Sign in to follow this  
nuune

ila qosol aan innaba caadi aheyn

Recommended Posts

nuune   

Waa baa waxaa jirey afar nin oo beenaaleyaal ah, aad bey ugu takhasuseen beenta, degree shahaado ah unbaa ka maqnaa, oo dadku ka yaabey beentooda,

 

Afarta beenlow mid waa indhalaawe, mid waa dhagoole, mid waa lugalaawe, midna waa qaawane,

 

dadkii magaalada ahaa waxey garteen in la tartansiiyo afarta beenaale oo la ogaado koodi ugu been badan, subaxii danbe ayaa loo yeeray afartodu oo lagu yiri "waxaanu rabnaa inaanu ogaano kiina ugu been badan abaal gudna siino"

 

 

Dhagoolihii wuxuu yiri "sac baa seeri ka ciyey"

indholaawehii wuxuu yiri "arkaayoo giiran sacu"

lugalaawihii baa yiri "war aan rooroo jabino saca"

qaawane wuxuu yiri "war armaa layna furtaa"

 

 

Dadkii waxey garteen in afartuba ay kala daranyihiin oon midkoodna abaal gud gooni ah la siinin, mid kastaa waxaa la siiyey shahaado cadeeneyso qualificationkooda :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin bay xaaskiisu uur lahayd oo weliba waxay ku jirtay bishii ugu dambaysay. Ilayn inan rageed joogi maayee habeenkii dambe ayuu islaantiisa iskala ciyaaray oo ay iska raaxaysteen ilayn dumarkuna waa balayo oo albaabka looma tumee.

 

markii uu hawshii dhamaysteen ayay iska seexdeen. Ilaa Saacad ka dib ayay gabadhii ninkii toosisay oo u sheegtay inay fooshii hayso. Wuu yaabay ilayn xiligii imika ay hawsha ku jireen saacad uun baa laga joogaaye. Ninkii wuu werweray oo yidhi armaad ilmahaba wax yeeshay.

 

Wuu carary oo gaadhi u raadiyay, gabadhii buu qaaday oo cusbitaalka uu geeyay. Isagii werwer ayaabuu joogi kari la'yahay. Debedda waadhkii umulaha ayuu taagan yahay oo kolba inta uu xabad sigaar ah shito uu isagoo neef tuuraya markuu dhamaysto mid kele ku daba qabanayay.

 

markii waagu baryay ayaa loo sheegay inuu will u dhashay oo ay labadooduba caafimaad qabaan. Ninkii isagu weli wuu werwersan yahay oo hadalkaa kuma kalsoona. wuxuu dareemayaa inuu wax sameeyay ilaa uu war cad helana kuma kalsoonaan karo warka umulisada.

 

Intuu soo kacay ayuu u yeedhay gabadhii ka umulisay xaaskiisa. Wuu yidhi wax baan ku waydiinayaa. Waxay tidhi i waydii.

 

Intuu gacanta qabsaday oo hareeraha iska eegay ayuu dhinacaa iyo meeel koone ah ula dhaqaaqay. Markuuu hubsaday inaan cid kele maqlayn ayuu waydiiyay:

 

"ILMUHU MADAXA WAX MA KA QABAA ?? "

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin baa riwaayadd Burco ka dhigay , markii ay bilaabatay riwaayaddii ayuu , dadkii soo hor istaagay uu yidhi , Way kan , markaasuu baxay oo soo noqodday oo yidhi haddan way kan , oo baxay oo soo noqoday oo yidhi haddana way kan .

 

Riwaayaddiina halkaas ayey ku dhamaatay .

 

Reer Burco intii ay ninkii lacagta u doonan lahaayeen , ayey dadkii daawanayey iswadda dileen oo laba waliba feedh iyo budh iskala daashay , adigaa la ogaa iyo addiga la ogaa . iyo maxaad noo soo wanjashay.

 

kuwii dibadda ka dhegeysan jiray rewaayaddaha ee wax shiidi jirayna qudhooddii is dileen , caawa shiidkii aan waxa shiidi lahaa ayaa la iga jiidhay.

 

Subaxii danbena dadku shaaha ayey wadda cabayeen .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Talking about Burco.. Waxaa la yidhi Burco ayaa beri daacuun ka dilaacay. Dad badan ayaa cisbitaalka la dhigay. Ka dib nin hadal badan oo magaalada laga yaqaan ayaa la soo seexshay. Maalin markii uu jiifey ayaa hadalkii qabtay, ka dibna sariirtii intuu isku laabtay uu dhahay waan soo yadha noqonayaa ee yaan sariirta la iiga seexan. Markuu baxay ayaa nin kale oo xanuunsan sariirtii la seexiyay. Ninkii sariirta la seexshay ayaa markiiba dhintay, haddana qof kale ayaa la seexshay, qofkiina waa dhintay. Meydkii oo wali sarirta saaran ayaa ninkii hadalka badnaa soo noqday, oo yidhi "waar soo anigii ini idhi yaan cidna la seexin sariirtayda." Markaas baa lagu yidhi 2 qof baa la seexshay 2diina wey dhinteen oo mid waa kaa wali yaal.

 

Intuu qoslay uu yidhi " dee inuu malag soo socdaan ogaayoo waan u jadhay"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oday reer Mudug ah ayaa waxaa la yiri turubkuu aad u yaqaanay, laakiin hal nin ayuu sinnah uga reyn kari waayay oo markasta shaah ka caba. Maalintii dambe ayaa ninkii dhintay. Odaygii ayaa loo soo sheegay oo lagu yiri ninkii hebel ahaa ee turubka kaa badiyay waa dhintay. Intii laga sugayay inuu naxo ayuu dhahay " Alleylehe mar ma iga haray" :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

I can't post anything now but let me copy paste one.

