Sign in to follow this  
wayrax

MAXAAD KA TAQAAN TAAROOKHDA HAPPY NEW YEAR

Recommended Posts

Taariikhdu markay ahayd 46 CH (Ciise Hortii) ayuu Boqorkii Rooma ee Julius Caesar (Juuliyas Qaysar) markii ugu horraysay 1da Jannaayo ka dhigay Maalinta Sanadka Cusub. Janus (oo ay ku magac darsan tahay bisha Jannaayo) wuxuu ahaa ilaaha Roomaanka ee albaabbada iyo ganjeellooyinka, lahaana labo weji oo midna uu gadaal eegayo midna horay.

 

Qaysar wuxuu is tusay in bisha loogu magac daray ilaahaas in ay tahay midda ku habboon in ay noqoto “albaabka” laga galo sanadka.

Cawaaniintii Rooma waxay sanadka cusub ku calaamadayn jireen khamri cabbid iyo faaxishooyin kale oo rabshado wata oo tiro badan si ay ugala mid dhigaan sidii uu adduunku u kharribna intii aanay ilaahyadu isku duwin.

Dad badan "happy new year" ku qafiifay u baahan taas inay ogaadaan.

 

Sabab loogu dabaaldego waaba la yaabanahay. Waa maalin kale lee, waliba qaboob badan.

 

Haye, adigana xayirsiinta shabakadaada intee mareysaa? Meel heersare dheh. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
wayrax   

Saaxiib Macruuf,

 

Ma lihi shabakaddaas. Maxaan kuugu dhaartaa.

 

Laakiin aad baan u akhriyaa. Sida aad aragtayna xigashooyinkayga kuma koobna iyada uun.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duqa waa iska kaa dhiboyaa, inkastoo naga bad badisay shabakadaas, ee meesha kasii wad dadaalkaaga.

 

Teeda kale qof Afsoomaaligaaga daba galaayo oo ereyadiisa iyo naxwihiisa cusub ka helaa tahay. Dad yar inta ku jiro saas ah, oo Nuune kamid ah iyo aniga. Marka nagu soo biir dhiig cusub waa u baahneen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^Qabowga iska daayee, jiq eey kugu eheed yaah xalay? icon_razz.gif

 

 

MAXAAD KA TAQAAN TAAROOKHDA

While I like to think inuu afSoomaaligeyga aqriskiisa/qoristiisa/ku hadalkiisa inuu fiicanyahay, TAAROOKHDAna xey eheed bisinkee? :D

 

Qaysar wuxuu is tusay in bisha loogu magac daray ilaahaas in ay tahay midda ku habboon in ay noqoto “albaabka” laga galo sanadka.

Toloow “albaabka” laga baxaayo sanadkana (December) maxaa loogu magacdaray?

 

Happy New Year!!!

 

 

PS, Wayrax soo dhowoow, tafadal...

 

Pss, macaga 'Wayrax' wuxuu isoo xasuusiyay hees aan Soomaaliya ku maqli jiray 'Wankaa waa wayraxaa, wankaa walaxaas wadaa'... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

Wayrax hadduusan laheen websiteka wuxuu u xayeeysiiyo waa kii REERKA. Tolnimo saas aa la dhahaa ama waa la iska dhafaa xitaa Kool Kat ayuu dadaalka wayrax soo jiitay.--LOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

^Bisinka maxaa idin dhul saarey wiilka.Maxa dhib kujiro haaduu postgarey articles from the above site,Hows it different from hiiraan,Allpuntland or any other news hosting site?

 

Wayrax,walaalkiis soo dhawoow.Aad iyo aad baad umahadsantahey sidaa aad nola wadaagtey maqaalkaan qimaha badan iyo kuwii kale,inkasto ay wada gedonet yiihin.Bal marmar Hiiraan-online iyo ALlpuntland guji :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
wayrax   

Inta aad i taqaannaan baaba iska yar. Markii aan yaraa oo aan ku korayey baaddiyaha Garbaharrey, Il-mudac ayaa lay oran jiray. (:

 

Waan yara maqnaaye, cidna siko kama yeeleen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this