Sign in to follow this  
nuune

ila qosol aan innaba caadi aheyn

Recommended Posts

Haatu   

LooooL @ "alla muxuu diin wa**ey" :D

 

Rag waalan oo wada shidan sida Brtitish Gas ayaa meesha ku jira :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

guri ayaa tuug u soo dhacay markaa ayuu ku soo beegmay maqsin gabadhi hurdo soo malaha maradu ka yar dhacday wixii uuu u socdayba inta uu ilaaway ayuu isku qaaday mindina intuu ku qabtay yidhi car juuq dheh..way aamustay hanada yidhi car juuqdheh ... wali ma hadlin inantii hadana yidhi hadaad juuq tidhaa walaahay inaan mindidaa ku gali ...markaa ayay tidhi deeeeeeeeeeeeeee adiga ayaaba buuq badan ...............lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Masjid Minneapolis ku yaal oo dad intay Salaad Subax tukadeen, fafadhiyaan, baa waxa si kedis ah kusoo galay Gaal Ameerikaan ahoo middi weyn sita. Dadkii Salaadda tukaday buu weydiiyey: Qof Muslin ahi ma idinku jiraa?. Dadkii way wada baqeen, laakiin hal nin oo geesi ahaa baa yiri: Aniga ayaa Muslin ah. Gaalkii baa ku ...yiri: Dibadda ma iigu soo bixi kartaa?. Kolkii dibadda loo baxay buu ku yiri:

Waxan wataa Wan aan doonayo in qaabka Muslimiintu xoolaha u gawracdaan aad iigu Gawracdo iiguna Maqaar bixiso. Muslinkii Wankii inta uu gawracay buu Gaalkii ku yiri: Anigu waan kuu Gawracaye cid kuu Maqaar bixisa raadso. Gaalkii baa Masjidkii ku laabtay isaga oo middidii oo dhiig ka da'ayo sita. Dadkii ayuu weydiiyey: Qof kale oo Muslin ahi ma ... See Moreidinku jiraa?. Dadkii oo dhan baa hal mar Imaamkii Masjidka farta ku fiiqay. Imaamkii oo jaraynayaa waxa uu yiri: War miyaad waalateen?. Ma labada Rakco een idin tushiyey baan Muslin ku noqday?.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Kulmiye, qosol ma la rafatay. I am telling you man, I am like a kid in a candy store. reading all this funny stories. Sheeko waliba sheekada kale ka daran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Mid kale oo cusub bal iga hooya.

Way iska fiicantahay in aan idiin digo, marka qoladiinaan cusub qofkii 18(15 run ahaantii) ka yar kor hau baxo camal.

 

waa tan.

 

Nin iyo naag is qaba aya bariw axay ku heshiiyeen in aysan is qayaanin,

oo aanay wax gogol-dhaaf ah sameyn. Maalin maalmaha ka mid ah ninkii

safar ayuu u baxay, gooruu soo laabtay ayaa naagtiisii waydiisay, Xaaji

heshiiskeenii ka waran oo maxaa ka hergelay? ninkii ayaa jawaabay oo

yiri: Ilaahay wuu i baxsaday mar aan ku si...gtay in aan ku dhaco

gogol-dhaaf, hayeeshee waxaan xusuustay ballanteenii, sidaas ayana uga

dul-kacay naagtii.

 

Naagtii ayuu waydiiyaya iyadana heshiiskii

sida ay u hergilisay, waxay ku jawaabtay, waad iga nasiib badantahay

aniga wuu iga sareeyay ninka oo hoostiisa ayaan ku jiray markaa wax

akhtiyaar ah ma lahayn!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Midko lo jir ah ayaa gabar sac dhiin ah la socota ceel korkiis kula kulmay. Sicii ayuu u waraabshay ka dibna ku sii daayey lo'dii kale. Xus yar oo meesha ka fogeyn ayey u dhuumasho tageen.

