Sign in to follow this  
nuune

ila qosol aan innaba caadi aheyn

Recommended Posts

Indhoos   

Okey may be not as funny as that one, but here it goes anyway...

 

Ninbaa wuxuu dumaalay walallkiis haweentii uu ka dhintay…aad ayuu ugu roonaa lakiin marna kabihii walaalkii wuu buuxin waayay, maxaa yeeley haweentii uunbaa guraysa “ala jana galihii sidaan buu yeeli jiray, ala alle ma cadaabihii sidaas buu yeeli jiray.” Kaaga darane ninkan wuu ogaa walaalkii inuu naagtan u darnaa oo waliba maalin dhaaf u garaaci jiray.

 

Maantii dambe ayuu ku yiri, Naa heblooy maadan horta jana galihii marna ala bari u samaynayn? Markaasay tire ala waa runtaa heedhe. Halkii bay ala bari inay abaabusho bilowday. Ala bariga maalintiisii uunbuu yiri, Naa heblaay, hadde adiga iyo islaamahaaga waad isku filan tihiin baan filayaa, anigu tuuladaan yara gaariye, haye bay tiri isagiina wuu jarmaaday.

 

Gadaal intuu ka wareegtay oo baligii tagay buu intuu Dharkii iska dhigay dhoobo iska mariyey tin iyo cirib bahal ulana soo disaarsaday. Markii qoraxdii dhacday uunbuu asagoo ordaya ka yimi dhinicii qoraxa ka soo baxa oo ah ku aadka qabrigii walaalkii…deetana naagtii buu ul kala daalay, markuu ka fara macaystayna orod ku sii dhaafay oo meeshii uu ka yimid aaday.

 

Naagtii jaf-jafatayoo iska kacday. Subaxii buu yimid isagoo caadi u labisan, ka dibna ka waraystay ala barigii ay jana galihii u dhigtay markaasay ku jawaabtay…

 

“Jinni madoobi dhifsayga, janana ilaahay ma tusee, ma haduu qabrigiina inuu idilo iiga soo noqtay awalbaan qaati ka joogay markuu noolaaye, dib dambe ha iigu soo sheegin.”

 

Ninkii intaa buu rabay, inaan waa dambe kii hore lagu misaalin hoostuu ka qoslay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
guureeye   

dhowr nin oo tuugo ah ayaa isa soo raacay waxay galeen beer si ay khudaar uga soo xadaan , markay beertii galeen ayaa nin walba waxbuu soo goostay

sida canbe,liin dhanaan ,saytuun ,qarre iwm.

NInkii liin dhanaanta soo goostay ayaa is yiri bax markuu iridii beerta marayo ayaa waxaa qabtay nimankii beerta lahaa waxay yiraahdeen ninkasta waxa uu soo goostay ayaa dabbada laga galinayaa loooooool.

NInkii meeshii laga sugayey inuu naxo ayuu qosol la dhacay,waxaa la waydiiyey war maxad ku qoslaysaa wuxuu ku jawaabay "waxaan la yaabanay ninka qarraha/xabxabka soo wata". :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Qisadaan (waa sheekadii Xaaji Maxamuud) waxaan usoo dhajinayaa Indhoos oo luuq kale isku calool xumeynoyso:

 

Naagbaa waxaa layiiri aduunka wexey ujecleed markuu odaygeeda uu habeenkii soo hoydo iney qolka wada sheekeystaan (sheekadana tan hadalka ubaahan ma'aha yaah :D )...Odaygii, Xaaji Maxamuud wuxuu bilaabay inuu sheekeysiga habeen walba joogtada ah kadaalo...Wuxuu ku fikiray haduu habeenkii aad isku soo daahiyo inuu guriga markuu yimaado eey Xaajiyada jiifi doonto...Habeenkii koowaad wuxuu yimid laba iyo tobankii habeenimo (12am), gurigiiyuu wuxuu soo galay uunsi ka carfaayo, markaasey Xaajiyadii qolka kasoo qeylisay "WAR WA'AYO?"...Waa Xaaji Maxamuud buu yiri, markaaseey tiri Xaaji soo dhaaf qolkaan ku jiraa...Habeenkii labaad wuxuu guriga yimid shantii habeenimo (5am), sidii habeenkii kahoreeyayoo kale guriga uunsi, xaajiyadiina wey soojeedaa "WAR WA'AYO?"...Waa anigii buu yir, markaasey hadana tiri Xaaji soo dhaaf qolkaan joogaayee...

