabi (S.W.C.) ku beeray gudaha qulSubta Aadanaha, kaas oo kuugu qasbaya rabitaanka ruux gayaankaaga ah, dabcan waxaad ku jeclaan kartaa Dabeecad wanaagsan oo uu qofkaa leeyahay, qurux uu Eebbe ruxaa si gooni ah ugu deeqay, abaal uu kuu galay oo kuugu reebay jaceyl , aqoon uu leeyahay, magac iyo maal uu dadka kale dheeryahay …….

 

wax yar ka dib ayay kalkaalisadii soo agmartay , muniiro ayaa u yeertay una sheegtay arrintii , wey ka ogolaatay kalkaalisadii sidaa ayayna ula socodsiiyeen reerka wixii jira , hooyo seynab roodo oo ay deris ahaayeen isla markaana gurigooda uu axmed juqraafi kala soo xiriiri jiray fani ayaa hooyo seynab ka ogolaatay in ay carruurta la joogto waxayna si aad ah uga damqatay dhibta gaartay fani oo ahayd

 

gabar ay dadku wada jeclaayeen .

 

 

 

dhanka kale hooyo cibaado oo muniiro hooyadeed ahayd ayaa iyadana arrinta fani daahir qabsatay si aad ah uga murugootay iyadoo ogeyd in fani tahay gabadheeda saaxiibteed , markii ay labadoodii waa hooyo seynab iyo muniiro ay soo dhameysteen dantooda ayay goobtoodii ku soo laabteen .

 

waxaa isagana yaabanaa axmed juqraafi oo sidii ay gacalisadiisa ballantii ay dhigteen ugu imaanweysay ay xaaladiisu cakirneyd , subaxnimadii axmed juqraafi wuxuu ku kallahay talefoonkii uu ka wici jiray fani ee guriga deriskood ku jiray , durbadiiba wuu dhacay waxaana ka qabaty roodo ,

 

axmed juqraafi xitaa gabadhii uu sida deggan u salaami jiray maanta wuxuu hadal uga bilaabay fani ma joogtaa abaayo iigu soo yeer si degdeg ah fadlan .

 

roodo ma aysa aqoon axmed juqraafi laakiin wey ogeyd in uu yahay wiil fani ka soo waca magaalada nairobi ,

 

iyadoo ka yaabban degdegta ka muuqata ayay u sheegtay waxa ku dhacay fani iyo weliba in ay shil gashay oo ay isbitaalka ku jirto .

 

axmed juqraafi markii ay hadaladaasi dhegahiisu ku dhibceen wuu naxay oo is madax maray inta uu mobile_kii dhegta ku dhejiyay ayuu ku yiri yaaaaaaaaaaaaah ! ha igu ciyaarin abaayo runta ii sheeg iigu soo wac iyadaan rabaaye .

 

roodo inta xanaaqday ayay ku tiri..war adiga war kuma galo miyaa been miyaad iigu baratay aniga sow mar kasta kuuguma aanan soo wici jirin , aboowe gabadhu isbitaal ayay ku jirtaa gaari ayaana shalay madaxa ka jiiray marka hadda xaaladeeda ma ogi welina uma tegin .

 

axmed wuu xaqiiqsaday arrintaasi inta uu talefoonkii damiyay ayuu qolkiisa si halhaleel ah u galay isagoo aad moodo in wadnuhu dhulka soo dhici rabo Allahayow xanuun badanaa naf uu caashaq sahansaday , sanbabada dhexdoodiyo uu ku saaqay feeraha .

 

axmed wuxuu muujinayay deganaasho laakiin waxaa ku adkeyd in uu arintaasi xaqiiqsado, inkasta oo uu mar mar isku fiirinayay waxa isku soo beegay in gacalisadiisa sida aadka ah u jecel ay ka baaqsato balantii ay wada lahaayeen iyo in loo sheego in gacalisadiisa ay shil gashay ,

 

wuxuu axmed juqraafi fakaraba wuxuu markaan go, aan ku gaaray in uu waco walaashiis muniiro oo uu u arkay in ay tahay qofka keliya ee u xaqiijin kara arrintan murugada ku beertay, inta uu hadana mobilekii soo qabtay ayuu wacay muniiro oo xilligaas ku sugneyd isbitaalka ,

 

markiiba muniiro markii ay ogaatay in uu axmed yahay waxay ula baxday meel gees ah, muniiro wey naxsaneyd waxayna is weydiineysay sida ay ugu sheegi doonto amarka dhacay hadana waxay is tiri..run iyo ilkaba waa la cadeeyaa ee waxa jira u sheeg ..............

 

 

Kalsoonida waxaa lagu muujin karaa habaab kala duwan oo isugu jiro ficil iyo dareensiin labada, waxaa ka mid ah ilaalinta balanta idiin dhaxeysa jaceylkaaga, waxaa kaloo kalsoonida lagu abuuri karaa adiga oo jaceylkaaga la qeysada farxaa iyo murugada labadaba, is weydaarsiga hadiyadaha waxay kobciyaan oo kor u qaadaan Kalsoonida, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Gacmo is dhaafaa Gacalo ku jirtaa, waxaa aad u wanaagsan inaad wax uun u hadiyeyso Jaceylkaaga Ubaxba alaah ka dhigee gaar ahaan xiliyada farxada sida maalmaha ciida, Kalsoonida waxaa kobciya booqashada waqtiyada dhibaatada sida marka uu xanuunsanyahay ruuxa aad jaceyl wadaaga tihiin ama laga xanuunsanyahay.