 

 

Ardey iskuuleey ah ayaa waxa ay lahaayeen imtixaan ah maaddada "Arts" ama sawirka, markaa ayaa macallikii inta uu sawirey geed ay saaran yihiin shinbiro ayuu ardadii ku yiri hala sawiro dhaqsada ...Macalinku aradada wuxuu siiyey " 5 daqiiqo" markii ay shantii dhamaatey ayuu yiri haye haye inta gacmaha isku garaacey oo sacabiyey .. Wuxuu macallikii bilaabey in uu aruuriyo warqadaha markaa ayuu arkay waraaqdii ardaygii ugu danbeeyay oo aan geedkeeda shinbiro ku sawirnayn. markaas ayuuu yiri warayaa aaweye shinbirihii geedka saarnaa .. ardaygii ayaa macalinka ugu jawaabey “Dee macalin adigaa sacabiyay”.

"Siciid Seexiye"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

..

"dee inuu malag soo socdaan ogaayoo waan u jadhay"

:D:D , nin rag dheh!! malagii dhamaa uu u gambiyay..kkkk L0L.

 

ahhh check this one out, waa ooyay san u qoslayay walahi markan akhriyay.. :D

 

Hadda ka hor ayaa oday la oran jiray TOOXOOW wuxuu tagay meel muxaadaro diinta ah lagu hayo. muxaadaradu waxay ku saabsanayd maalinta YOOMAL_QIYAAMO iyo sida Gaalada loo cadaabayo maalintaas.

 

Tooxoow markii uu muxaadaradii soo dhamaystay oo uu gurigiisa u soo socdo ayaa waxaa jidka kaga hor yimid nin saaxiibkiis ah oo la yiraahdo Dhabareey waxaaana dhex martay sheekadan:

 

Dhabareey: Ar Tooxoow ahaa..... xaa la sheegay beriga.

Tooxoow: nabadi ma jirto beriga

Dhabareey: Saay wax u juraan?

Tooxoow: meel inta ah oo la isku wacdaayo aan tagay Yoomul-qiyaamo aa beriga oo dhan laga warramaayay

Dhabareey: Haye.

Tooxoow: Haye xay tahay?.... Naarta waxa laga sheegaayo manaad maqli laheyd haba tegin aa ku qabaheeso.

Dhabareey: Kix kix kix kix , Ya qiyaamaha ma isbaaradii Habarta (Habar-G..) aa u qabtaa ee loo gambaayay? ..........

 

wuuna ka dhaqaaqay asagoo sii leh "....wuxu caqli xumaa caqliga caaro kaa xuubsatay".

Share this post


Link to post
Share on other sites

2 aa hadda ha kor ka tahriibaayay Yemen to Saudi ga. Midkoo waa reer waqooyi midka kalana waa reer Baydhabo. Baabuurka nin carab ah oo wada qarda jeex aa la maraa. Baabuurkii aa god ku dhacay, markaas aa kii reer waqooyiga dhahay "Nabiga" Carabkii aa intuu maqlay ku dhahay nabiga wax ma kuu qaban karo ee Allah dheh. Ninkii waa iska aaamusay, cabbaar markii la socday aa haddana sidii camal god lagu dhacay. Markaas aa kii reer Bay dhahay " Aw aweesow" ninkii reer waqooyiga intii fiirshay uu dhahay " Waadh Nabigiiba na kala diidey markaas aa Awees la soo shirtagtay"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amintu waa salaadii makhrib. Salaadii ayaa lagalayaa. Goobtu waa masaajid jamac badnaa......

 

Imamka: Istawuu, isku sima safka, meelaha banaan buuxiya, garbaha iyo cidhbaha sima oo yaanu shaydaanku idin soo dhex galine is cidhiidhsada.

 

Oday Qalbi wanagsan: Dee haduu shaydaanku tukanayo u daaya hasoo galee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOOOOOOOOOOOOOOOOOOO OOOOOOOOOOOOOOOOOOOO OOOOOOOOOOOL - some funny stuff in here.

 

 

war xaggee ka kenteen waxaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin saudi arabia ka shaqaysan jiray ayaa wuxuu damcay inuu somalia tago si uu usoo guursado.

somaliduna waxay caado u leedahay in wixii saudi arabia ka yimaadaba ay ugu yeedhaan XAAJI isagoo laga yaabo inaanu waligii xajin. ninka xaajiga loogu yeedhayo ayaa shaqadiisu ahayd nin wadooyinka dhisa amaa laamayda. ninka gacmahiisa ayaa waxay ahaayeen qaar naxariistu ka guurtay ileyn waa nin wado uundhisayay'e.

 

kadib xaajigi ayaa naag loo guuriyay, habeenki ugu horeeyay markay aqal galeen ayaa ninku meel alleele meeshuu naagta ka taabtaba gacmihiisu xagtaan. naagtii ayaa intay u dulqaadan waday xag xagashada ninka gacmihiisa ku tidhi { oo xaaji waxaan ku waydiiyay meeshaad ka timid dadku ma gacmaha ayay ku socon jireen}

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Dee haduu shaydaanku tukanayo u daaya hasoo galee.

:D:D:D Rageedi buu ahaa Wallahai

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this