 

Xaaladu markuu arkay inuusan meel uu uga fakado jirin, oo islaantii habeen walbo sheeko joogto eh rabto, buu habeenkii sadaxaad guriga dhaqso iska yimid, koley wey soo jeediyee...Markaaseey sidiiyoo kale hadana tiri "WAR WA'AYO?"...Wuxuu kujawaabay "WAA XAAJI MAXAMUUDOO AAN CAAWA BARTAA KUUSOO DHAAFEYN"!!!!!!! :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Caadi ma ahan alaabtaas yaa Koolo :D

 

 

ayaamahaan halihii yaraa shactirada iyo qosolka aan soo dhiitin jirey isbaaraa loo dhigtey camal, alaaba khatara aan soo wadaa ay ka mid yihiin

 

 

nin baa bari wuxuu damcey inuu shukaansado gabar, ninka gabadha ma yaqaano wajigeedana horey uma uusan arkin, suuqa ayuu ku arkey wuxuuna iska jeclaaday inuu la hadlo halkaasna ku guursado durbaba :D

 

xariifkii suuqa dhaxdiisi ayuu ku yiri gabadhii "walaal waan ku salaamay isla anigiina ayaana kaa qaadey" intey qososhay ayay tiri oo maxaad iiga qaadeysaa salaanta maba aan hadlinee, markaasuu yiri "anaa iska jeclaaday inaan kuu hadlo waayo waad daalantahay maanta" qosol kale intey ku dhufatey ayey tiri "oo ma alaabta aan gacmaha adeega ku wato ayaan ku daalay" intuu soo boodey ayuu ku yiri "keen aan kaa qaadee alaabat wey culusyihiinee" alaabtii ayuu gacanteeda kasoo fujiyey, intey qososhey ayey tiri "qadaa la iga sugayaa waana daaahsanahay" intuu so boodey ayuu yiri "anigaba waqtigaa igu yar" intey qososhey mar kale ayey tiri "alaabta wey culustahay ee feeraha yuusan ku xanuunin" intuu soo boode ayuu yiri ina keen waxan iyo wax ka badanba waan qaadi jiree, qosol kale ayay la dhacdey xarfaantii, intuu soo boodey ayuu yiri "walaalo qosolka inoo tartiibi qorraxdu wey kulushahayee" qosol kale intey la dhacdey ayey tiri "oo xagee lagaa soo direy"

 

waa siduu rabey intuu soo haadey ayuu yiri "adigaa la ii kaa soo direy si aan kuu caawiyoon qorraxda kuleelkeeda hoos kuugu noqdo" qosol kaloo laba koonbo ah intey la dhacdey ayey tiri "gurigeena waa la soo gaarey aabo iyo hooyo ayaa isugayo" waaba intuu rabey markaasuu ku yiri "aabahaa iyo hooyadaa ayaan soo salaami" qosol kaloo ashuun mugiis la eg ayey la dillaacdey markaasey tiri "oo maba taqaanid aabahay iyo hooyadey" xariifkii waaba u toostey markaasuu ku yiri "hadaan baranayaa hooyo iyo aabo"

 

 

qosol kaloo kildhi buuxa la eg ayey la dhacdey markaasey tiri "gurigeena waa kan" intuu soo boodey ayuu yiri "sug albaabka kore anaa furayee waad daalantahay adu joogso xagaa" intey dhoola cadeesay yaab iyo amakaag isku darsatey ayadoo is leh maxaad hooyo iyo aabo ku oran ninkan qalaad ee kula socdo sidee baad ugu sheegi,

 

meeshii ardaaga waxaa fadhiyey oo BBCda duhurkii ku dhageesanayay gabadha aabaheed iyo hooyadeed oo meel aan ka fogeyn shaah ku karineyso, gabadhii ayadoo yaxyaxsan iyo kii oo alaabta gacmaha ku wado oo iska happy ah dhoola cadeenayo ayaa albaabkii kore dalaq soo dhahay,

 

odeygii gabadha dhalay intuu fiiriyey ayuu yaabay gabadhaadina wey yaxyaxsantahay oo maba dhoolacadeeneeyso ninkan qalaad ee la socdana waaba uu iska qoslayaa oo waa happy.

 

 

habartii gabadha dhashey ayaa ayadna soo firiisey oo hoosta ka dhahdey gabadhayda waligeed nin ma aysan soo kaxeesan sidee wax u jiraan wax ayna noo sheegtayna ma jirto.