 

Dejinta iyo u nasteexaynta jaceylkaaga marka uu isku buuqsanyahay waxay keeni kartaa in uu aad kuugu kalsoonaado oo uu kuu kashifo sirtiisa hoose ahaaneed, kaftanka aan xad dhaafka aheyn wuxuu abuuri karaa kalsooni farabadan, inaad barto asxaabtaada qofka uu jaceylka kaala dhexeeyo waxay gacan weyn ka geysan kartaa unkida Jaceyl dhab, dabacsanaanta isku dheeli tiran ee labada dhinac iyo waa tashiga joogtaada ah waxay gundhig iyo aas aasba u noqonkaraan kalsooni iyo gacaltooyo aan marna gureyn.

 

Waxaa aad u sahlan inay si sahlan ku bur burto Kalsoonida aan hada ka soo sheekeynay, iyada oo eersaneysa waxyaabo basiid ah, waxyaaba burburinkara kalsoonida waxaa ka mid ah la socoshada qof kale iyada oo uu kuu lug xiranyahay kii hore, ugu dambeyn marka uu kuugu ogaado waxaa dhacda in uu si fudud kaaga qanaaso go'aan adagna kaa qaato, waxaad maqleysaa hebel iyo heblo oo mudo wada socday ayaa safaaradaha kala qaatay, markii aad si qoto dheer u eegto waxaa kuu soo baxaya in uu mikood ahaa qiyaanoole doonayay inuu isku dul furo xiriiro farabadan, wax yaabha burburinkara kalsoonida waxaa ka mid ah sheegida hadaladii uu kuugula haasaaway jaceylkaaga, sidaa daraadeed waxaa haboon in aad xafido sirta uu kuu sheegtay saxiibkaaga, ogaatana in sababta laguugu aaminayna aytahay jaceyl iyo kalsooni laguugu qabo, gambiska iyo balan baxyada joogtada ah waa hooyada burburka kalsoonida

 

dhamaad dhamaad dhamaad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Gartey. Oo maqaalkani ma adigaa soo diyaariyey mise meel kale ayaad ka soo min guurisey?

 

Mar labaad ayaan, Insha-Allaahu, isha marin doonaa oo aan murtida ku dheehan dhuuxi doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aan soo miineeyo, ama aan soo diyaariyo waa isla meeshii.....

Laakiin waxaa muhiim ah intaad aqrisid oo aad ra'igaaga ka dhiibato!!!

 

 

^^Mahadsanid^^

Share this post


Link to post
Share on other sites
Originally posted by Abwaan:

lol...dheel u badi! :D[/quote

 

Dheel beeel......

 

Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga...

 

Abwaan adiga aabahaa ayaa naag kugu darey ayaan u maleynaa? cuz Jaceyl maadan soo marin ... Sideey ila tahay :dd...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Malaha waanad ogeyne

Ayaan uurkiyo maanka

Wadnahayga agtiisa

Sida aayad ku taallaa

Uumiyaha u tusaayee.....!

 

Halkaasuu jacayl iga joogaa Mahubsato, adna wax akhri baad i leedahay! Nin liittoo, ludda iyo laftuba huqda jacayl la luudaanba ahaye maad taxliil ii tuftid horta indhaha ha ii furmaane? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Halkaasuu jacayl iga joogaa Mahubsato, adna wax akhri baad i leedahay! Nin liittoo, ludda iyo laftuba huqda jacayl la luudaanba ahaye maad taxliil ii tuftid horta indhaha ha ii furmaane

talented walaahi.waraa caadi ma tihid..I can't imagine inta islaamood aad jilbaha dhulka u dhigtay lool

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr Paragon... intaas hadaad aqrisid inaa jeceelka koolkoolisid aan rabaa camal ee markaad aqrineeysid ugu yaraan 5bakeeri Shaah ah iyo xaarin daango inaa usoo dhigataa rabay.. oo intaas hal maalin ka dhigtid ...Cawasho aaba keentay bee wah :D:D:D:D:D

~

 

Jaceylka waa mid ka mid ah xalaadaha ugu weyn aduunka!!!

 

 

~~~~~~Waan kugu hanweeynahay ~~~~~~~~

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Jidhka meeshi ku xanuuntaaba waa cudur. Kolkuu xaasku kaa maqan yahay waad ogtahay JB'yoow in meeli ku xanuuni.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Originally posted by MAHUBSATO:

MR Paragon...Tahliil ma u baahnid insha oo aan kuu jabiyaa kugu filan ---looooooooooooooool

 

 

MHD

Il jebis aa, Mahubsato? War il jebin waxba ii ma tareyso nooh. Is jejebis kale ayaa i daweyn kara un ee bal is qal qalooc weliga ma maqashay? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rayyan   

Jaceyl dhab misa dheel???

 

meeshan wa laysku waala baan u malayn! lol

 

Caashaqa Dhabtah ... wa lala dhasha

Adigoo dhalaanu ... dhuuxa ka gala

wa ku dhawyo ... ka dheeryaho

Dhimashada horteed ... waad la dhaygagtaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this