 

Fiidkii markay hooyatay ayey odaygii dhalay u sheegtay wixii dhacay. Waxay tiri: Aabe Ina Hebel ayaa wax gees lo'aad le'eg oo gunta baabul ku hel siduu narjaq narjaq ooga siinaayey dheecaan danbas cadka oo kale ah kaga keenay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Mid aaan asxaab nahay ayaa islaan Eedadii ah beri u waday Magaalada si ay usoo Dukaamesato, ayagoo TAX saaran oo sheekeysanaaya ayaa islaantii hal mar shib dhahday oo afka xeratay, yarkii ayaa iagoo yaaban ku dhahay Eeddo maxaa ku helay? saa wali way shibantahay? Almuhim dhowr daqiidadood kadib ayaa islaantii u jawaabatay oo ku titi: Waxaan iska baxinayay Salaadda Duhur!!.

Maalmo kaidb, ninkii aan saaxiibaha ahayn wuxuu u martiayya islaantii xilli la joogo Salaadda magrib, waxay u keentay Salli, si uu ugu tukado, wuxu ugu jawaabay Mahadsanid Eeddo Wiiska(the elevator) ayaan ku soo tukaday.

 

Wallee dadkiinaan dhulka ninka cad ka yimid wax waa keenteen...Salaad Babuur socod lagu dukaayo maxaa waaye?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ lool@wiishka

 

 

Nin baa wuxuu isla qabey laba naagood, labadooda gurina waaba isku dhaganyihiin waxbaba uma dhaxeeyo oo waa la is maqli haddii aad loo qeyliyo.

 

Ninka labada naagood mid unbaa hal ilma ah u dhashey, tan kale wali wey rimantahay, marka inta uu guriga kale joogo ee uu cunugiisa ciyaarsiinayo ayuu aad ula qoslaa ilmaha yar, tii kale waa ay maqashaa ninka qosolkiisa waxeyna aamintay inuu la dheelayo ama la qoslayo tan kale oo uu aad u jecelyahay,

 

 

xariiftii waa maseertay, furkey tuuran rabtaa, dhiilkaana ku gubtey, waxey sameeso ayey garan weyday, oo waxey is tiri ninkaaga naagta kale waaba uula ciyaarayaa lana qoslayaa mar kasta ee see wax kaa yihiin, kaarto ayey dagtey,

 

waxey go'aan ku gaartey inta aysan maryaha xoorin iney weydiiso sababta uu u qoslayo marka uu naagta kale la joogo,

 

 

ninkii baa ku jawaabey waxaan la qoslayey af aan ilka laheyn(yacni ilmaha yar), wuuna iska dhaqaaqey si uu usii aado tookadiisi habeenka ay naagta kale ee ilmaha heesatey,

 

 

xariiftii marka intaa lagu yiri maba aysan ka sii fakirin in afka ilkaha aan laheyn lagu wado cunuga yar, baa intey soo baxdey bey iska wada jabisey ilkihii dhannaa ee ku yaaley, hal xabbo iskuma aysan reebin walaaa fool walaa mici walaa gaws wixii dhannaa wey iska jajabisey ayadoo isu diyaarineyso in caawoo dhan lala qoslo lalana dheelo,

 

 

habeenkii danbe ayaa odeygii ku soo hoydey gurigeeda si uu u fuliyo tooka bar tookadiisa, saq dhexe mar la joogo sariirtiina gogoshey si aan caadi aheyn bey isu diyaarisey, iyadii baa sariirta kaga hormartey oo iskala dhigtey, tartana taageeyso, afkana furatey, waaba af aan laheen hal ilig, markaasey tiri kaalay aan wada dheelnee xabiibii, aan wada qosolnee jaceelkeena aan muujinee,

 

 

intuu saas u fiiriyey ayuu ku yiri, naa maxaa ku helay go'do, waa maxey sidan oo ilkahaagi maxaa ku dhacey, waxey ugu jawaabtey oo naagtaada kale ilkana ma lahanee waad la qososhaayee lana dheeshaayee ma anaad i xasdeesaa, aniguba af aan ilka laheyn ayaan leeyahay, naagtaadana waxba ima dhaanto :D

 

 

inkaar qabihii halkii buu ku furey naagtii, nin la'aan iyo ilka la'aan ayey isku darsatey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this