 

 

isla markiiba habartii iyo odeygii ayaa isla faqey oo dhagta wax iskugu sheegay waxbeyna ku heshiiyeen in lagu yiraahdo ninka.

 

 

gabadhii iyo ninkii horey ayey usoo dhaafeen albaabkii, ninkii salli ayaa lagu fariisyiey shaahna loo keenay, odeygii ayey BBCda isla dhageesteen intii ka harsaneed,

 

odeygii gabadha dhalay islaantii ayuu u yeeray illeen horey ayay iskula faqeen wixii ninka lagu oran lahaa :D gabadhiina waa loo yeeray, afartoodi ayaa isku hal meel wada fadhiistey

 

odeygii ayaa hadalka bilowdey oo yiri "maandhoow waan u jeednaa inaad gabadha aan dhalney aad gurigeena la soo gashey, sababta aad ula soo gashey mid aan hada ka wada hadleeno ma ahan, meeshaad ku baratayna gabadha mid aan hada ka wada hadleeno ma ahan, ee go'aan waxaan aniga iyo gabahda hooyadeed ku gaarney inaan ku siino gabadha oon kuu guurino :D "

 

 

gabadhii iyo ninka wey iska soo horjeedaan, xariifkaan kama qasna shaahiisa aa la iska cabaayaa markuu maqley hadalkii odeyga ayuu shaahii ku sixdey dhuunta u istaagey, gabadhii ayaa naxdey oo istaraasho iyo waxbey doontey si ay u caawiso gacaliyaheeda :D soo caawiyey ee jidka suuqa ilaa guriga la soo marey,

 

 

ninkii jawaab baa laga sugayaa illeen gabadhii waan ku siiney ayaa la yiri waana kuu guurineenaa, wax uusan filaneenin ayuu maqley waana indha adeegiisa waxa gurya dadow soo galiyey, hadal baa wali laga sugayaa walina wuxuu ku marmarsiyoonayaa qufac aan jirin iyo dhuuntoo xanxantooneyso

 

 

odeygii ayaa hadalka sii watey gabahdii ayuuna la hadlay, gabarteydiyey, waan ku siiyey ninkan waadna guursan kartaa ee horta magaciis ma uu hadli karee waa uu qufacayaayee

 

 

gabadhii ninka magaciisa ma taqaano afar daqiiqo unbey jidka la soo martey horena uma aysan arag afar daqiiqoo kalena halkan ayay wada fadhiyaaan, gabadhii su'aashaas argagax iyo yaxyax bey ka qaadey laakin meel cidla ah isma aysan dhigin wey u jeedaa sheekada meesha ay maraayso iyo sidey u fogaatey,

 

gabadhii baa tiri aabo magaciisa waxaa la yiraahdaa Cawaale Xaaji, odeygii markuu magaca xaaji maqley ayuu yiri alla waa reer xaaji oo yuu ka yahay aabo, gabadhii waxey gashey dabin aad u xun iyo isbaaro aan laga baxsan karin,

 

 

xariifkii ayaa cunaha inta uu xiix xiix yiri ayuu hadalkii qabsadey halkii ayuuna odeygii ugu sheegay magaciisa runta ah iyo meesha uu ka soo jeedo,

 

odeygii ayaa gabartiisa ku yiri aabo maxaad ii tiri ninka cawaale xaaji ayaa la yiraahdaa, markaasey tiri aabo waxaan doonayay inaad afkiisa ka maqasho magaciisa dhabta ah iyo cidduu yahay ee tani waa naaneestiisa :D

 

 

xariifkii ayaa hadalka sii watey, waxa uuna yiri "gabadha aad isiisey aqbaltu wa aqbaltu guurkeeda wa Inshaa Allaahu waan dhaqanayaa oon guursanayaa" gabadhii baa halkan yaab iyo wareer la taagan wey ka soo horjeedaa marka uu saas oranayo laakin meel naxda malahan asaga wuuna iska dhoola cadeenayaa waa nin isku kalsoon,

 

 

gabartii ayaa hadal laga sugayaa, markaasey hadashey oy iri "aabo anigana hadalkiina waan yeelay oo hadaad isiiseen ood raali ka tihiin waan guursanayaa"

 

islaantii gabadha dhashey ayaa mushxarad iyo alalaas ku dhufatay dariskii ayaa isku soo baxay meherkuba isla galabta ayuu dhacayaa arooskuna habeen danbe :D

 

 

sheekada wey dheereed waan soo gaagaabiyey, sheekadan nin aan saaxiibo nahay for a long time ayay ku dhacdey waana joogaa xariifkaas iyo xaasikiisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabar Baa oday reer waqooyi ah oo soo gatay markaas caday waxay ku tiri ala adeer caday maa qaar dabada iiga jabisid odaykii wuu yaabay markaasuu yiri ku soo celi maxaad tiri markaysay tiri adeeroow cadyka inta jilicsan dabada iiga jabi odaygi intuu yaabay buu yiri sow maadhay dabadu ku xanuuni mayso

Share this post


Link to post
Share on other sites

First of all Asc all My somalian ppl bacdi sln im new at this web ilaa hadana wax soo dhaweyna ma arko maxaa dhacey sidaa miyaa martida u gashaan horta ilaahey haydin tuso dariiqii aad martida ku soo dhaweyn laheydeen marka xigta habalaha aan yara dacaayadeeye

hablayahow dirac haafbaaca ayaad iska sidataan iyo googarad waaraad ah iyo dacasyo sagaal iyo badh ah inamadana masoo dhaweynaysaa wats Goin on maxaa jira anyhow intaasina kaftan hayga ahaato peace up guys~~!!!!!!!!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Nuune, in aan is qarxino iskuma ogeyn sxb. any ways waxaad ka tagtay the part where teh dad asks me of my Qabiil, abtirsigeygii iyo Gabayadi aan ka tiriayay meesha :D :cool:

 

Maxaadeeyoow waa ku saay, yaa waa dhacdaa lagu leeyahay xaad kaloo rabtaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

adeer caday maa qaar dabada iiga jabisid odaykii wuu yaabay markaasuu yiri ku soo celi maxaad tiri markaysay tiri adeeroow cadyka inta jilicsan dabada iiga jabi odaygi intuu yaabay buu yiri sow maadhay dabadu ku xanuuni mayso

 

----------

...Wuxuu kujawaabay "WAA XAAJI MAXAMUUDOO AAN CAAWA BARTAA KUUSOO DHAAFEYN"!!!!!!!

 

----------

Intuu cabaar is war wareejiyay, marba si kale ufiiriyay buu yiri 'Walaan kaas horay u arag'...Dadkii qof ka mid ah baa yiri 'Ma Woow gaadaan garaneyn'... Intuu halgacan sinta saartay, gacantii kalena garka ku qabtay buu wuxuu yiri 'Aduun halaga sabro haduuba woowgii sidan u ekaaday'..

 

----------

Nin baa waxaa lagu yiri. war illahay ka cabso. markaasuu wuxuu yiri: xaan illaahay ka ba'shay mugaan ka cabsaayo.

 

----------

macallinka ba arkay geedkii oo shinbiro ku sawirnayn. markaas ayuuu yiri warayaa aaweye shinbirihii geedka saarnaa .. ardaygii ayaa macalinka ugu jawaabey “Dee macalin adigaa sacabiyay”.

 

----------

Oday Qalbi wanagsan: Dee haduu shaydaanku tukanayo u daaya hasoo galee.

 

----------

Islaan ayaa loo sheegay inuu inankeedii diinta ka baxay oo uu Kiristaan noqday. Intay la hadashay ayay ku tidhi: "Hooyo, kollay waakaas oo Diintii kala dhaqaaqde e, Bal Gaalnimadana ha ku Ceeboobin"

 

----------

Dhakhtarkii baa ku yidhi, lacagta ha iloobin ee inanka maqalka jooga u sii dhiib. Ninkii baa yidhi, Diktoore adiguna iska dhaadhici in aan lacagtii ku siiyey!!!

 

----------

Caliyow adiga oo heysta laba shilin haduu aabahaa kuugu daro afar shilin meeqa shilin ayaad haysataa Cali wuxuu ku jawaabey labo shilin, Macalimadii oo xanaaqsan baa tiri, Caliyow waxba xisaab kama taqaanid, Cali ayaa ku jawaabay macalin adna aabahey waxba kama taqaanid

 

----------

Hooyo aabe bidaarta maxaa u yeelay Kadib hooyadii ku jawaabtay: Hooyo Caqliga waaye,Kadib cuniga weeydiiyay Hooyo adiga caqli malihid miyaaa

loooooooooooooooooooooooooool wallaahi saan u qoslaayey waan fuuray! LOL. sxb inoo wad waraa JB sxb soo wad dee sxb, thanks to all contributors!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this